Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»DHAGAX kama duwana ,Ruux jahligu meel banaan dhigaye. WQ Qawdhan
DHAGAX kama duwana ,Ruux jahligu mee banaan dhigay .

Awalan waxaan salaamayaa shacbiga qaaliga ah ee keenadiidka ah ee
somaalida ogadenia salaan qaali ah kadib

Majeclayn inaan aad wax uga qoro qolyaha meelaha kusoo feegaara balse
maanta waxaan jeclaystay in anigoon waxba udhimin aan tusaaleeyo kuwa
qoraalka maskaxda bugta kasoo maaxday kusoo dhajiyay webabka qaarkood cinwaana uga dhiga {yaa kala fogeeyay Dolaal&addmiralka]

Horta waxaa fiican markaad xaalad kawarbixinayso inaad xog dhab ah ka
haysato islamarkaana aadan talaabin shuruucda & xeeka udajisan buolshada aad la noshahay ama kasoo jeeddo,hadiise xaaladaaduu noqoto aan hadlee ha la imaqlo ama ha laa i arko waxaad kusifoobaysaa maahmaahdii carabiga ahayd ee ahayd{kalaamul-jaahili-kaduburil-ximaar}.

sidaan lasocono dhaqanka toosan ee soomaalida ogadenia waxuu ahaa mid
qofka jabiya ama ku qaldama bulshada laga sooco gabadhahana muusan
guursan jirin lagamana guursan jirin wuxuuna qaadan jiray Taytalka {Gunimo}

Hadaba waxaan araartaa dheer usoo maray inaan dareensiiyo qolyaha
maqaalkaas soo qoray inaysan ubanaaynayn inay ka dhax hadlaan bulshada inkasta oo aysan mudnayn kuwani in loo jawaabo hadana waxaan fiican in cudurka bulshada ku dhax jira loo sheego si ay uga feejignaadaan ;

Xeerkii&dhaqankiin wanaagsana aee reer ogadenia ay jabiyeen ee ahaa
inaan lagu gafin ama lagu xad gudbin dumarkeena qaaliga ah,hadaba anigoo aqoon dheer uleh qolyahan wax soo qoray &dadka ay wax ka sheegeenba ayaa waxaan ugu horayn xaal siinayaa {hooyo-Ruqiya dhuubo}
oo aan iyadana aqoon fiican uleehay caana ku ah 3 qodob ee gundhiga u
ah laguna sifeeyo qofka loo qiro inay ku dhantahay sharaf&gobanimo oo
kala ah

1=Qof qaldan qabashadii =ruqia waxay caan ku tahay inaysan waligeed
garab kusiin qof bulshada qalad kula dhax jira iskadaaye waxay isku daydaa inay ka qabato,
2=Qof quman quwayntii=marwalba waxay gaashaan unoqotaa hadba cida
danaha qaranka ama bulshada samaan kuwada ,ama horumarinaysa
3=Qof qatan wax siintii ==waxaa hubaal ah in meel ruqiya joogto aan
lagu gaajoonin waxii aan dani diidin .

Qoraalka oo aan koobayo darteed intaas dhaafin maayo tafaasiisha Marwo
Ruqiya dhuubo

Q-2aad=hadal ka ah yaa kala geeyay doolaal&max,ed omar ama doolaal
raghore uu halganka kasaaray.

Horta max,ed omar &doolaal maysan kala tagin waligood way wada socdeen
eegana way wada socdaan oo aan ula jeedo hadafkooduu mid ayuu ahaa
waligood eeggana yahay waxay heshiis ku ahaayeen hadana kuyihiin in
shacbiga soomaalida ogadenia danihiisa la horu mariyo isla markaana
lagaarsiiyo xoriyad taama iyadoo laga anba qaadayo siduu uguulaysan lahaa halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka katahay ee lagu raadinayo madax banaanida shbiga ogadenia ee uu gumaysigu daashaday ,hadaba horaa looyiri doqoni meel lagu kaftami in lagu kala tagi ayay moodaaye hadaad moodday inay kala fogaadeen dareenkaaga gaaban ayaa is siiyay
cadawga&daba dhilifka ayaa jecel inay kala fogaadaan,waxaana hubaal ah
inay ooda jiid & ooda qaad haday hawshu marayso ay mid uun hawshu isugu soo uruursan doonto ,meel fikir laysku hayana hawl ayaa kasocota lex
jeclada hakganka ka haysa darteed ayaa keenaysa in mararka qaar fikirka
lagu kala leexdo laakiin ficilkii haduu isku miyahay dhib kama jiro xal
keduna waa iman.

Meesha aad ku sheegteen in doolaal rag hore kasaaray saaxada waxaad
ogaataan hantida ugu qaalisan ee halganku leeyahay inay tahay xubnaha
halganka wada wada isla markaana qof ubaahan inuu helo inta kamaqan
dadkiisa intii lajoogtay ayuu cunay ama kala diray aqligal nimadeeda qofkii
xisaabtan leh oodhan ha gorfeeyo hana is waydiiyo ==Xubinkiisa aan wadin wanaag halganku maalina u aayo===Gaal aadan aqoonbaa karoon oo asluubsada

Q-3aad= Max,ed ismaaciil ayaa in badan ka fikirayay siduu ukala fogayn
lahaa Doolaal & addmiralka

Waxaa weeyaan max,ed ismaaciil miyaadan ogayn inuu yahay ninkii
dhidibada u taagay JWXO ama aas-aasihii JWXO {15-1984}isla markaana uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee naftiisa ubiimeeyay inuu magaca ogadenia diirka kaqaado xili ay qadiyada ogadenia kujirto god kontorobaana katahay geeska africa wax u arxamayayna aysan jirin

waxaan filayaa mush kilad rabaani ah oo kugu jirta awgeed ayaa kaa
foolisay qoraalkan micno darada kusalaysan ,ee ka faa iidayso cashirkan oo
baro waxay yihiin dadkan aad ka hadlayso si aad mustaqbalka ugu hawl
gasho

Max,ed ismaaciil ayaa hamigiisuu ahaa waligii inuu maal+muruq+maskaxba
isugu geeyo midaynta shacbiga reer ogadenia& inuu meeqaan sare
gaarsiiyo dadka & dalka ogadenia ee qarniyada badan la daala dhacayay gumyasga daashaday .

dhawr qodob hadaan kasoo qaato waxyaabaha max,ed ismaaciil caanka
kuyahay

1==waa nin aad ula dagaalama qabyaalada & kala qaybinta bulshada
ogadenia
2=Daacadnimo =uu daacad kayahyay xoriyad gaarsiinta umada ogadenia
3=ukakanaan ama adkaan fikirada cadawga& cadaw kalkaalka IWM
hadaba qof sidaas ah uma malaynayoinuu wakhti galinayo xumaanta ama
kala gaynta xubin walaalkiis ah somaaliduna waxay tiraahdaa laabi labo
umawada laha {qof dareenkiisuu sidaas yahay -kama suuroobayso waxa aad adigu amainsanatahay fikirkaasina waa mid Jeebkaaga aad kala timid.
max,ed ismaaciil &m.doolaala saaxiibnimo qaaraaami ah ayay lahaayeen
laakin adigu waxba kama ogid{xaajo nimaan ogayn ayaa indhaha karida }

Q-4aad=xaajo ugub ah weeye addmiraalka kolba qof ayaa khafis gashada

Add-max,ed omar oo lagu doortay daacadnimadiisa aqoontiisa kartidiisa
hadaad kusifaysay in kolba nin khafiska gashado waxaad lamid tahay
ninkii yiri sagaarbaan dilay oo xabadii ayaan ciribta ,dhagta &isha isu
mariyay ee layiri adigu is qabadsii 3 xubnood seed isugu marisay ee waxuu ku hadlo garan waayay ;bal eega adigu qof intaas aan kor kusoo sheegnay ah laguna doortay ayuu kolba waxa looyeeriya uun qaata adigu is qabadsii{waa yaab!!

====Dhagax kama duwana ruux jahligu meel banaan dhigay ==
Q5aad;cadaani ayaa ku guulyasta y inuu kala geeyo Add&doolal
cadaani oo ah ninka uu magaankii qormadani maskaxdiis a kasoo maxaatay
uu inta is yiri wax kaga sheeg ayaa waxaa kuu cadaanaysa inuusan
habyarataee cadaani magaciisa oo uu maqlo mooyee uusan waxkale ka aqoon {hooraa looyiri gacan subag leh biyo maqabtaan} waxaana ficnaan lahayd inaad sheekadan riqiiska ah ula tagto ama uga sheegayso dadka aan adiga ku aqoon ee aan cadaani & hooyadisna aqoon laakiin hadii uusan qofku lahayn aqli & damiir kufilan waxii kusoo dhaca maskaxdiisa muga yar ayuu ku dhahaa {mantagi meeshaad doonayso kuguma simo ] kadib
inaan caddaani fasiraad dheer kasii bixiyo waxay lamid tahay waxaad
ogtahay makuu sheegaa laakiib adigaan kuu sheegi hadaan yara taabto waxuu ahaa nin ku barbaaray qadiyada ogadenia ilaa halgamadiiisdaba jooga haa ee lagu radinayay xal uhelida qadiyada ogadenia meela badan u soo maray sidoo kale waxu ahaa ragii xiligii adkaa halganka duurka ugalay ee safka hore kujiray sidoo kale 1995 shirkii marin habaabinta ee q/
dahare kadhacay waxuu ahaa cadaani oo waftidaas hormuud ka ahaa ninkii
niyasd jabka kuriday kaligi taliye zanawi & kaba qaadihiisii C/ lug jiid
kadib markii ay fadhiga uga kacen ee ugu jawaabay meel aad fadhiisaten
kuma fadhiisanayo ciidayda qaaliga ah ayaan salka saari isla mar ahaantana ay isku dayeen inay laalush xil & manfac isugu jira inay ku dayaan ee ugu jawaabay qadiyada qaranka wax shaqsi kuma doorsanayo hadaba ninkaas ma mudan yahay in maanta lagu tilmaamo nin isku dhabar jabiyay inuu g/ fulinta jwxo noqdo si uu ukala fogeeyo xubnaha jabahda ee hogaanka ah jawaabto waa maya laakiin maadama aan nahay umad gobanimo doon kujirta wax walba waad lakulmi gumaysiga ina haysta awgii ayaan ugu samraynaa waxaas oo dhiba.

caddaani ;runtii sifooyinka uu caanka kuyhay masoo koobi karo hadiise
aan wax ka taabto waxaa kamida 1==daacadnimo oo sal u ah xubnaha jwxo
2==karti& hawl karnimo = waa furaha oo ku halgalo caddaani
3=ladgaalanka wax alaale waxii kala qaybin ukeeni kara bulshada ogadenia masoo koobi karo intaas ayaan kudhaafi

Qaybta ugu dan baysa waxaan kaga hadli doonaa taariikhda beenta ah ee
aad ku sheegtay inay isku dagaaleen beelaha walaalaha ah ee
Garbo&dhanaan kala daga oo lagu yaqaano is jacayl iyo wada daganaansho

qormada danbe ayaan kaga hadli doonaa arintaas & taariikhda shakhsiga
soo qoray qormadan aan ka jawaabayo ee lasocod wanaagsan

Cudur daar

Waxaan ka cudur daaranayaa qoraalka oo aana ugu tala galin inaan ka
jawaabo hadana aan jeclaystay inaan tooshka ku qabto kuwa caanka ku ah
nijaasaynta bulshada xalaasha ah & madaxda qaaliga ah ee JWXO markaa
karaali ahaada waxii turxaan ah ee aad ku aragtaaaaaan fadlan

waxii su-aal ama talo ah iigu soo hagaajiya
cinwaankan ah shawli2@yahoo.com

By;Labaale Qawdhan
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com