Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»TAARIIKHDA HALGANKA SOOMAALIGALBEED, SHEEKO & SHAAHID
Waxaan ku bilaabayaa BISMILAH magaca alle SW oo leh naxariis guud oo
loo siman yahay gaal & islaam sidoo kale insi & jinni. waxaa kale oo ALLAH
uu naxariista aakhiro u gooni yeelahy dadka mu,mininiita ah Waxaan halkan mahad balaaran uga soo gudbinayaa dhamaan saxaafadda xorta ah ee soomaaliyeed sida wararka dalka hooyo maqaalada lagu cabirayo aragtiyada kala duwan ee bulshadu leedahay waana kaalin muhiim u ah nolosha bani aadmiga.





HALGAN 100 SANO JIRDAY

Hadii aan u soo gudbo mowduuc aan doortay ee kor ku xusan inta aanan u
galin mowduuca aan taariikh yar oo guud mar ah ka dhiibo taariikhda
guud ahaa geeska afrika gaar ahaan dhulka soomaaligalbeed oo 100 sano ee ugu dambaysay ay ka jireen qulqulatooyin siyaasadeen & diimeed xiligii mujaahidiintii ee bilowgii qarnigii hore ee 20 aad ayaa waxaa kacay kacdoon gumaysi diid ahaa oo ay isaga dabeeyeen Ahmed guray oo ahaa muslim ka soo jeeda wadamada islaamka ee badda cas walow lagu sheeho in uu ahaa soomaali laakiin wali lama hayo asal ahaan meesha uu ka soo jeeday laakiin waxa uu ahaa mujaahid halgamaa ahaa oo dhulka soomaalida ka xoreeyay gumaystayaashii reer yurub & amxaarada .

Waxaa xigay kacdoonkii gumaysi diidka & jihaadka ahaa ee uu hogaaminayay SAYID MOHMAED ABDILLE HASAAN oo isagu ahaa mujaahid soomaaliyeed halgamaa u dhashay soomaaligalbeed isla markaan ahaa caalim diineed oo wax ku soo bartay wadamada islaamka gaar ahaa guriga ilaahay sw ee MAKKA AL MUKARAMA mujaahidku markuu culuumtii diiniga ahayd soo dhamaystay ayuu ka soo dhoofay dhulka AL HARAMAYN KA isaga oo go,aasaday in uu dadkiisii & dalkiisa u faaiideeyo culuumta diiniga ah ee uu ka soo xambaaray JAZIIRADII CARABTA ee diinta islaamka ee AL FURQAAN ku soo degtay taasoo qarniyadii uu nabiga SCW soo gaadhay dhulka soomaalidu degto .

Markii uu hadaba ka soo degay dekadii Berbera ee xeebta waqooyi ee dhulka soomaalida oo markaas ku hoos jirtay xukunkii ingiriiska ayay waydiiyeen in uu VISA wato ama dal ku gal iyagoo iska dhaga tiraya in ninka kan uu soomaali yahay isla markaana uu dhulkan ku dhashay iyaga ay yihiin gumaystayaal soo haajiray isla markaana aan xaq u lahayn inay waydiiyaan dal ku mar ama passport midna. sayidka oo aan uga xanaaqsan ayaa garwaaqsan waayay su,aashii ahayd do you have a passport? where is your visa? where do you come from? su,aalahaas ayuu sayidku kaga jawaabay who you are ? why do you come here ? tell me who bring you here ? & kuwo kale oo farabadan waxa uu aad uga xanaaqay sida gumaysiga reer yurub ay u doonayaa in dadka & diinta islaamka kala qaybiyaa .

Si uu arintaa uga hortagana waxa uu diyaarsaday xer ama wadaado cilmi uu tababar & barashada diinta islaamka ku bari jiray xaruntii islaamka ee waaga ee TALEEX waxa uuna yeesha quwad allah aamintay oo bislaatay isla markaana diyaar u ah inay gumaysigii ingriiiska ka saaraan dhulkooda hooyo taas oo ay ku guulaysteen waxa uuna sayidku noqday qofkii ugu horeeyay ee isaga ciidankiisii daraawiishta lagu weeraro diyaarado dagaal dhmaadkii qarnigii 19 aad waxa halkaasna ay guushku ku raacday islaamka iyagoo gumaysigii ka xaaqay dhulka soomaalidu degto koonfur ,waqooyi & qaybo ka mid ah dhulkii ay amxaarada lagu wareejiyay1948 markii falastiina ingiriisku kuwareejiyay yuhuuda .



MARAXALADII 60 YADII
1960 waxaa dhulka soomaaligalbeed ka bilowday dardar kale oo halgan hubaysan ah oo barakaysan kaas oo ay horboodayeen culumo dhulka soomaaligalbeed u dhalatay kuwaas oo dagaal lagalay gumasigii xabashida oo guula farbadana ka soo hoyiyay waxana markaas la aqoonsaday dhulkii Koonfiurta soomaaliya & waqooyiga soomaaliya oo markaas midoobay iyadoo sabab ay u ahaayeen xisbigii SYL & siyaasiyiin rugacadaa ahaa oo markaas heer caalami siyaasada ka waday dadaaladaa markii la isu geeyay waxaa dhalatay jamhuuyidii soomaaliya THE SOMALI REPUBLIC oo 1950 intii xornimada aysan qaadanin qaramada midoobay 10 sano korka ka maamulaysay kadib markii gumaystayaashii reer yurub afka carada loo daray lagagana adkaaday goob kasata taas oo lagu khasbay inay ka daldashaan .

MARXALADII 70 & DAGAALKII 1977
1975 waxaa wadanka soomaaligalbeed dib uga bilowday halgan barakaysan oo ay wadeen dadka gobolka u dhashay sida cuqaasha culimada & dhalinyarada halgankaa ma ahayn kii ugu horeeyay ee ka dhaca dhulka soomaaligalbeed ee waxa uu ahaa halgan taxane ahaa oo marna daarma marna dama duruufaha jiray awgooda markii la soo gaaray 1977 waxaa bilowday dagaal dhex maray dowladdii soomaaliya oo taakulan siinaysa shacabka soomaaligalbeed & Jabahadii markaas halgan ka waday ee WSLF oo markaas shacabka gobolku 100% taageersanayeen sanadkaa dhamaadkiisii markii dhulkii soomaaligalbeed uu xoroobay oo la gaaray daafyaha magaaladii caasimada ahayd ee addis ababa ayaa waxaa dagaalka soo galay ciidamada russia ee loo yaqiinay USSR , libya, cuba, yemen oo dhamaantooda gacan siinayay dulmiilayashii ETHIOPIA .

Waxaa la soo jabiyay ciidamadii soomaalida ee dhulka soomaaligalbeed dib u soo noqoshadii ayaa waxay guulo u ahaayeen kuwo doonayay afgambi siyaasadeed oo shaati qabiil xirnaa si kastba ha ahaatee dowladdan ayaa doonaysay taakulaynayay Shacabkii soomaaligalbeed sabaha fashilka dowladii siyaad bare ku keentayna waxaa ka mid ahaa .

1. Dagaalka oo aan la qorshayn isla markaan mohamed siyaad bare oo ujeedo gaar ah ka lahaa & khaarajinta saraakiil uu ka baqayay inay afgambiyaan xukunkii dano gaar ah ayuu ka lahaa taakulayntii & duulaankii soomaaligalbeed.

2 Waxaa kaloo fashilka dhalisay koox qaab qabiil u socday oo rabay in ciidamada soomaalida la soo jabiyo si markaas iyagoo hab qabiil ah ay xukunka ula wareegaan kuwaas ciidamada khiyaamay kuwaasna waxaa ka mid ahaa JENERAL CIRO & ABDULLAHI YUUUF

3. Iyadoo quwada waaweynaa ee markaa jiray ay u arkayeen mandaqad istaratiyi u ah noloshooda ayna ku loolamyeen dhaqaalaha dhulka soomaalida ceegaaga waxayna kala taageereen labadii xukuumadooda ee shuuciga ahaa oo mid walba dan gaar ah ay ka lahayeen reer galbeedka & reer bariga.
4 Waxaa kaloo ciidamadii dowladii siyaad bare dhulka soomaaligalbeed ay ka gaysteen tacadiyo badan sida dadka oo ay dilaa waana kuwa ka soo horjeeday siday dowladu wax u maamulaysay kufsi aan xad lahayn oo aad moodo kuwii 1991 laga soo sheegayay beelo khaas ah markii lakala luuday & kuwo farabadan oo kale oo aan maqaal kaliya lagu sheegi karin.

Si kastaba ha ahaateen markii ciidamadii soomaalidu soo jabeen laguna soo noqday dhulkii soomaaliyeed gaar ahaan caasimadiiislam markaana ay wadanka soo galeen qaxooti 4 million oo qof oo ka soo qaxday dhulka soomaaligalbeed ayaa waxaa bilaambay burburkii dowladii siyaad bare iyadoo dhow jeer la isku dayay in la khaarijio ama xukunka laga afgambiyo siduu isagaba ku yimid waxana markaas koox qaab qabiil ku socotay ay isku dayeen inay madaxwaynaha afgambiyaan taas oo la fashiliyay waxaana dhagta dhiiga loo daray 16 ka mid ahaa saraakiishii gadoodka & afgambiga waday waxaan baxsaday ABDULLAHI YUUSUF MAQUUSTE oo ahaa qofka kaliya ee kabaxsaday cararayn koox qabiil madax maray ee doonayay inay xukunka afduubaan waxa uuna u cararay dhinacaa & kenya,



WSLF waxa ay la falgasha dowladii soomaaliya oo waxay noqdee qaar wasiiro safiiro hawlwadeeno dowladeen halka dhalinyaradii gobolkuna la falgaleen dhalinyaradii walaalhood reer soomaaliya sida waxbarashada waxaana markaas bilaambay in dadka gobolku tashadaan oo ay is waydiiyaan labada qadiyadood ee soomaaliya & dhulka amxaaradu xooga ku haysto iyu gabi ahaanba ayaaha dhulka soomaaligalbeed walow WSLF ah dagaal jabhadayn ah ka wadeen dhulka soomaaligalbeed bilowgii 80 haddana waxay u badnaayeen dhinaca soomaaliya oo ay xafiis wayn ku lahayeen magaalada muiqdisho .



Inkasta oo halgankaa uu mira dhalay haddana waxaa mar walba xagal daacinayay dowladdii mohamed siyaad barre & kuwa u shaqeeya isla markaana hayb ahaan ka soo jeeda gobolka somaligalbeed Ogdeniya oo noqday CARD la adeegsado marka la cadaadinayo dadkooda & dalkooda waana wax aduunka dhan laga yaqaano in marka dhul dhibaato ka jirto laga faaiidaysto dadkiisii lana adeegsado qayb ka mid aha si loo rumeeyo oraahiid ahayd



"GUDNIYAHAY IMAADAN GOYSEEN HADII AANU KUGU JIRN GABAL IGA MID AH"

Waxaa soo diyaariyay

Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi
Ahmedpo@hotmail.com

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com