Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Ka daayaan ka waynaye maysla dantay ?WQ Sahid
Manta maqaalka waxaan ku soo qaadanaynaa nasiib darada lafactirsatay
shacabka soomaalida ogaadeenya sidaan wada ognahay umadan soomaali
reer ogaadeenya waxay soo samaysay dadaala badan kuwaasooy rabtay in
aykaga baxdo gumaysiga Ethiopia markastana dadaalka shacabku wuxuu
noqonayaa hal bacaad lagulisay waxa kadhiganayana waa masuulka markaas hogaanka haya halganaduna wayfara badnaayeen maantase waxaan kahadlaynaa midkan ONLF hogaaminayso kaas ood moodo dab sii damaya dabka markii lashido hadaan marba laysku raacinin hadbana qoryo cusub lagu kordhinin waa damayaa hadbana suu usii diciifayo wuxuu noqdaa ugu danbaynta danbasManta ONLF waxay udhaxaysaa dabkii iyo danbas ayadoo xaga dambaska ubadan waxaana daliil kuu noqonaya dhafoor xumada kamuuqata madaxda ururka xubnaha kaadirka iyo dhamaanba inta jecel xoriyada shacabka soomaalida ogaadeenya oo ayagu isku wada dhagan kalana shakisan waxaad arkaysaa labo xubnood oo magaca JWXO wada sheeganaya hadana midba midka kale iska
ilaalinaayo una haysta inuu yahay cadowgiisa oogu wayn xubinka kale

Waxaa kale oo kuu cadaynaya naaquska JWXO ku yimid bishan bisheedii
dadka kasoo horjeeda mowqifka ONLF way kaleexan jireen ama ka gaban
jireen markay arkaan qof JWXO kamid ah masuul iyo xubin midkuu ahaadaba maantase waxaa cararaya gabanaaya , dhuumanaaya masuuliyiintii xubnihii jabhada ku waas oo ka cararaaya su’aasha kaga imaanaysa shacabka reer ogaadeenya una badan 1 khilaafkii xageebuu ku danbeeyay ?
2 shirweynihii goormaa laqabanayaa ?
3 jabhadii labo garabay noqotaye malaysu keenay ?
4 gudidii maxkamada ee shanta ahaa gudoomiyaha iyo gudoomiye ku
xigeenkana ka ahaayeen cabdulaahi mukhtaar iyo cabdulaahi ugaas muxumed qani maxaa kasoo baxay?
5 madax badan iyo xubna badan oo ururka kamid ah waakuwa itoobiya isu
dhiibayee maxaad xal uraadin waydeen?
Dhamaanba su’alahaas iyo kuwo lamid ah oon haba yaraatee wax jawaab ah loohaynin awgeed waxay kaliftay in xubnaha jabhada iyo masuuliyiintaba
laga waayo goobihii laga helijiray ama looga carari jiray bishan bisheedii

Waxaa jira 3 qodob oo qabiil ah oo jwxo lagu sheego midbana maalin
aysoo maraysay kuwaas oo kala ah kuwan hoos ku qoran
1.ONLF waxaa markii uhoraysay ka soo booday dhamaanba qabiladii aan
ogaadeenka ahayn kuwaas oo sheegay JWXO in ay magac qabiil wataan
matalaysana qabiilka ogaadeenka ah kaliya
2 markii labaad waxaa kasoo booday dhamaan ogaadeenkii aan maxamed
subeer ahayn oo sheegay jabhadu inay tahay maxamed subeer kaliya
3 maantana waxay maraysaa jabhadu waa reer isa’haaq waxayna ku
shaqaysaa rabitaanka reer isa’haaq taasi waxay ku tisaysaa xanuunku siduu usii waynaanayo dawadiisiina aan loo raadinaynin ta ugu danbaysa ee reer isa’haaq oo kuu muuqanaysa markaad ukuur gasho ama aad lasheekaysato madaxda ururka in ay wax ka jiraan tusaale ahaan intii gudoomiyaha ururka loodoortay moxamed cumar cismaan waxaa laqabtay 3 kala fadhi oo G/dhexe labo waxaa lagu qabtay wadanka eretaria hala waxaa lagu qabtay gudaha ogaadeenya midkiii ugu horeeyay oo dhacay 2002 waxaa lagu eryay 11 xunood oo mid kamid ah uusan ahayn reer isa’haaq midkii labaad oo dhacay 2004 waxaa lagu caydhiyay 6 xubnood midna
qooyskaas ma ahayn
midkii 3aad oo dhacay 2006 waxaa lagu eryay 11 xubnood minana
qooyskaas ma ahayn marka sow micnuhu ma aha jabhadu hadafkay lahayd ee ahaa
xoriyad raadiska waa laga leexiyay oo waxay ku shaqaynaysaa rabitaan
shaqsi

waxaa kale oon wada ognahay in dowlada kaliya ee taageerta ONLF ay
tahay eretaria taas oo jabhada kasoo galo dhaqaale iyo saanad kasta oo
ciidan maxamed cumarna uusan u’ogolayn cidnaa ahayn qoyska si wax loo
qariya isagoo waliba 3dii ilooday wax marayeen udhiibay 3 nin oo uu adeer
uyahay
1 eretaria waxaa joogi jiray bashiir makhtal hadana waxaa loo dhiibay
cali dheere asagoon lagu gaynin go’aan jabhadeed ee lagu geeyay rabitaan
shaqsi
2 dubai imaaraadka waxaa loo dhiibay cabdulaahi afwaranle kadib markii
larabay in saalixudiin macow loo qayilo
3 gudaha waxaa loo dhiibay cabdulaahi sanwaye marka maadoomooy
dhaqaaluhu ugu mihiim sanyihiin waxaa loo wada dhiibay hal family taasi miyana shaki iyo waswaas keenaynin . manta halkaa hajoogo waxaan ku khatimayaa halku dhaga cusub ee ONLF ISCADEE ,WAA REER HEBALEE INAGA ILAALIYA

saahid"
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com