Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Ninka dumini ONLF ee xeerka daba maray yaan ugu dacwoonaa? WQ Cilmi Xasan
Ninka dumini ONLF ee xeerka daba maray yaan ugu dacwoonaa?

Waxaa halkan idiinku soo gudbin jiifta yar oo 45 su’aalood kuna
saabsan qaabkay wax usocdaan ururka ONLF dhexdiisa kaas ood moodo in uu hayo wado khaldan ciwaanka jiiftadana waa ka kore

1.Halgankii ladoonee dadka loogu yeedhee daawadayda lagu rabay ninka
raba inuu diro yaan uga dacwoonaa?

2.balantuu dadkii galay ninka dadabta uga guday wuxuu dooni yaa
garan?

3.xornimadii ladoonee dadkaygii ubaaba’ay dayr shisheeye kaa dhigay
danbigiisa yaan uga dacwoonaa?

4.dadkii oo dagaalami duligiyo wayaanaha ninka hoosta uga dusay
dulucdiisu maxay tahay? Yaanse uga dacwoonaa?

5.wixii aan ladirireen dadka ooga digijiray ninka doonayee diidaynin
waa kee ? yaanse uga dacwoonaa?(qabiil)

6.doorashadii xaqa ahayd ninka diidan wuxuu dooni yaa garan?

7.mintid iyo midnimadii ninka diidanee kala daadin dariskii muxuu
doonayaa?

8.duulaankan baasee dadka kala diraayee daawada ahayn muxuu uga
danleeyahay?

9.diiwanadii dadka kala hagaayee daawada ahaa ninkan diidan wuxuu
dooni yaa garan ?

10.ninkan haybta didinee daydayn qabiilkii yaan oga dacwoonaa?

11.isku duubnidii ninka diidayee dadka kala qoqobi yaan uga dacwoonaa?

12.jabhadaha wadaniga’ah ninka cadow sidii dili muxuu daydayaayaa?
Yaanse uga dacwoonaa?

13. diintti ka durugyee xageebuu udiga rogan?

14.hooyada ladilayee duhur dabarka lagu goon danbigeeda yaa iska leh?
Yaanse uga dacwoonaa?

15.umulaha aan todobo bixin ninka dolocda uga dhacay ee dilaya hooyada
yaan uga dacwoonaa?

16.daa’ima caruureed oon daaya garanay hooyadood ninkii dilay
danbigiisu muxuu yahay? Yaanse uga dacwoonaa?

17.dayartiyo haweenkii dadku wada xurmayjiray ninkaan daaya odhanayn
muxuu doonayaa? Yaanse uga dacwoonaa?

18.dadku kala dubnugulee dumarkaa duligu dhibay ninka aan udiir nixin
muxuu doonayaa?

19.wilasha dagaalami ninka kala dudaysani wuxuu dooni yaa dayay?ama
yaan uga dacwoonaa?

20.kuwa duurka galayee daacada ahee dadka iyo dalkii udagaalamaayeen
dankaleete eegayn ninka waran ku dilayaa danbigiisu waa maxay?

21.dhaawaca dulaysanee halganka dartii dibnahooda waayee daawada
badhkood helin badhna doolar qaadani damiirkaygu diidyee dadku say
udaawani?

22.ninka cadowga dili dib ninkii ka gaadee duudka waranka kaga duray
muxuu doonayaa?(MJXSG)

23.ragii door ahaayee cadowga damug kasiin jiray ninka dilayee wada
diray muxuu doonayaa? Yaanse uga dacwoonaa?

24.deeq raazin-kii dadku wada jeclaayeen ninka dabinka lagu dilay
kadanbeeyay dowgiisu waa maxay? Yaanse uga dacwoonaa?

25.sheekhii dadkii ilamada dayni waayeen markii jeelka lagu dubay
ninkii dabinka dhigayee kadanbeeyay dabarkaa danbigiisa yaa dayay? Yaanse uga dacwoonaa ? Sheekh bashiir.

26. sayidkii dadkeenaba diinta ku hawadin jiray dulcidla-ah ninkii diray
ee ayar lagu dilay danbigiisu waa maxay? Yaanse uga dacwoonaa?Sayid
cabdiwali

27.ninkii dogob ahaayee alifle loogu magac daray ninka duhurka dilay
danbigiisa yaa dayay? Yaanse uga dacwoonaa?

28.daacad iyo libaaxii marka uu dinaahini ducfigiyo wayaanuhu maqale
uu kadidi jiray kaan difaacinee kadanbeeyay dabinkaa danbigiisu waa
maxay ? yaanse uga dacwoonaa?qaylo-wayne


29.abwaankii dagaalamay ee dadkeena kicin jiray ee cadowgu duhur cunay
ninka aan dib jog odhan een cadowga uga digin dibadeedna lagu dilay
danbigiisu waa maxay ?yaanse uga dacwoonaa? Iimaan Cubed iyo xassan gaab

30.kii dadaalayee dibadaha katagay een dalkaba aqoon ninka yidhi dagaal
aad ee kaligi daaf dhigay dibadeedna lagu dilay dawgiisu waa maxay
?yaanse uga dacwoonaa? Heersare

31.ninkii gudaha dagay een dakane waligi galin ee dagaalka wadi jiray
dariskuna jeclaayeen ninkii dabin udhigayee lagu dooxay duruh
danbigiisu waa maxay?yaanse uga dacwoonaa? Kayd

32.ninkii jwxo duunkeed u durbaan tumaayeen ee daaha adag iyo
daahaadhada uxidhi jiray daleelada ninkii dhigay ee cadowgu dalamsaday
danbigiisu waa maxay? Yaanse uga dacwoonaa/Cali yare

33.danab iyo dagaalyahan ninka dooxay duhur hadha muxuu
doonayaa?yaanse uga dacwoonaa?

34. isku soo duduuboo ragii door ahaayee halganka dudubin jiray ee
dadaalka badan galay ninka wada dubee dabka saaray muxuu doonayaa ama daydayaayaa?

35.diintii islaamkee dadku wada jeclaayeen ninka diidan een doonahayn
muxuu doonaya?

36.dadka jarar kunool iyo kuwa dahare dagay ninka kala dudaysani
wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?yaanse uga dacwoonaa?

37.dooxadii gadey iyo ninka doollo kala dilay wuxuu doonayee udanbeeya
yaa dayay? yaanse uga dacwoonaa?

38.dadka nogob dagiyo dacalada jigjiga dab ninkaa dhexdhigay wuxuu
doonayee udanbeeya yaa dayay? Yaanse uga dacwoonaa?

39.daafyaha ogaden dadka jooga waa daris hadana waa dun iyi xadhig
duul wada dhashee ninka kala durkinayee kala dilahaya wuxuu doonayee
udanbeeya yaa dayay?

40.ninka dahare tagayee danbigiyo wayaanaha darinta kula hurtee
habeenada u dadab galay wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

41.dadka wuxuu usheegiyo wuxuu doonayaa ninka ay is diideen wuxuu
doonayee udanbeeya yaa dayay?

42.dowlada itoobiya ninka aan ka daginee hadba doloc ka wacayee aan
kadaalin wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

43.dadaaliyo ragii halganka soo dubee dadka oogu yeedhee daawada
ahaayee aan daalin abidkood ninka kala diree dad kaleete daydayi wuxuu
doonayee udanbeeya yaa dayay?

44.doolar iyo lacag iyo ii dabaal dag mooyee daliil kaleete kaan dayin
wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

45.kanaan diray , kanaan dilay, kanaa diiday hadalkii , kanaa dooda
soocelin , kaana dabinka gali. ,kaana dila oo duhur daldala iyo dad
lugooya mooyee dankaleeta kaan dayin wuxuu doonayee udanbeeya yaa dayay?

Jawaabta afarta iyo shantan su’aalood waxaa jawaabtooda laga sugayaa
qof kasta oo soomaalida ogaadeeniya ah fahmayna micnaha iyo ujeedada
jiiftada

Cilmmi Xasan
Email: cilmixasan@yahoo.co.uk
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com