Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»War Xaajada Absame inaba xal maleedahay? !!!!
Kadib wadahadalkii ay Odayaashu (Gollaha Guurtida) layeesheen dawlada Ethiopia ee keenay in uu furmo waji wadahal iyo wax-is-waydiin kusalaysan iyadoo aan lasii odorosi karin meesha ay cag-iyo-sal saari doonto ayaa waxaa soo if-baxaya is qab-qabsi iyo annigaa madax kuusan!

Sida lawada og yahay waxaa durbaddiiba bilow-day calaamado muujinaya
wadadii fashilka – waa haddii uusan caqligu talinin oo aan laga taxadarin
hawsha siyaasadeed ee Al-baabkeedu furmay.

Mudo nus-qarni kabadan waxaa caado u ahayd siyaasada ummada Somaaliyeed
ee Ogadenya inay walhiyaan dadka ku abtirsada Absame, taas micnaheedu ma’aha aqoon daro, mana aha dadnimo xumo, ee waa is-garab orod iyo hunguri xumo aad moodo inay kaba hor-martay qadiyaddii guud, tasoo keentay sharaf-dhac iyo qiimo daro badan.

Jahawareerka siyaasadeed iyo midka dhaqaalle ee haysta gobolka Somalidu degto ee Ogadenya, waxaa masuuliyadeeda iskaleh beesha Absame, oo xitaa aan xalmuuqda soo wadin. Sidaa daraadeed bal halkan waxaan ku eegayaa arimo dhowr ah oo aan jeclaystay inaan la wadaago akhristayaasha.

Aragtida cabirkayga waxaa muujinaya sida ay maanta wax u socdaan oo aad mararka qaar is oranayso tolow - ujeedaduba wax inay hagaagaan lagama damacsano miyaa? Kolla waxaad is odhanaysaa waali ayaaba ku dhex jirta!

Dhacdooyinkii 7dii week ee lasoo dhaafay oo kooban waa sidan:-
•Cadaallad daro lagu maamullay Gollaha guurtida

•Qorsha xumo badan oo haysata Odayaasha (Ugasyada) oo ay kamid tahay wax qoran oo haba yaraatee la tix raaci karo oo ilaa hada lahayo malaha (Xog-hayn la’aan). Taasoo keentay in waxii lagu wada hadlay oo aan qoraal laga haynin wax kaduwan uu suuqa ordayo. Markii Gollaha Guurtidu iswaydiiyeena – ay arintu noqotay – horta waxii aan kuwada hadalay iyo waxii aan ku heshiinay maxuu ahaa? Waxii dawllada aan waydiinay maxauu ahaa? Xeerarkii aan dhiganay maxay ahaayeen? War iilashii wax noo qor-qorahayay aaway?

•Wiilashii wax qor-qorahayay waa ay iska kala tageen, kadib markii ay meel ay seexdaan iyo wax ay cunaan ay waayeen.

•Arintu waxay noqotay in dib loo xasuusto - kadibna Ugas walba yiraahdo – walaahay sidaas bay ahayd baan u malaynayaa!

•Odayaashii qaar waxay kunoqdeen Jig-Jiga, qaarna Diri-dhaba, qaarna Addis-Ababa ayay fadhiyaan – taasoo keentay in wax yaabo badan oo isdaba marsan ay soo baxaan. Sida magacaabida dadka loo xilsaaray laxaajoodka ONLF iyo cida soo xushayba!

•Dadka wax odorosa waxay lee yihiin qolyaha dibadaha biilasha kadira ayaa faraha kulla jira maamulka Odayaasha/Ugasyada.
•Dhinaca ONLF: waxaa soo baxay dhowr kooxood oo wada sheeganaya ONLF – sida garabkii hore ee uu hogaamiyo Admiral M. O. Cusman, garabka Badbaada ONLF ee A. Sayid, garabka Ina Sacdi, garabka Ina Geelle ee fadhigiisu yahay Denmark iyo kuwo kale oo aad dhawaan maqlidoontaan. Qola walbana waxay leedahay annaga ayaa ah ONLF ta saxda ah ee waa in Ethiopia annaga nala xaajootaa, haddii kale (gush-iyo-gawsh mallaha) wayli-wayl karaaci mayso.

ONLF laba tun oo lakala qaado malaha! Su’aasha lays waydiinayo waxaa weeye idan xal ma’ u noqon kartaa shacbiga Somaliyeed ee Ogadenya ee ay ku habsatay dhibaatooyinka farahabadan iyo mashaakilaadka ay kimid yihiin Dilka, Dhaca, ufsiga, Abaaraha, Gaajada, Jahliga, Dagaallada iyo Argagaxa joogtada ah???

Dhibaatooyinkaas ummada haysta waxay keeneen wareer iyo walbahaar farabadan oo qarka u saaran in laga dhumo dariiqii midnimada iyo horumarka ummada omaaliyeed ee Ogadenya.

Waxaynu kamid nahay dadyow badan oo ku guul daraystay wax-ka qabadka nolosha, dana aha liidasho xagga kartida ah, mana aha liidasho xagga maskaxda ah, mana aha liidasho xagga iskuday-ga ah, ee kaliya waxay-nan waligeenba isku dayin Isku-ururinta Xoogaga Midnimada ku aaddan Ujeedooyinkeena.

Haddii CAANAHII inaga daatay 91kii ku addeey-nay diyaar maynaan ahayn,
iyo wax lamid ah manta maxaynu ku eedayndoonaa???

Somalidu waxay tiraahdaa Allif – kaa halaabay Al-baqra kuma hagaago! Haddii arinkeenu lamid yahay mid-ka Somalida kalaba haysta ee ah yaan Qaran Somaliyeed waligeed dib loo arkin, waxaa iska cad inaan wadadii kadhunay.

Guul-darada laga dhaxlay mashaqada siyaasadeed waxaa kamid ah:
•Xeelladaha Beenta
•Xumaan badan
•Xaqdaro xalaal ah
•Xishoodaro Qaawan
•Xaraggo Sharaf la’aan ah
•Xilkas la’aan
•Xoriyad la’aan
•Xaasid-nimo
•Xasuus la’aan
•Xig-mad daro iyo
•Xeerarkii dhaqanka oo xabsi lagu riday

Waxaan soo jeedinayaa talooyinkan soo socda:
A.In hawsha loo daayo dadka kushaqada leh, inkastoo aan si cad loo ogayn cida ay shaqadeedu tahay in loo daayo hawsha, iyo waxa ay cidaasi shaqadeedu tahay. Hadafkeenu ha ahaado – kala danbayan, xishood iyo ixtiraam. Taas wanaaggii lagu waayo, waali laguma gaadhayo.

B.Is garab yaacu xal ma keeno. Qof-walba dib ha u ufiiriyo arimaha siyaasadeed ee uu kudhex jiro – bal inay miro-dhalayaan iyo in kale?
C.Xaqdaraddu xal makeento. Wax cadaalad lagu waayay cabudhis laguma helo.
D.Wada tashi wax halagu xaliyo – waxii wada tashi lagu waayo war-wareeg laguma helo.
E.Wax qabow lagu waayay qaylo iyo qardo jeex laguma gaadho.
F.Caadadii iyo dhaqankii aynu lahayn dhab haloogu noqdo. G.Odayaashu ha joojiyeen lahadalka saxaafada. Haddii kale xaajadu waxay noqonaysaa Absame iyo Abeesaba afkoodaa wariya.

Akhristow shacbiga Somaliyeed ee Ogadenia waxaa uu kusugan yahay mashaakilaad ay kimid yihiin Dil, Dhac, Kufsi, Abaaro, Gaajo, Jahli, Dagaal iyo Argagax dhinacwalba ah.

Allahayow maatida u maciin!


B. A. Diiriye
sharifabsame@yahoo.com
"Nin maqan tebiddii waa nin jooga ceebtii!"



Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com