Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Jawaab: Xadhiga Mahdi Ayuub iyo Dumarka Xabsiyada ku dhalaya ma fursad baa? WQ Al-Haji
Waxaa wax aad loogu qoslo ah ama lala yaabo in walaalkeey A A Hire uu maanta ku sheegey iney fursad wanaagsan ka jirto deegaanka Somalida kadib markii masuuliyiin shaqada laga eryay. Runtii waxaa haboon inaad fahanto sababta loo eryey raggaan iyo cidda eridey ama danta laga lahaa. Kililku maanta ma dhalan dadkuna way ka wada dharagsanyihiin biloow illaa dhamaad gabood falkii iyo awooddii lagu takri falay.

Shaqada loo dhiibey Cabdille Illeey ee MAhdi Ayuub laga qaadey waliba loo xidhey haddey xal umadda u tahey waa caqligaaga balse waxaan marag kanahay in Ayuub uu danta umadda ka shaqeynayay oo uu noqdey ninkii ugu horeeyey ee hakiyay colaaddii lagu hoobtey ee beeleed ee ka jirtay Baali iyo RAASo.Cadbille Illeeyse isagu waxuu ushaqeeyaa ma ahan umadda Ogadenya ee waa Tigreega waxuuna dhibaa ama gumaadaa shacabka oo ay kamid yihiin dumarka aan waxba galabsan. Iney gabadh Somaliyed xabsi ku dhex umusho iyadoon waxba galabsan waa arin laga naxo haddeyse adiga kuu tahey wanaag iyo horumar waxaa cad ineyan walaashaa aheyn diirkuna kuu damqaneynin.!

Amniga deegaanka ee lagu marmarsoodo waxuu ka dhashey maamul xumida Zenaawi iyo Makriga dawladda Ethiopia. Sugideedana waxaa masuul ka ah ciidamada qalabka sida ee dawladda dhexe. Maanta qawmiyad walba oo Ethiopia ah waxaa ka dagaalama jabhado kasoo horjeeda Ethiopia. Haddaba in shacabka lagu laayo khalad uu Zenaawi keeney ahaydna inuu xaliyo oo maalin walba dadka loo xidhxidho walaalkaa ama ina adeerkaa ayaa Jabhad ah waa murugo kale iyana haddii aad u aragto horumar la gaadhey waa masiibo !

Meeshu waa Kililka 5aad, ninka maanta maamulaya baritaa la xidhi doonaa. raggana meesha wada joogana waxey soo qada liqeen xabsi. Tusaale ahaan Lugbuur waa lasoo xidhey. Khadar Macalinka hadda wasiirka ah xabsiga Jijiga waa soo maray. Mahdi ayuub in badan auu galay. Kolba waa siyaasadda iyo dabeyshu dhankey usocoto iyo kolba wiilka Tigreega ahi cidii dhabara ka taabto. Aragtideyda Kililku waa u maalin xun iyo murugo mar haddii Tigree Muqdisho joogo, balse taariikhda ayaana ka dhursugeynaa maalinka xabsiga ay gali doonaan Cabdille Illeey iyo Cabdi Cali Shagax.

Al haji
Ogadenya@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com