Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Dadaalka Duqeyda Ogaadeenya VS danaha madaxda dibdad jooga ah ee jabhadaha

Muddo dheer ayaa shacabka u dhashay gobolka Soomaalida ee Itoobiya ay dhagohoodu maqlayeen warbaahinta oo kawaranta, waraysina layeelata dadka madaxda ka'aha jabhadaha kahawl gala gobolka ee kunool wadamada shisheeye, hadaladaas oo xataa kolalka qaarkood dhagaysi goodu shacabka u keeni karo cawaqib xumo sida dil iyo dhaawacba oo uu tusaale fiican u yahay arintii kadhacday magaalada shilaabo waraysigii Dr maxamed siraad doolaal awgii.

Raggaas dibadaha jooga waraysigooda waxaa weheliyey oo iyana war baahintu afkaar tooda soo gudbin jirtay nimanka maamula kililka. laakiin bilihii ugu dambeeyey waxaa mudh soo yidhi oo iyana codkooda lamaqlay guurtidii iyo gola fadhigii isugu jirtay salaadiin, ugaasyo, culimaa'udiin, garaadyo, caaqillo iyo hogaamiye dhaqameedyadii xilliga dheer saaxada laga riixday.

Saddexdan qolo ee makara foonka isla haysata ee ninba uu doonayo in uu gaadh siiyo codkiisa bulshada, tartankana ugu jira dhagaha dadweynaha Ogadenya ayaa waxaad moodaa in laba qolo!ay haystaan imkaaniyaadkii ay loolankan kugali lahaayeen. labadaa qolo oo kala aha madaxda jabhadaha oo gacanta kuhaysta khabar is-gaadh siin ay kamid yihiin idaacado, website-yo iyo saxiifado ay af-kaartooda dad aad u badan kugaadh siinkarayaan.
Sidoo kale nimankan maamula kililka ayaa iyaguna huwan magac dawladeed oo gacantana kuhaya malaayiin doollar oo ahayd hanti hadii si fiican loo isticmaalo dadka wax u qaban lahayd dalkana wax weyn kabadali lahayd balse ay inta badan u'adeeg sadaan ku kala socod siinta danohooda shakhsiga aha. bulsho badan oo aan kamid ahaa ayaa si weyn ugu mashquushay oo is weydiisay abooyinow dhankee bay dhabtii jirtaa waaka oo nin waliba anigaa sax san leeyahaye? kafiirsasho dheer, ukuur galid xaalada odayaasha, iyo soo indho indhayn xaalka dhaqaale, siyaasadeed, nabad galyo, deegaan, iyo bulsho oon kusoo sameeyey gudihii Ogaadeenya ayaan kusoo ogaaday in bulsho weynta Ogaadeenya ay maanta riman tahay khabarka guurtida odayaasha. arintan ayaa la odhan karaa waxaa sababay arimo kala duwan oo sitoosa iyo si dad ban labadaba saamayn ugu yeeshay nolosha shacab keenna kunnool Ogaadeenya dhexdiisa.

Waxaa kamida arimaha bulshadu maanta hiil iyo hooba ula garab is-taagtay odayaasha oo ay waliba uga door bideen labadii qolo ee ka dhawaaqa dheera qodobadan soo socda:- shacabka Ogaadeenya kunooli waxay indhahooda ku'arkaan in maamulka kililku uusan waxba uhayni. wax u hayn iskaba daaye hagar daamo ayey kolal badan kula kacaan. hantida iyo miisaaniyadda kililkana si musuq maasuqa ayey ugu takri falaan iyadoo waliba dadku baahi aad ubadan ay uqabaan wax yaalaha aas aasiga nolosha u'ah. maamulka kililka waxaa ragaadiyey naf jeclaysi, nin jeclaysi, mansab jeclaysi, iyo iyagoo illaawey in shacab wax kasuga yaayi jiraba. -sidoo kale waxaa muuqata in umadda Ogaadeenya ay siweyn uga aamin bexeen jabhadaha sheegaya inay baadi goobka ugu jiraan wax muddo dheer shacabku usoo halgamayey oo ah goba nimo. shacabku gobanimo aad ayuu ugu ooman yahay, jiiro dhaadheerra wuu usoo maray laakiin waxaa u caddaatay in dadka maanta sheegaya inay hogaanka u sidaan day-dayga gobanimadu aysan daacad ka'ahayn sheegashadaas.

Dad weynuhu waxay ku hadaaqaan hadh iyo habeen inaysan isku masloxo ahayn iyaga iyo dadka dibadaha kahad-hadlahayaaayi. shacabku waxay kunool yihiin nolol ka hoosaysa ebar. waxay la'yihiin waxa ugu muhiimsan nolosha noolaha oo aha biyaha. waxaa qofka caadiga aha ee kunool ogadenya ku adag inuu helo waxa loo yaqaano( Primary needs of human being) oo ah wax uu cuno, wax uu cabo iyo meel uu seexdo, tacliin iyo waxbarasho war koodaba daa.

Waxaa qayb saday jahli,faqri, colaab iyo abaar. dadkeena agtiisa waxaa halgamaa weyn ka aha qofka baahiyahan isku daya inuu wax ka daboolo.dhanka kale, madaxda jabhaduhu waxay kunool yihiin nolol aad uga duwan tan aan kor ku tilmaanay, waxay gaadheen heerka ugu sareeya ee aha (Luxury life). nin madaxdaa aan sheegayno kamid ahaa oo habeen magaalo aan joogay marti ku ahaa hotelka uu seexday kiradiisa ayaa waxay kabixin kartay 60 qof oo kunool Ogaadeenya casho aad u heer saraysa.waxay dadku xusuusan yihiin in sayid maxamed uu in kabadan 20 sano uu halgan kujiray, laakiin uu dhulkuu rabay inuu xoreeyo ka hawl gali jiray.

Waxay had iyo jeraale dadku idaacadaha kadhagaystaan in hogaamiye yaalkii Chechniya Jawhar Dudayeef, iyo Aslaan Maskhadoof iyo..iyo...ay ruushka oo adunka ugu xooga badan kula dagaalamaan dhulkooda dhexdiisa ilaa iyagii ay ka shihiideen. laakiin inaga nasiib darro madaxda jabhada heenna dadka dagaalka galiyey intooda badani dhulkii majoogaan, umana sii socdaan. caruur tooduna inay dagaal gasho marabaan. waxaan garanayaa nin kamid ahaa jabhadaha dagaalama oo waliba zaad haye ahaa oo dhalin yarada dagaalka ku abaabuli jiray, nooli iyo sahayna siin jiray ninkii damca inuu dagaallamo,ayaa maalinkii dambe walaalkii damcay inuu jabhadaha raaco, mar kaasuu kahor istaagay, wiilkii ayaa diiday oo yidhi walaal dagaalkan aad dadka kusii wadid ayaan u kululahaye iddaa, ninkiiayaa walaalkii ku xanaaqay oo yidhi lacagtan hoo oo aduunka meeshaad ! doonto ka aad laakiin dagaalkaas kolla ha aadin!!!. hogaannada
jabhadeheennu waxay u badan yihiin dad aan dhulkii tagin 20kii sano ee ugu dambeysay hadii ay tageenna xilli yar soo joogay dagaal ay galaan iskaba daaye!


waxaa intaas oo dhan dheer isagoo shacabku xusuusan yahay 1993 iyo markii lahelay ismaamulada oo jabhadda madaxdeedii ay kadhamaan waayeen iska hoos guur iyo kursi iyo mansab jacayl sida ay maanta yihiin kuwa xukuma kililka shanaad oo kale. xusuustan ayaa iyaduna shakigii shacabka shidaal kusii dartay.

Waxyaalahaas aan kor kusoo xusnay iyo arimo kale oo farabadan ayaa kallifay in shacabku maanta udhaga nuglaado hawsha muhiimka aha ee ay odayaashu wadaan. waxaan kula talin lahaa madaxda jabhadaha ee dibadaha joogta inay kafaa iidaystaan oo dadkoodana uga faa'iideeyaan fursadaha iyo isbeddellaadka kadhacaya Itoobiya, oo ay waliba udhaga nuglaadaan odayaasha qorshohooda iyagoo kafeejig toonanaya inay u la dhaqmaan sidii hore ee ahayd inay isku dayaan inay danohooda kahor mariyaan kuwa shacabka.
Hadii ay saas yeeli waayaan waxaan filayaa inay cawaaqib xumo badan kureebi doonto oo kala jab iyo is eedayni kuxigi doonto iyadoo waliba shacabkuna siweyn uga tashan doono oo waliba massallaha ! hoostooda laga siibidoono.

Cabdilaahi Maxamed Amiin
ceelfuud@hotmail.com


Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com