Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

» Wareysigii Xaajo.com ay la yeelatey Sahra Cabdi
XOL:Waxaa bogga Xaajo usuuro gashey iney wareysi dheer la yeelato Sahra Cabdi oo ah gabadh Somaliyed oo daggan dalka Maraykanka taasoo ku guuleysatey iney hesho biladda abaalmarinta ee sanadkii 2006 kaasoo loogu magacdarey Calafornia Peace Price 2006. Sahra maxey qabataa, waa maxey shaqadeedu, sideyse ku muteysatey abaalmarintaas qaaliga ah, mise fileysey, maxey usoo jeedinaysaa umadda Somaliyed gaar ahaan dumarka iyo hooyooyinka.

XOL: Sahra Ciid wanaagsan, Sanad wanaagsan kuna soo dhawoow bogga Xaajo.com.

S.A: Ciid wanaagsan, walaalayaal waana dhawahay idinkoo mahadsan

XOL:Waxaad nooga warantaa dareenkaaga ku aaddan abaalmarintaas caalamiga ah ee lagu guddoonsiiyey? Mase fileysey inaad mar uun qaadan doonto billaddaas?

S.A. Marka uu horeysa Illaahay (SWT) ayaa iska leh mahad. Horey uma aanan aqoonin abaalmarinta, laakiin markii la isoo wacay ee la ii sheegay waxa ay abaalmarintu tahay iyo dadka la siiyo runtii waan aamini waayey! Waxaanan u mahadceliyey Illaahaygii isiiyay fursadda aan ku helay abaalmarinta sababta oo aah ma aanan ku helin dadaal aan shaqsi ahaan ula imida ee waa fursad uu Ilaahay ii sahlay marka kowaad.

Marka labaad inkasta oo aanan ogeyn dadkii ii doortay hase yeeshe sidaan aan ka dareemayay hadal dadka ii wareystay waa haween aan shaqo isla qabanay. Inaba ma aanan filaaneynin, maxaa yeelay horeyna uuma aanan ogeyn markii la ii sheegeyeyna waxey ilaa noqotay lama filan.

XOL: Sahra waxaad nooga warantaa shaqadaad qabato noocay tahay ee aad ku muteysatay abaalmarintaas, sidee ayuuse ku biloowdey, immisa ruux ayaase kula shaqeysa?

S.A. Shaqadeyda aan hadda qabto waxaan uu shaqeeya Hooyo Health Program. Barnaamijkan oo ah in uu la shaqeeyo haweenka iyo caruurta. Hawsha mashruucanina waxaan dumarka kala hadalnaa lana xiriirinaa dhaqtarka haweenka goor hore marka ay uurka isku arkaan, dhiirigalinta nuujinta ilmaha, barashada cuntooyinka faa’iidad leh sida (miraha iyo khudaarta) iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ay leeyihiin cuntooyinka subagga, sonkorta iyo cusbadu ay ku bbadan yihiin .

Barnaamijkan (Program) waxaan abuurnay markan aragnay baahida loo qabo barnaamij dhaqameed ah; haddana ka shaqeeya sidii loo kordhini lahaa wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed; kor u qaadista aqoontooda ku saabsan sidii ay u ogaan lahayeen caafimaadkooda; ka fogaanta waxyaabaha halis gelinaya caafimaadkooda iyo waxa ee uu baahan yihiin inay sii wadaan amase ay bilaabaan ee ku saabsan wanaajinta caafimaadkooda.

XOL: Intii aad ku guuleysatey billadaas, shaqadaadii maxaa iska baddashey, mise halkii ayuun baad ka sii wadaa?

S.A. Isbaddalka ku yimid waa dad aad ubadan oo igala soo xiriira meela kala duwan dunida dacaladeeda iyo dalkan aan joogoba oo aan iskala shaqeyneyo sidii aan isu dhaafsan lahayn aqoon kororsi ku saabsan shaqooyinka ay iyagu qabtaan ee aan annagu qabinin iyo kuwa aan annagu qabano ee ay iyagu u baahan yihiin. Ujeedaduna waa tusaale iyo talo wadaag maaddaama ay dadku u arkeen in mashruucani yahey mid taabo gal ah waxey jecelyihiin iney ku daydaan.

XOL: Waxaan la soconaa inaad tahay hooyo, sidee ayey kuu suurogashaa shaqadaas aad ku mutaysatey billaddaas qaaliga ah?

S.A. Waa runtaa oo hooyonimadu waa masuuliyad weyn qofkii uu Illaahay waafajiyo. Sidii aan wax u qabani jirey inta aanan hooyo noqonin umo qabto maxaa yeelay marmar waxaan guriga ka maqnaan jirey dhowr iyo toban saacadood toddobaadkii dhawr jeer haddase laakiin waan yareeyey maaddaama oo aan waalid noqdey.

Sidaas oo ay tahay waxuu Illaahay igu maneystey hooyadey oo aad iyo aad u jecel Ilmaha ay ayeeyda uu tahay oo aad ii caawisa oo ii buuxisey qeybteydii. Waxaa kale oo aad ii saacida waa walaalahey, odeygeyga, walaashey iyo gabadho iyo wiilal aan waalid ugu qummanahay. Waxaan Illaahay ugu mahadnaqayaa taageerada uu ii siiyay maxaa yeeley la’aantooda aad bay iigu adkaan lahayd inaan wax u qabto sidaan aan rabo.

XOL: Maxaad ugu baaqeysaa dadweynaha Saomaliyeed gaar ahaan dumarka Soomaaliyed iyo waliba khatartan dagaal ee hada ka soo cusboonaatey dhulkii hooyo?

S.A :Waa nasiib daro in aan markale dhulkeenii ay dhibaatooyin lasoo gudboonadaan oo dagaalo ka dhacaan. Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu colaada nabad waarta noogu baddalo. Soomaalidu waa dad aad u adag adag, oo Ma’aasha Allah ah, qaastan haweenka Soomaaliyeed waxuu Illaahay ku maneystey karti iyo ad -adeyg! .

Waxaan dhihi lahaa dadaalka sii wada haloona samro aduunka waa imtixaan Illaahayna kuwa ku baasa ha inaga dhigo.

Waa muhiim inaan ragga maskaxdooda dagaalka baratay aan nabad ku abuurnaa, oo aan xasuusinaa dagaalku dhibaatooyinka uu inoo leeyahay iyo sida uu u baabiyay qarankii Soomaaliyeed. Dagaalku waxuu aad u dhaawacayaa waa carruurtiinnii haddii ay ka badbaado, waxaa laga yaabaa in uu ku aabo ama hooyo waayo. Waxaa muhiim ah in ay hooyooyinka Soomaaliyeed meel ay jooggaanba ay ka damqadaan agoonta, rajooyinka iyo mustaqbal la’aanta haysata jiilkii cusbaa ee na hoggaaman lahaa berito (Hadduu Eebbe Idmo)

XOL: Shaqaaqooyinka ka aloosan dalkii hooyo iyo guud ahaan Geeska Afrika maxaad ka odhan lahayd?

S.A.Walaal waa muhim inaan ka qeyb qaadano xallinta dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika, sababtuna waxaa weeye dhulka hooyo waa lama huraan. Taas waxaa ku sameyn karnaa wacyigelinta dadweynaha iyo toosinta iyo barbaarinta ubadka soo kacaya. Waxaa kale oo intaas weheliya, waa inaan bulshooyinka aan u nimid kaga dayanaa waxa wanaagsan, sida nabadda iyo nidaam ku wada noolaanshaha. Waxaan Illaahay uga baryeyaa bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba inuu dhibaatooyinka ka dul qaado. Aamiin!!!

XOL: Sahra aad baad ugu mahadsantahey waqtiga aad nasiisey waxaana markale ku leenahay Congratulation!
S.A: Idinkaa mudan, Aadna waad u mahadsantihiin bahdo Xaajo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com