Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Su aal:Jamhadda waddaniga ahi waa tee?
Micnaha jamhadnimo asal ahaan waxaa lagu saleyn karaa in ay sababto dareen shacab kaasoo saluugsan habdhaqanka nidaamka markaas maamul ahaan u jira waddan ama gobol ama meel kamid ah dunida.Rabitaankaasi waxuu inta hore ku mashquullaa bal in sifo wada hadal ah lagu xalliyo dareemada kala duwan ee markaas ka dhaxeeya umaddaas iyada ah iyo nidaamka markaa jira.

Markey xaaladdu ka soo reyn weydo waxna laga maqli waayo ama cadaadisku sii batana waxaa dadka intooda wax garadka ahi miisaan saaraan xaaladda markaas taagan iyo waxa la awoodo ee lagu joojin karo cadaadiskaas isaga ah. Gole laxuley oo caqli ama cilmi lagu tuhmey ay misaan sax ah oo kama danbeys ah kuna saleysan cilmi baadhis iyo odoris dheer ku qeexaan waxwalba oo suuro gal ah.

Go aankaas oo miisaaman meelo badanna laga fiiriyey laguna xukumey faa iidada iyo khasaaraha waqtiga dhow, kan dhexe iyo kan fogba ayaa noqda mid dadbadani taageeraan. Unugtaas iyo go aankaas haddii uu noqdo in cadowgaas ama nadaamkaas la iska caabiyo ayaa markaaba wajiyo badan iyo dhibaatooyin kala nooci ahi kasoo ifbaxaan. Qaar badan oo dhibaatooyinkaas kamid ahina waxey u badan yihiinba kuwo mar hore laga wada doodey meella la isla dhigey. Inta kusoo cusboonaata ee qaddarka iyo duruufuhuba keenaanna iyana go aan adag oo loo meel dayey ayaa lagu saleeyaa.

Jamhaddaasi waa tii ku dagaal gasha hayin iyo hiigsi adag oo aad udheer. Cadowga ama nidaamka markaas jiraayi waxuu geed gaaban iyo mid dheeba ugalaa laba arimood. Kow inuu shacabka iska horkeeno isagoo adeegsanaya tabo aad ubadan. Iyo midda labaad oo ah inuu Jamhaddaas u sawiro iney cadow tahey nabad galyo kasoo horjeeda rabana qalalaaso iyo dib udhac. Xurguftaas kadhexysa dawladda iyo jamhadda kuna saleysan helidda taageeridda shacabka ayaa waxey yeelataa sababo aad ubadan oo aan halkan lagu koobi karin. Anaa kuuroon oo lacag bixiya nabaddana illaaliya, mushaarkana anaa keenay, iskuulada ,telephonada diyaaradahaba anaa masuul ka ah wax kabadanna waad heleysaane nimankaas iska qabta ayaa shacabka loogu celceliyaa.

Tartankaas adag ee dawladdaasi ama nadaamkaasi ku bixiyo lacag iyo hadal badanba waxaa kaliya oo la tartami kara iskuna dayi kara hanashada shacabka Jamhadda waddaniga ee fahantay kana baaraan dagtey hiirtaanyada soo fadhi xumaan karta mustaqbalka dheer.Waxaa fahmi kara gadahaas kala duwan oo kaliya niman isku tashadey, kuna tashadey, kana tashadey waxwalba oo caqligoodu wadaagi karey oo waliba niyad saalim ah oo daacad ah ku hawlgalay. Haddaba waa tee Jamhadda saxda ah ee kaqayb gali karta tartankaas iskuna dayi karta iney ku guuleystaan.

Arinteenna Ogadenya! jamhadda waddaniga ahi waxay tahey midda shacabkeeda uhalganta lana halganta, oo waliba latashada. Jamhadaasi waa midda isku dayda iney buuxiso hawlaha kaxoog bata shacabka ee dantooda ah. Waa midda hoga tusaaleysa umadda una sheegta kana dhabeysa hadal iyo ficilba iney tahey dartood waxey qoraxda u joogaan. Waa midda isku dayda tabartooda iney buundooyinka udhisaan, xoolaha uwaraabiyaan, beeraha u falaan. Waa midda reeraha miyaga daggan kacaawisa waxey awoodaan ama ku dhaamaan ee cilmi ah.

Waa midda kala taqaanna umaddeeda midka tabarta daran ee taageerada dheeriga u baahan iyo midka iyo iska ladan. Waa midda ilaalisa xuduudaha bulshada ay u qaateen qoriga si nabad ahna ku xaliya khilaafaadka hoose. Waa midda aan ukala eexan shacabkeeda. Waa midda dheef mooyee uusan shacabkeedu katirsan wax dibindaabyo ah. Jamhadda waddaniga ahi waa tan baajisa colaadaha sokeeye ee shacbakeeda si walba oo ay awooddo. Waa midda guud ahaan noqoto tusaale wanaagsan oo lagu faano, lagu hirto umaddana duco badan ka kasbada.

Jamhadda noocaas ahi waxaa hubaal ah iney ugu yaraan helayaan taageerada umaddeeda kala badh ama kabadan. Jamhaddaasi waxey sababi kartaa horseedi kartaana horumar iyo isku tashi buuxa. Waxey niyadda usifeyn kartaa qurbo joogta oo dhan si ay taageero buuxda oogu helaan halgankaas soofeysan. Arimahaas oo dhami waxey buuxiyaan shuruudaha halgan iyo rabitaanka waddinayadeed ee saxda ah.

Waloow ay jiraan qaacidooyin caam ah kuwaas mamnuucaya in umadda oodhami halmeel isku raacdo haddana waa hubaal in halgankaasi tayo tiro iyo tubba kawanaagsan yahey kuwa kale oo badan.

Haddaba akhristoow su aashu waxaa weeye Jamhadnimadeenu waa tee??? !

By Ogadenya
ogadenya@hotmail.com


Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com