Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»GABAY: DIHINE UGBAAD.WT Shaafi Aadan-Waris
DIHINE UGBAAD WAA TIXGABAY AH OO UU TIRIYAY:-SHAAFI

Gabaygan oo aan kusoo koobay waxyaalo kamid ah khayraadka wadan ka Ogadeeniya magaciisuna layidhaahdo DIHINE UGBAAD waxaa tiriyay SHAAFI AADAN-WARIS CISMAAN taariikhda 27 / 8 / 2004 G.C gabygan waxaan ku halqabsaday nin saaxiib kay ah oo reer qabridahare ah magaciisana layiraahdo CABDI HURRE XASAN MAGAN oo ururin jiray suugaanta uu gabaygu ka midka yahay gabayguna waxa uu ku bilawday sedan:-

• Cabdiyaw dabuubtiisa gabay day ismalahayne
• Madoonanayn in aan daah furoon docodoceeya
• Daliil gabay haduu doorsan yahay ama si loo doono
• Duco iyo haduu waano yahay ama dareen gaar ah
• Duruus iyo haduu diini hadal wax daaweeya
• Dockastood ka eegtaba waxaa tiriyay dhoodaane
• Daacad gabay usheeg iyomurtida dayi ogideeda
• Singub baan haduu doono gabay abid kadaalayne
• Deelayda maansada isagaa daada hayn jiraye
• Da,da maanso dareenkayga gabay balaan daliigeeyo
• Dusha hardigeed danood doolo iyo haarcad
• Duudii qalaafiyo ilaa wabiga daaciisa
• Dareemadii hargeliyo ilaa taniyo daahyaale
• Dambaswayne dudumacad ilaa duuda xagareey ah
• Dibirkii dalaad iyo ilaa dahare meeshiisa
• Dayr daacyihii dusmaad ilaa daanta dhagaxbuur ah
• Dahabkii nugaal iyo ilaa daakhato iyo faafan
• Daarihii shiniiliyo jigjiga dacalka mooyaale
• Doolocadiyo dooloba,iyo dagalka fayr fayr ah
• Intaasoo dalkeena ahoo daayinku roobeeyay
• Oo doogii kabaxay daadku mulacyeeyay
• Oo doobidii baarqabkana fiitu dalaglaysay
• Oo dayrdhalkii geela dhalay daleeda loo keenay
• Oo dambarkii sii geeljiruhu isku dacar saaray
• Duunyadiyo ugaadhiyo gamaan meelkastaba daaqi
• Dirka goodir garanuugta iyo gorayo duud dheerah
• Dabataagta cawsha iyo deero quruxdeeda
• Iyo daba gamuuraw biciid daanta ka ilaalsha
• Dagyareey saghaaraduna waa daadka oo kale,e
• Da’kalena waa eray yaroon dihin ka faaleeyay
• Dur-durada biyaha iyo dalag waxsoosaarka
• Dihine ugbaad shidaal deeqikara dunida aan joogno
• Deegaan habooniyo daaqsin wacan gobo dalxiiseed leh
• Waxkastoo daruuri ah oo aadamuhu doono
• Inuu daayin kay daad shaybaan daliil uhaynaaye
• Waa dihine ugbaad egan lajiro daacad nimadiiye
• Dadkiisiina sadex duu noqdaan idindareen siine
• Dabadhilif wayaanaha lajira dana ugaarkiisa
• Dibadaha kuwo aaday iyo kuwo daba jooga
• Danakale kuwo haysta oo aan eebe dareen siinin
• Dardaaranse waxaan odhan lahaa ani dareen kayga
• Dabadhilif markii ay horseed dood u celinaysay
• Waxay tidhi maraad duuliyeed dhuuni yar doonayso
• Markii aad dirays qaadatiyo diiradlaha buuxa
• Eed dadkina soolayso eed dumiso raaskiina
• Adumbaa walaalkaa diliyo kii dadkuu xigaye
• Duruunaw maxay kuu tartiyo daacad baadtahaydu
• Da’kale in aan dawlad jirin waxaa daliil keed ah
• Dad lalayni waagii baryaba la,isna waydiinin
• Dambi la,aan duqaydoo laxidhi laguna daa’iimsho
• Dalo maleh wayaanuhu wuxuu dumiya mooyaane
• Dana heena guud iyo marabo in aynu doognaaye
• Dibadaha kuwaas aadayoow dib ugu soolaabma
• Isuduma isku duubma oo daacada ogaada
• Danakale kuwii haystayoow dambarsada jeexdin

Shaafi Aadan-Waris
jarar_faafan@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com