Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Aayaha Ogaadeenya iyo Ujeedooyinka Eriteriya
Erayga aha waxaa jirta dan joogto aha ee laakiin saaxiib joogto ahi majiro ayaad moodaa in dalka Eriteriya uu ku dabaqay qadyadda Ogaadeenya. Eriteriya ayey ahayd tii usoo gurmatay Tigreega 1994 kolkii jabhadda midowga Soomaali galbeed oo kolkaa la odhan jiray Al-itixaad ay dhar
baaxadii lawada ogaa u geysteen Itoobiya. iyagoo ciidama doodii lugta ahaayi galeen taniyo Q/Juqood dhufays walbana kasaaray qolyahaas. laakiin kolkii iyaga iyo saaxiibadood ay foodda is dareen ayey dib inoo baadi goobtay oo ay damacday inay awrka inagu kacsato.



waxaa kolal badan aynu maqalaa dad aad u eedeey naya dawladdii miletariga ahayd ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad. dadkaas ayaa sabab uga dhiga eeddooda in uusan ninkaas iyo dawladii sii toona aysan daacad ka'ahayn qadyadda dhulkaas magacyada badan. sida lawada ogyahay dagaalkii 1977 waxay qabsadeen ciidamadii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jabhaddii Soomaali galbeeg oo wada jiraayi dhulka Soomaali galbeed intiisa badan amaba dhammaantii. iyadoo dhulkaasi muddo bilooyina xoraysnaa. caadifada Soomaalinimadu cirkay ku shareerayd, fanaaniintii Soomaaliyeed gobalkay doonaan haka yimaadeene qayb aanan la ilaawi karin ayey kagaysteen dhiiri galinta ciidamadii dagaalamay.


Marna maysan dhicin in siyaasaddii dawladdii Maxamed Siyaad uu sicad qadyadda Ogaadeenya uga hiiliyey oo uu dawladdii cadawga ahayd ee Itoobiya hiil iyo hoo midna kusiiyey gumaysiga gobalkaas. taageeriddii dadka iyo dawladaha Soomaaliyeedi waa waxa ay maanta Soomaaliya kasoo kaban la'dahay ee ay Itoobiya u qasayso. waa suuro gal inay jireen afraad khaa imay dadka iyo dalka laakiin maysan ahayn siyaasad dawladeed. marka hadii aynu ku eedayno Maxamed Siyaad inuu dhulkaas qadyaddiisii siyaasad ahaan faraha inooga bixiyey oo uu u'ekaysiiyey khilaafaad xuduudeed, ragii jabhadaha madaxda ka'ahaa ee ay isaga is fahmeenna aynu kolal badan xamanno inagoo nidhaahna jagadii ayey qadyadii kadoor bideen maxaynu qaladkii shalay dhacay maanta usoo celinaynaa?


Haddii dadkii Soomaaliyeed ee shalay inala dhintay sidii inna guba aynu dorraad ula dhimanay waliba maantana inaga awgeen loodilayo ku ee dayney ineysan qadyaddeena daacad ka'ahayn maxaad u malay neysaa Eriteria oo ay ehel iyo arxan wadaagaan kuwa aynu rabno in aynu ka xorowno? shalayna ahaa kuwii dhufays walba inaga saaray ee dhul keenna inagu soo weeraray? in intee le eg ayey maanta daacad inoo yihiin. laakiinse innagu waligeen ma hardan dawlado u dhexeeya ayumbaan marba laba is layneysa midkood bakoorad u noqonnaa?

Sidaynu lawada soconnay waxay hogaamiye dhaqameedyada Ogaadeenya in muddo ahba ku mashquul sanaayeen sidii dhulka nabad looga aslaaxin lahaa. arintaas oo ay maal, maskax iyo wakhtiba ku bixiyeen. shacabkiina dal iyo dibadba caleemo qoyan ku soo dhoweeyey. laakiin sida wararka soo ifbaxaya sheegayaan, waliba caqliga toosanna qiyaasi karayo dalka Eriteriya arintaas waa uu kabiyo diid sanyahay. balaayada maanta ina haysata ee ay iyagu shalay qaybta ka ahaayeen ayey aad u jecelyihiin ineynu kusii dhex jirno. hadiise aynu dhanka fiican ka eegno xidhiidhka JAWXO iyo Eriteriya, maxay inagu soo kordhin ayaan is leenahay dal tabaryar oo aynaan xad iyo xeebtoona wadaagin? Eriteriya iyadaa lafeheeda u yaaban oo taniyo akadeedii ugu muhiim sanayd laqabsan gaadhay Meles Zenawi oo cadaadis caalami ahi saarnaa haddii uusan dib uga joogsan iyadoo waliba balaayo karaacday diidis tii uu Zenawi diiday inuu Cassab qabsado oo qabiilkiisii tirada yaraa ee Tigreega ahaa ee uu shucuubta Itoobiy! ana ku cabudhin jiray ka kala jabay. miyeynaan inaga iyo Eriteria noqonaynin laba qaawani isma qaaddo, ama nin daad qaaday xumbo cuskay.


waxaa hubaala in dalka Eriteriya uu qad yaddeenna saamaynta kaliya ee uu ku yeelan karayaayi tahay mid siyaasadeed. saamayn taas oon ahayn waliba mid wanaag san. tusaale ahaan, sida ifa faalada soo baxay saayi tibaaxayso ku dhawaaqidii uu ururka ONLF ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wada hadal kaas oo Zenawi sheegay inuu ogolaaday codsigii guurtidii Ogaadeenya ee ahaa inuu wada xaajood shuruud la'aana lagalo ururka ONLF ayaa walwal ku abuurtay xukuumadda Asmara. taasi waxay kalliftay inay si dadban uga hor joogsato xubno muhiim ahaa oo katirsan JAWXO oo kolkaas dalkeeda ku sugnaa inay ka qayb galaan shirkii ururku ku yeeshay dalka Denmark bishii
ina dhaaftay ee July. shirkaas oo looga wada hadlayey talaabada uu ururku ka qaadan lahaa odayaasha ku soo foolle London iyo wada xaajoodka ay ku baaqayaan. eega qudhigeeda waxaa suuro gala in dalkaasi qayb ka yahay khilaafaadka lasheegayo inuu u dhexeeyo ururka oo ay jiraan qayb labaxday garabka badbaadada.


si kastaba ha ahaatee arinta nin waliba farta wadnaha kaga hayo ayaa aha maalinka uu ururku Itoobiya wada hadal lagalo inay Eriteriya garabkale abaabusho iyadoo halkaas kala jab iyo jaha wareer cusubi kasoo fool leeyahay. amuurtani waxay dhabar jab ku noqonaysaa hawshii duqaydu
xiliga dheer u dhul jiiftaynayeen. waxayna cirka ku laalaysaa rajadii ay qabeen malaayiin qof oo dal iyo dibadba kunool ee ahayd in xaalka gobolka xal siyaasadeed loo helo.


C/Laahi Maxamed Amiin
ceelfuud@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com