Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»WIIL WAALOOW LABADA CAD, CAD LAGUUGU DAR. By M/deeq Haldhaa
Waxaa la yiri Garaad Wiil-waal deegaankii uu ka talin jiray markay
xoolo qashaan waxaa isaga laga siin jiray labo cad oo hilib ah. Ragga
kalana waxaa la siin jiray hal cad oo hilib ah. Waa danbe ayay raggii
deegaanku ka tasahdeen arrintaas oo ay u arkeen inay caddaalad la’aan tahay inuu Garaad Wiil-waal labo cad oo hilib ah kaligiis cuno ragga kalana ay hal cad oo hilib ah cunaan.

Haddaba waxay raggii isku waafaqeen inay ka dhiidhiyaan caddaalad
darrada uu Garaadku ku hayay sida ay iyaga la ahayd. Laakiin waxaa adkaatay sidii loogu sheegi lahaa arrintaas inay caddaalad darro tahay oo uusan labo cad oo hilib ah isku helayn. Markii in muddo ah arrintaas la gorfeeynayay ayaa waxaa markii dabe arrin loo wada guuxay keenay nin ka mid ahaa raggii meesha ku shirayay. Ninkaas wuxuu yiri ha la soo xulo saddex nin oo fardo ku jooga. Oo marka uu Garaadku geedka soo fariisto oo labada cad ee hilibka ahna loo keeno ku yiraahda:-

“Wiil-waaloow labada cad iskuma heshid”

Waliba wuxuu u kala qeybiyay in uu ninka hore yiraahdo:
“Garaad Wiil-waaloow”
Ninka labaadna
“Labada cad ee hilibka ah”

Kan saddexaadna uu yiraahdo:-

”Iskuma heshid”

Deedna sidaas ayaa lagu soo dareeray. Oo waxaa la yimid geedkii hilbaha
lagu qeybsanay oo uu Garaad Wiil-waalna joogay. Markii Garaad Wiil-waal
loo keenay labadii cad ee hilibka ahayd, ayuu ninkii koowaad oo faras
ku jooga geedkii Garaadka iyo raggu fadhiyeen soo agmaray oo uu ku
yiri:-
Garaad Wiil-waaloow

Garaadkii oo in hilib ah intuu goostay afka la sii galaya ayaa yiri:-
Hee.
Ninkii labaad ayaa isagoon hakan intuu faraskii geedka soo agmariyay
yiri:-
Labada cad ee hilibka ah.
Garaadkii baa intuu madaxi kor usoo qaaday indho waaweyn kusoo eegay oo yiri:- Haye
Ninkii saddexaad ayaa wuxuu ku yimid Garaadkii oo gacana hilibkii ku
haya, gacana mindidii uu ku goosgoosanayay ku haya. Waliba waxaa ka
socday dhidid meesha oo kululayd awgeed. Garaad Wiil-waalna wuxuu ahaa nin buruud kulul oo ninkuu fiiriyo wuu nixi jiray. Markuu ninkii saddexaad
arkay wajiga Garaadka ee naxdinta leh ayuu ku dhici waayay inuu
yiraahdo:-“Iskuma heshid” Deedna wuxuu yiri isagoo naxsan
“Cad laguugu dar”

Haddaba waxay sheekadan igu soo dhacday markii aan dhagaystay inuu Ina
Ceydiid oo ah ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha
ee Soomaaliya uu ku khudbeeyay erayadan.
Xuseen Caydiid, waxaa uu yiri:
"2 malyan oo qaxootigeena boqolkii 60 itoobiyay joogaan, baasaboorka
itoobiyay qaataan, dhulka itoobiyay ku nool yihiin, dibaday ku aadaan,
way ka soo laabtaan, xoolo dhaqatada waa galaan, waa ka soo laabtaan,
haye xudduud laba kun oo kilomitir ayaa isla leenahay, xudduudaas in aan
baabi'naan rabnaa xitaa, maxaa yeelay walaalaan nahay wax noo dhaxeeya ma jirto, hal baasaboor, hal ciidan, security iyo hal dhaqaale in aan suubsanaan rabnaa."

Haddaba Akhristoow soow arrintu maahan:-

“Saanaawiyoow dhulkii Soomaali galbeed, soomaaliya laguugu dar”

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)
Nairobi, Kenya
haldhaa35@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com