Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Daal iyo Baab'a dabadeed Nabad iyo inta nool ha loo taliyo!!.
Nin garaad ah baa nabad ka taliyay, wuxuu isku taxalujiyay halaag soo socda ka hortagii.Si walba ayuu isugu dayay horboodayaasha beeshiisa inuu ku qanciyo in dhiig daata laga baaqsan karo. Markay ku gacan saydheen, ayu isku daygii ugu danbeeyay ku yidhi " war hebelo iyo haadaba qadiya". Wuxuu tusaaleey markay jabaan, oo sida muuqata qolada ay ishayaani ay sokeeye tahay, in la dhaxli doono oo ceel iyo carshin waxay leeyihiin uu rag kale oo kuwan ay dilkooda u hamuun qabaan uga duragsani qaadan doono. Waa la diiday Garaadka nasteexadiisii, dagaal lagu hoobtay baa dhacay, boqolaal barbaar ah ayaa nafwayday. Nin qarkii reeraha ayaa siibmay.Dumar badan ayaa hangal cad xidhay, caruuro badan baa ogontoobay. Sidii Garaadku ka digay bay u dhacday oo ceelashoodii ragii uu uga digayay baa hantiyay. Wixii soo hadhay, daaduun, ciil iyo gabaxsi bay la gami waayeen. Iayadoon rag dhiman, duunyo lumin, deegaana gacmaha ka bixin wixii laysku hayay, dirir, dhimasho iyo guryo ba'ay dabadood wax iskama badalin ee waa halkoodii. Agoomaha aan ukala talino yaa lays yidhi wixii dhacayna wax ka soo qaad malaha. Mar la lumay baa la gartay inta hadhay in nabadu dan u tahay.
Garaadka taladiisii qaadsaho lahaydaa, lamase yeelin.

Umuurtan aan ka so sheekaynay waxay ka mid tahay dhacdooyinka dirir beeleed ee ku jira taariikhda dadka Soomaalida.
Uguma horaynin iyadu, ugumana danbaynin talo xumo dagaal dabadeed daal iyo burbur la dhaho AGOOMAHA ha loo kala taliyo. Waxaad iswaydiini intaysan caruuruhu agoomoobin maa lataliyo.

2-Qiso kale oo taas aan ka waranay la mid ah. Xilligii Daraawiishtii Ina Cabdille Xasan, waxaa caan ahayd qabiilkii diida inuu ku biiro gulufka Daraawiishta, waa col daraawiisheed oo galid u baahan, xoolahooda, dhiigooda iyo dumarkoodabana waa la xalaashan jiray, xataa sabiyada lama bixin jirin. Qolo marka ka mid ah qabaa'ilka daga dhulkaas Soomaaligalbeed ayaa Daraawiishi ku tidhi ama soo guura oo xarunta oo Taleex ah(Taleex, waa magaalo waqooyi bari ka xigta Laas-caanood), imaada ama waydin galaynaa. Markii digniintaasi u timid odayaashii iyo Suldaankii beesha ayaa tashi gorada laysgaliyay. Suldaankii wuxuu soo jeediyay dood iyo wax is tus badan ka dib in ay meesha hada ay daganyihiin ka guuraan oo ay ku darsamaan isbahaysiyo difaaci kara oo gabaad siin kara iyaga maadaama aysan Daraawiish oo dawlad ah u babac dhigi karin. Iyadoo uu Suldaanku dababka kale ee shidan ee uu beeshiisa la hoos gali karo maskaxda ku haya ayuu soo jeediyay sedex meelood midood inay u guuran oo dhabarka saaraan. Sedexdii taloba waa laga diiday Suldaanka, waxayna ragii kale dhaheen Daraawiish waxba nagama qaadi karto oo ways ka dhicinaynaa. Sidii baa lagu fadhiistay oo gulufkii Daraawiisheed lagu sugay. Daraawiish oo ku hubaysan faras iyo qoriba wax aad uga badan waxa beeshani haysato ayaa ayaantii la dhawrayay ku waabariisatay beeshii oo nabad ase col dhawr ah xalay ku soo gashay. Wixii ka dhici lahaa baa ka dhacay, cagtaa lagu dhuftay reerihii. Jab aan qiyaas lahayn baa dhacay. Nin ka mid ah ragii Suldaanka ku gacan saydhay ee in reeraha la badbaadiyo diiday ayaa isagoo firxad ah oo reerkiisii, caaruurtiisii, tolkiis iyo xoolahiisiiba ka wata gabadh yar oo uu dhalay oo uu tunka kula cararay, ayaa qax ku tagay, sedexdii meelood ee Suldaanku soo jeediyay ,iyadoo nabad la yahay in loo guuro, midood. War meeshani waa meelma ayuu dadkii uu ugu tagay halkaas tooyday? Meesha magaceedii baa loo sheegay. Kolkaabuu yidhi "illeen nin dadkiisii oo nabad ah wata (meel hebel) kuma fogayn"!. Aan idin xusuusiyee ninkan odayga ahi wuxuu Suldaanka ku yidhi meel hebel oo ah meesha uu hada yimid isagoo mucsur ah " Suldaanow ma cir baa ma dhul". Macnaha wuu qariibsaday meesha fogideeda iyo inaan loo baahnayn meeshaas aan la aqoonin in beesha loo rarao si loo badbaadiyo reeraha. Abbow talo xumo ka badan ma la arkay!

3- Sheeko sedexaad oo kuwaas hore ku qaab ah. Aan soo koobnee nin baa nin dilay. Qoladii ninka laga dilay baa ogolaatay in mag/diyo la siiyo si ninkoodii ay uga samraan. Sagaal iyo sagaashan neef oo geel ah ayaa tolkii kale soo uruuriyay, kolkaas baa la yidhi qaalintii boqlaad ku soo dar geela magta ah odaygii wiilka wax dilay dhalay; kolkaas buu diiday oo yidhi hal sumadayda leh halo reer hebel "dhareere" u socda ka dhex muuqan mayso. Waa lagu kala dareeray oo ninba hashiisii eryaday. Maalinkii danbe ayaa nimankii ninka laga dilay oo ciil qaba ay meel haad ah ka heleen wiilkii ninkooda maglay. Aayar bay isna haanka jareen oo gawrac labada dhagood ugu jiideen. Qaylaa wilatay odaygii baa la soo gaadhsiiyay in wiilkiisii uu jeclaa haada loo wadhay; goradaa lays gashay oo wax garad baa loo xulay bal inay gorfeeyaan waxa xiga ee la yeelayo.Cuqaashii la saary, waxay yidhaahdeen bal ergo ha la diro oo ha la waydiiyo nimankii wax dilay, siday rabaan inay u xaalaan. Geesi ergo yahan ah oo adeer ugu toosan wiilka la dilay ayaa ergadii hor kacay. Reeruhu makala durgsanee mudo yar kadiba ergadii way soo laabatay iyadoo guulaysan. Waxay ergadii sheegtay nimankii reer hebel ee dhibka gaystay waxay ogolyihiin in ninkoodii la dilay aan waxba laga soo qaadin, ninka beeshan ah ee ay dileena ay boqol iyo laabatan halaad ka bixiyaan iyo gabadh godob reeb ah. Ninkii ergada madaxda u ahaa wuxuu raaciyay markuu intaas odayadii geedka fadhiyay u sheegay: "waxaan wadno nin waalan iyo nin wadkii galay unbaa diida". Odaygii wiilka dhalay wuu diiday arintii ergadu waday,wuxuuna yidhi hadii aan lahelaynin wiilkaygii oo nool wax kale kuma qancayo oon dagaal ka ahayn. Dagaalkii bilawdayna kun qof oo labadii dhinac ah oo ay ku jiraan odaygii iyo sedex iyo toban wiil oo uu dhalay ayaa ku nafwaayay sida la sheegay.

Odaygii waxaas oo fitan ah dhigay markay naftu ka baxaysay ayuu garwaaqsaday inuu khaldanaa, wuxuuna yidhi: "markaan tabar hayey talo ma haynin, maantoon talo hayana tabar ma hayo; adduun i khatal".

"Inta nool" ha loo taliyo ayaa la dhihi mar ay kumanyaal ruuxbaxeen. Waxaad iswaydiini ma kuwii dhintay bay khiyaamayeen marka ay leeyihiin inta nool ha loo arinsho.Dadkaas oon dhiman oo xayi ah maa la arinsado oo talo xumo layska daayo. Jawaabteeda ma garanayo arintan, waase wax uun lala yaabo oo madaxa daalinaya

Sheekooyinkani waxay dhaceen horraantii qarnigii labaatanaad ee ina dhaafay.Xiligii waxaas oo talo xumo ah iyo dil macno darro ah ay dhacayeen wuxuu ahaa xilli jaahili ahaa oo dadka aqoontooda diimeed iyo tooda maadiba ay yarayd. Xiiligani wuxuu ahaa sabaan ayna dawladi jirin, oon sharci iyo maxkamad, xeer beeleed ha joogee, uusan ahayn waxa la yaqaan. Sawse aad u fajici maysid hadii aad kuwaas iyo kuwo ka daran oo talo xumo ah iyo agoomaha ha loo kala taliyo aad aragto maanta oo la joogo qarnigii 21naad.

Dagaal wiil baa ku dhintee mid kuma dhasho waa maahmaah lays xusuusiyo markii dhiilo colaadeed taagantahay. Nafta qofka bani aadamka ahi waa waxa ugu qaalisan ee ay tahay in la dhawro. Si kasta oo looga baaqsan karo colaad iyo dil waa waajib faran umadaha fakara. Nasiib darrose dadka Soomaaliyeed meel kastaba ha joogeene nafta qofku qiimo lama laha. Waxaan xusuustaa mar la waydiiyay nin kamid ah dadkii masraxiyada fankii Soomaaliyeed ku caanka ahaa oo katirsanaan jiray kooxdii Waabari, inuu bal ka waramo xaalada Xamar say tahay. Wuxuu yidhi maciishada waa qaali, waxa kaliya ee raqiiska ah ee maanta Xamar yaala waa NAFTA QOFKA.What a sad situation!

Adduun waa nabad iyo naq waxaro kuu daaqaan, waa xikmad Soomaaliyeed. Wax kasta oo dagaal lagaga maarmi karaayi waa dadaal isku day mudan. Waxaan aad ula yaabay, bulshadeena inta dagaal laga kari waayo, halaag iyo dhimasho badan kadib, maxay halkii dagaalka ka hor la joogay ugu soo noqdaan oo ay u dhahaan inta hadhay ha loo taliyo.Si kale hadii loo dhigo, muxuu caqligu u shaqayn waayaa burburka hortii, oo marka la gubto ee halaag dhaco loo gartaa wixii horey loo arki la'aa??? Su'aashaas jawaabteeda akhristayaashaan u daayay....

Cade yalax
gaaruunyalax@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com