Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Ku:Dhamaan dhalinyarada Ogadenya(Somaligalbed). WQ Gaadhaanqaad
to dhamaan dhalinyarada ogadenia/somaligalbeed

Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide


Shansha adhiba shirixaa danbaa shuuxa abidkiise
Shahwo oday ka qaaliban abitiga shaashadii xumiye


Fulaa shiil wadnaha loogu xidhay Shamacyo naareede
Anse kama shakiyo xaajadaan uur ka shaawiro'e


Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye
Cimrigiisa niman laasanayn looma caal helo'e


Naf cankuurka loo yimi Rabbaa caaqibuu garanne
Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne
Cidla yuurur bay dilay sidii cawsha debadeede


Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne


Ifka nimad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye
Camalkaaga mooyee halkaan hiil casabo joogin


Wasdi ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye


Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene
Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane
Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane


Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale
Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye


Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye


Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye


Dumarkuba xublada foosha way xanaf wareeraane
Balse inay xasuus daran yihiin xaylka kale mooge
Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe


Xeer beegti murantaa gartay xeeli hadashaaye
Xubin rag isku waajahay haday xayga ka cadaato
Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda ka jara'e


Alayle xurmo hadii aan lahaa waygu xilateene
Ragbase kii aad xaradhaamisaa kuu xasaas colahe


Wax dhaaxaan xiniinyaha ka saray mida sinnaydeene
Suntaan qooshay waabeeyadaan kaaga sahay yeelay
Adna inaad Samuutaha qudhqudhin waa si la hubaaye


Fircoonbaa cilmiga sheegi jirey Sheekhna ma ahayne
Isaguba shirkiga Eebbeheen Shiqi gadaalkiiye


Siigada haddaan kaaga tegey salacyadii boodhka
Oon Summad wejiga kaa iftiyo Soofe kugu duugey
Saabaanna aan kugu xidhxidhay Sagabihii Koore
Surka Xadhigga Seetada lugaa kaa sanqadhi doonta
Ninkii aniga kaa igu sukhraday saac ha kuu bixiyo
Waataad Siddibiq ii gashee cidi ha kaa saarto.


Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene


Aduunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye


Aduunbaa hinaayiyo u jilan haawis iyo ceebe
Haadaa qabiiliga Isaaq hibo ilaah siiye


Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey
Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye


Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede
Hebednimada qaarkeed aday kuu hednoqotaaye


Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi
Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye
Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede


Gabadh waliba waa hooyadeed tay u gurataaye
Goonbaartu waxay caasidaa midaanay gaadhayne
Ma gudboona gaarida sare iyo gidirta naaxdaaye


Haddii uu garkaa maro ratigu ama gugii qooqo
Isagoo gulaanjiyey cidlada wuxu ka guuxaaba
Markuu godoxoblaha baarqab helo gadan bidhaantiiye


Sacba waxa gunnada loogu dhigay yuu gardiidamine
Haddii aan Gandaal lagu sabayn Gocay ma buuxsheene
Nin gargaari jirey naagahaa gaba abiidkoode
Abaal ma gude gobeybaa ka roon kuu gabraar tagae


Inkastuu garmaamiyo gucliyo gaaguf ula joogo
Gurdan baqal fardaha gaadhi waa lugana kaa geeye


Duunkeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye
Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha'e
Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane
Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha


Wax belaayo lagu diimiyaa duul u waajibaye
Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya


Awrkii da'furay geela way deris colloobaane
Oo waakaa duleeddada fadhiya diif wuxuu qabo'e
Dardar waxa leh Doob iyo Abeer dihin abiidkoode


Dahabooy waxaad iigu dudi waan ku duun garanne
Dabro Oday ma laasimo hadduu dooxanaa rido'e
Dedaalkiisu waa kol iyo Laba inuu ku duukhaaye


Hadduu dheregsan yahay wiil yar bay taladu dhaaftaaye
Dhalanteedka layguma sasabo dhacaya maantiiye


Waayeel dhaqsaha waa wuxuu dhirif ka qaadaaye

gashaan qaad" Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com