Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

» Guddoomiyaha Mashruuca Horumarinta Dhanaan oo xog dheer ka bixinaya mashruuca iyo xaalka magaalada Dhanaan
XOL: Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa wareysigii uu boggan Xaajo layeeshey gudoomiyaha mashruuca DDP. Wareysigan oo aad udheeraa dartiis waxaan usoo gaafmareynaa si koobkooban anagoo ukala qaadqaadney qaybo kala duwan sidii ay ahaayeen su aalihii isla markaana qayb walba uga hadalney si gooni ah: Waxuuna uyaallaa sidan; warka


Magaalada Dhanaan:
Inkastoo aanaan tiro koob sax ah ka heynin dadka ku nool magaaladaas iyo nawaaxigeeda haddana waxaa muhiim ah in dadku yaqaanaan in magaaladani tahey magaalo qadiim ah ayna ka mid tahey magaalooyinka ugu da’da weyn deegaanka Ogadenya. Dhanaan waxey ku taallaa jidka dheer ee isku xidha magaalada Qabridahare iyo Godey waxeyna Godey u jirtaa qiyaastii 75KM meesha ay Qabridahare u jirto hilaaddii 95KM. Sidoo kale waxaa Dhanaan dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Garbo oo hilaaddii u jirta 120 KM.
Dhanaan waa magaalo hodan ku ah xoolaha nool iyo dalagga beeraha. Dhanaan waa magaalo ay daggan yihiiin dhamaan qabaailka Somalida Ogadenya taasoo ah runtii magaalo lagu hirto noolaanshaheeda. Magaaladanni waxey can ku tahay dalagga beeraha ee gu’ga iyo dayrta la beerto iyo waliba xoolaha nool sida lo da iyo geela oo aan ka fogeyn magaalada. Markaas waxaan odhan karaa waa isku fuqso, cadkii iyo caanihii iyo soortiiba adigoon safar u aadin baadiye.

Dhanaan waxaa udhaw goobtii caanka aheyd ee KALI ee lasheego in lagu qabtey shirkii lagu bixiyey deegaanka Ogadenya. Meelaha caanka ah ee magaca weyn eek u yaalla aagga Dhanaan waxaa kamid ah Horushagax, ceelka Wey nee Shiniile, Qorra iyo Burqayar oo dhamaantood laga heli karo taariikhaha halganka Ogadenya tan iyo xiligii daraawiishta. Waxaa lasheegaa inaan loo dhaxeyn jirin Dhanaan iyo Jijiga iyo Qalaafe oo ay ahaayeen saddexda magaalo ee gobolka ugu da’da weyn. Dhanaan waxaa eegga laga maamulaa caasimadda Godey maamul ahaan, waxeyna leedahay xubno baarlamaan oo u matala deegaanka Kililka sida magaalooyinka kale ee gobolka. Dadka intooda awooda lihi waxey daggan yihiin magaalada Godey oo ay ku leeyihiin ganacsiyo badan taasoo ay qayb ka tahey iney ubadkooda u soo qaadaan waxbarasho dugsiga sare.

Siyaasad ahaan magaaladani waxey marwalba xudun u tahey dhaqdhaqaaqyada kasoo horjeeda dawladda Ethiopia iyo halgamadii gobonimo doonka ee Somalidagalbed. Sababtuna waxaa weeye Dhanaan waxey ku taallaa deegaanka loo yaqaano NOGOB kaasoo ku can ah durdurada biyaha iyo waliba xidhadh aan la galin. Taasi waxey usahashaa ururada iyo jabhadaha iney gabaad ka dhigtaan. Runbtii arintaasi waxey dadka iyo deegaanka ka abuurtaa xasilooni darri xagga amniga ah iyo waliba dagaalo ka dhaca meeshaas oo ay dadku ku barakacaan.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaaladan ayaa u badan in dadku ay ka mushtaraan xoolaha nool kuwaasoo ay ganacsatadu gataan xoolaha xiliyada qaar kadibna muddo kadin ay u dhoofiyaan dalka Somaliya gaar ahaan magaalada Boosaaso oo xiligan xidhiidhka ganacsiga ee gobolku u badan yahey.

Xiligan xaadirka ah ee aan wareysigan bixinayo waxaa xabsiga ku jira guddoomiyihii iyo ku xigeenkii magaalada oo ku xidhan magaalada Godey, waxaan rajeyneynaa in maamulkaas magaalada la siidaayo. Ma ahan markii ugu horeysey ee maamulka Dhanaan xabsiga la dhigo iyadoon lagu heynin wax danbi ah.

Xagga Waxbarashada
Waxaan qabaa dhibaatada horumar la aanta magaalada Dhanaan iney ugu horeyso tayada waxbarashada ee magaalada iyo fursadaha ay heli karaan ubadka ku nool aaggaas. Dhanaan waligeed ma yeelan wax dugsi sare ah. Inta baddanna dadka oo dhaqaale yar awgiis meysan helin awood ah iney ciyaalkooda u diraan dugsi sare oo meelo kale ah. Sidaas darteed xitaa kuwii dugsiga aadey waxabarashadoodu kola meysan dhaafinb dugsi hoose taasoo saameyn weyn ku yeelatey mustaqbalka magaalada iyo horumarkeeda. Dhanaan waxaa lasheegaa iney ka horamsaneyd sidey tahey maanta 30 sano ka hor. Taasoo micnaheedu yahey ineysan horey u soconin.

Xiligan xaadirka ah Dhanaan waxaa ka jira hal dugsi oo hoose kaasoo aan laheyn tayo wanaagsan oo dhan walba. Tan iyo intii mashruucan la abuurey waxaa noo suuro gashey wajigiisii hore inaan geyno qalab waxbarasho oo badan soona qiyaasno baahida taalla isla markaana aan markii ugu horeysey usoo gudbino walaalaha ku dhaqan qurbahu sidii ay isugu dayi lahaayeen iney caawiyaan walaalahooda u baahan. Dadku waxey xasuustaan halqabsigii ahaa(Dhexyar dhuubooy Dhanaan dhar makaaga gadaa) oo runtii ku tuseysa in xiliyada qaar ay ahayd magaalo hodan ku ah badeecada.

Mashruuca Denan Development Programme(DDP)
Mashruuca DDP waa madhruuca horumarinta magaalada Dhanaan waxaa la aasaasey sanadii 2006 bishii May. Ujeeddada loo aasaaseyna waxey aheyd sidii baahidaas tabarteena loo dabooli lahaa. Mashruucani waxuu ka jiraa waddamo badan oo dunida kamid ah ee ay ku nool yihiin jaaliyaadka Dhanaan, waxaana ku talo jiraa inaan sii balaadhino maaddaama oo ay jiraan dad ree Dhanaan ah oo badan oo jecel iney caawiyaan ubadka magaalada.

Wajigii 1aad ee mashruuca DDP waa lasoo gabagabeeyey waxaana xigi doona wajiga labaad. Wajigii 1aad waxaa sameeyey jaaliyadda UK ee mashruucan kuwaasoo awood u heley iney soo aruuriyaan xogta dhabta ee kusaabsan waxbarashada ee ka jirta DHanaan iyo waliba mashaariicda kale ee ka socota magaalada una baahan kaalmada sida masaajidka weyn iyo biya galinta magalaada, iyo dhakhtarka magaalada.

Ree Dhanaan
Marka aan leeyahay ree Dhanaan micnaheedu waa ree Dhanaan. Sidaan horey kuugu sheegey waxaa daga magaalada Dhanaan inta badan qabaailka Ogadenya oo dhan. Maaddaama ay tahey magaalo facweyn waxay nasiib u heshey iney ku noolaadaan dhamaan beelaha kala duwan ee Somalida Ogadenya kuwaasoo hadda ku kala nool dacalada adduunka. Ujeedada mashruucanina ma ahan in wax lagu qaybsanayo ama maamul iyo nin tooxsi ay tahey. Waxaa weeye dhib iyo waqti galin iyo waliba lacag bixin si loo caawiyo dhamaan ubadka ree Dhanaan ee kusugan Dhanaan kuwaasoo ubaahan kaalmo. Kolka ma aha kaliya in mashruucani u baahan yahey ree Dhanaan iyo ree Godey ama ree Somaligalbed ee waa mashruuc u baahan taageerada qofwalba oo ay dhibeyso baahida ubadkaas. Ujeedada ugu danbeysana waxey tahey waxbad iyo waxbixin. Magaalada Dhanaan waxey ka mid tahay magaalooyinka deegaanka ee dabran kuwaasoo u baahan kaalmo iyo in dadku garawsadaan iney waxqaban karaan. Waajibkaasi waa midka saran qofwalba waana muhiim in dadku bartaan iney dadkooda iyo dalkooda wax u qaban karaan iyagoo isku tashanaya.


Mashaariicda Dhanaan hadda kasocda
Dhanaan waxaa hadda ka hawlgala mashaariic aad uwanaagsan oo aan dhamaantood aad ula socono ulana xidhiidhno. Waxaa ugu muhiimsan masjidka weyn ee Jaamaca ee laga dhisayo magaalada. Markii uu mashruucan DDP soo duubey ama soo sawirey masaajidkii soona qaadey fariimihii odayada iyo culimada waxaa markiiba si dhakhso ah uga jawaabey jaaliyaadka qurbaha ku dhaqan waxaana ku hanweynahay inuu durba dhamaado.

Waxaa jirtey lacag jaaliyadda Ree Dhanaan ee UK ay u uruurisey biyo galinta taasoo markii dambe loo direy inlagu kordhiyo dhismaha masaajidka. Waxaa kale oo jirta in mashruuca DDP iyo hawlwadeenadu ay kadib soo aruuriyeen lacag kale oo aan kadaba dirney. Waxaa kale oo jirey dad iyagu iskood u sadaqaystey oo aaan xitaa qaarkood ree Dhanaan ahayn.

Waxaa kale oo hadda ka socda, biya galin ay hormuud ka tahey hay’add OWDA oo runtii halkaas hawl muhiim ah ka wadda taasoo la lashaysa mashruuc ajnabi oo la dhaho thedhanaanproject kaasoo runtii isna ah mid aad ugu wanaagsan shacabka. Mashruuca DDP iyo mashruuca the denaan project oo ay wadaan dad Maraykan ah waxaa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan waxaana rajeyneynaa inaan sii xoojino.

Isbitaalka magaalada Dhanaan oo ah isna mid aad uwanaagsan waxaa gacanta kuwada haya hay’adda OWDA iyo mashruucaas Maraykanka ah oo runtii hawl wanaagsan ka wada halkaas. Mar haddii Amerikaan iyo cidkasta oo caawineysa magaalada iyo dadkeedaba ay muhiim tahey waxaan qabaa in dhamaan dadka Islaamka ah iyo guud ahaan umadda ree Dhanaan meelkasta oo ay joogtaba iney u guntato kaqeybqaadashada mashruuca DDP talo iyo tabarba.

Maamulka Cusub ee DDP
Waxaan awalan mahad balaadhan u gudbineynaa hawlwadeenada mashruuca Horumarinta Dhanaan meelkasta oo ay joogaan waxaana ku hanweynahay inaan waxbadan qaban karno. Kolley bani aadam jiran lama weynayo oo dadku ma dhameystirna. Waana arin dabiici ah in dadka qaar bari ay u heesaan marka aad Galbeed u heesto, laakiin waxaa naga go an in tabarteena iyo waqtigeena volunteerka ah iyo waliba jeebkeena aan ku caawino walaaladeen. Kolka caqligii saliim ahi waaa inuu ka fikiraa waxqabad iyo wax lataaban karo. Mashruuca DDP waxuu wada tashi dheer lasoo sameeyey guurtida magaalada ee kusugan Dhanaan iyo Godey, sidoo kale waxuu wada tashi lasameeyey jaaliyadda meelwalba oo ay joogaan, waxa dadka dhan ey isku raaceenna waxaa weeye waxqabad iyo midha dhalin. Anigu hadda maamul ahaan waxaan rabaa inaan bilaabo hirgalinta wajiga labaad eek u salaysan baahidii mashruucu soo bandhigey.

Anigu intaan hadda qabtey xilkan waxaan isku dayayaa inaan la kulmo dhamaan ama afgaadho dhamaan xubnaha ree Dhanaan ee UK, anigoo uga baahan taageeradooda mashruuca iyo horumarinta magaalada. Ciddii diidda iney caawiso caruurtaas iyo magaalada xor bey u tahey, cidii aqbashana iyana waa kheyr. Ajirkeeda aakhirana nin walba waxuu geeystey isagaa iska leh.. Runtii waa hawl dhib badan waqtina u baahan balse waxa kaliya ee qasabaya waxaa weeye baahida meesha taalla iyo waajibka islaamiga ah ama dhalashada ah ee naga saran inaan walaaladeen wax u qabano.

Wajiga labaad ee mashruuca DDP
Wajiga labaad waa dhidbidda iyo taabagalinta dugsi sare ee magaalada DHanaan. Runtii waa hawl dheer oo aad u adag waxeyna u baahan tahey kaalmo iyo waqto badan. Waxaan u mahadcelinayaa jaaliyaadka dhakhso guda galey iney hawshaas qaybtooda ka qaataan dumar iyo ragba meelkasta oo ay joogaan. Waxaan qabaa maaddaama oo ay dunidani maalmo tahey inaad caawisaa ubadka iyo mustaqbalka waddanka iney tahey talaabo wax ku ool ah oo waqtiga dheerr daawo u keento deegaanka oo dhan.

Maamulka KILILKA
Waxaa aad looga naxo ah in magaalada Dhanaan oo leh taariikhaasi aysan illaa iyo hadda helin dugsi sare. Dawladihii ukala danbeeyey dalka Ethiopia way dayaceen magaaladaasi, middan hadda jirtana waxey qaadday talaabooyinkii hore. Haddaba maamulka Kililka iyo masuuliyiinta gobolka Godey guud ahaan iyo kuwa magaalada Dhanaan gaar ahaan waxaan ugu baaqeynaa iney hoos u eegaan adeegyada magaalada isla markaana ay guda galaan horumarinta magaalada dhanwalba.

Baaq Ku aaddan Jaaliyaadka ree Dhanaan iyo guud ahaan umadda Ogadenya
Waxaan fursaddan uga faaideysanayaa inaan baaq u jeediyo dhamaan jaaliyaadka ree Dhanaan meelkasta oo ay joogaanba waxaana leeyahay, illaahey dartiis haddii aad awooddo ka qaybqaado horumarinta magaalada Dhanaan cidkalana ha ku haleynin. Waxaa qiimeynta ugu danbeysa lagu fiirin karaa waxqabadka iyo faaidada shakhsiga waddaniga ah ama daacadda ahi ka geysto caawinta walaaladiis. Sidaa darteed waxaan dhamaan bulshada Ogadenya (Somaligalbed) ugu baaqayaa iney waxii talo iyo tabar ahba ku taageeraan mashruucan iyagoo eebe abaal ka rajeynaya.

Xaggee lagala soo xidhiidhi karaa?
Ciddii rabta warar dheeri ah ee kusaabsan mashruuca iyo marxaladihiisa ama rabta iney dalbato cajaladihii u danbeeyey ee laga soo duubay magaalada Dhanaan waxaad kala xidhiidhhi kartaan xoghayaha mashruuca DDP Mudane cabdullahi M Soofe(Cabdullahi Yare) email: caananuug702@hotmail.com

Xaajo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com