Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Kulligeedba Gaaladu hadday xabashi kaalmayso ?C/Nuur Faarax
Haddaad si qoto dheer u akhrisdo dagaalladii dhex mari jiray soomaalida iyo xabashida laga soo bilaabo xilliyadii Axmed Guray la dagaalladamayay iyo ka hor salaadiintii soomaalida ee ka talin jiray Zalay, Harar iyo dhamaan dhulka soomaalida; Haddaad taariikhdaas dib u akhriso waxaa kuusoo baxaya saddex arrimood:

Tan koowaad: Mar walba waxaa jiray daba dhilifyo, iyo calooshood u shaqaystayaal hor orda cadawga, dadkoodana ku gumaada, dalkoodana u gacan galiya, sabab waliba ha'u gaysee.

Tan labaad: Culumada diinta iyo Madaxda dhaqanka ayaa mar walba ahaa awoodda ugu wayn ee la dagaallanta gumaysiga iyo caada-qaatayaalka u jaajuusa dadka.

Tan saddexaad: mar kasta oo ay muslimiinta somaalida ahi gacata sare yeelato ama dharbaaxo ayan ka kixin lagu dhufto xabashida waxaa usoo gurman jiray; mar walba calanka dawladaha gaalnimada isku bahaystay tan ugu awoodda badan si'ay u maquuniso muslimiinta xaq u dirirka ah, gaalada xabashidana ay ugu suura galiso inay sii gumaysato muslimiinta ku nool dhulka Ethopia loo yaqaan.

Axmed-gurey markuu jabiyay waxaa soo gurmaday burtuqiiska oo markaas ahaa awoodda ugu dir-fircoon reer yurub, ciidamadii xoogga dalka markay jabiyeena waxaa dagaalka toos usoo galay isbahaysigii Warso ee midawga soofiyeetku hogaamainayay, maantana waxaa kaalintaas u taagan maraykan, oo dagaalka toos ugu jiray ilaa maalintuu bilowday, markii xabashi lagu wiiqay dagaallada hawdkana isku dayay inay adeegsadaan diyaaradahooda noocyada ugu wax baabi'inta badan, allaha naga qabtee.

Haddaba taariikhdu isma badalin, caada-qaatayaalkii waa halkoodii, walow aad moodo inay aad u sii badanaayan, waana kuwii uu abwaanka soomaaliga ahi lahaa, marka dhulka Somali galbeed Minilik11 ay ku wareejinayeen:

Eebbow la kala miiran yaye minilik hay raacin!
Taasna waxaa ku tusaya dhulka soomaaliya ka maqan intiisa badan dagaal laguma qabsan, ayadoon dhiig daadan ayaa faraha laga bixiyay, damiir-laawayaasha iyo daba-dhilif yada noocaas ahi Waa kuwa u sacab tumaya gaalada culimadii iyo aqoon yahannadii soomaaliyeed ku ugaarsanaysa hawdka jubbada hoose, ayadoo kaashanaysa isbahaysi isku kaashaday inay nuurka alle damiyaan, oo uu hor boodayo maraykan.

Gabyaagii soomaaliyeed Aadan Yuusuf (Aadan-Carab) allaha u naxariistee ayaa wax ka tilmaamay sida mar walba xabashi gaalo u gacan qabato, gabaygaas oo uu tiriyay 1978 dii markay ciidamadii xoogga dalka soomaaliyeed dib uga soo baxeen dhulkii ay xoreeyeen ayuu gabaygaan tiriyay asagoo dadka oo aad u niya jabay dajinaya.

Qaybta koowaad ee gabayga ayuu wuxuu ku cadaynayaa badawnimada xabashida, in kastoo ay wax badan dawlad ahaayeen haddana il-baxnimadoodu ma gaarin in hilibka ceeriin la iska kariyo, wuxuu kaloo tilmaamaya inay isku darsadeen; gaalnimo, kibir iyo siyaasad xumo, wuxuu yiri:

Kuman yaal sanaa xabashi calan kor ugu taagnaaye.
Uu dahabka kuusani ahaa sida kash kaashkaase
Mana korodhsan ceeriinka waa la iska kariyaaye;

Kufrina waa u liitaan addoon kibirtay weeyaane
Kasina mayso deriskaa sidii laysku kaashado e
Caqligii kacbada weerareey keenayaan weliye

Qaybta labaad ee gabayga wuxuu ku tilmaamayaa in mar walboon axmaarta dharbaaxo ku dhufano ay gurmad ka helaan umadaha ay gaalnimada ku walaaloobeen, hadda ka hor sootii Axmed-gurey Buuraha Kaffaa ka tuuray ma'aha ee Burtuqiisku dagaalka soo galay, markana wuxuu yiri:

Kaffa horeba waw geyn jirriyo kodo ciriidhyoone
Kolkiise aan kadeedoba qoley 'kaalayaay' odhane
Maantana kuwo u hiiliyey baa koodhka buuxsadaye

Kaftan nama dhex-joogeene waa lay karaabbamaye
Kooraha markii lagu ceshay yay kini-adaygeene
Keenyada qadhmuunba ha watee waa kanfi lahayne
Kelyo nooma haynnine caddaan kaydsan baa yimide!

Qaybta saddexaad ayuu ku tilmaamayaa in kasoo bixitaanka dhulka soomaaliyeen uusan jab iyo tabar yari ahayn ee ay keentay duruufta dagaalka iyo cadawga lala dirirayo oo is baddashay taasoo keentay in la baddalo habka la isaga difaacayo:

Kaaraha shisheeyuhu wadiyo kedisadii guudka
Iyagana kacaankiyo Siyaad waw kitaab-furiye!
Goortuu u kaadsaday dagaal kooshinkaa hadhaye
Kaarkuu beddalay bay is tidhi kaafiyaad shubane
…………………………………………
Kaanbayga iyo raashinkoo loo kal-tirinaayo
Kooxdii baxdaba ciidankoo kadinka loo joogo
Meeshii kinnaaliyo haddaan Karin walba istaago
Kabnigii go'doomaba waxaa loo kaxayn xamare
Ma ha kuududdaa sow marnaba kaadi tegi mayso?!

Qaybta ugu dambaysa gabayga ayuu inagu xasuusinayaa inkastoo gaalo is wada bahaysato, inay na baabi'isana isku kaashato; in allaha wayn ee waaxidka ah aan ku tiirsanno, asagana aamino, sharcigiisana qabsanno, wuxuuna nagu baraarujinayaa inaan marnaba fulay laga dhaadhicin Karin Gaalo inay Jabayso!!, wuxuu yiri:

Waxbase hadalku yuu iga kordhine waxaan kusoo koobay:
Kulligeedba gaaladu hadday xabashi kaalmayso
Isagaa na kaafiya ilaah kaligi weeyaane
Kun bay kaga adkaadeen dagaal koox islaamihiye
Kashiisaa bugtee faleyse waa kararra'aayaaye
Ha ka kafaara-gudo kaan sidaa ugu kalsoonayne!

W.Q. C/nuur Faarax
Nuurudiin114@hotmail.com

Source:KismaayoNews.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com