Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Gabay Jawaab ah(Maddooneyn) WT Abwaan Maxamed Stanza
Curiyaha: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza)
Magaca Gabayga: Ma Dooneyn.
Ujeeddada Gabayga: Jawaab Caalimiin Sh Cilmi Jaamac oo abwaanka gabay aflagaadda ah ku weeraray horayna beesha Ogaadeen u afxumeeyey.
Taariikhda: 02/02/2008.

Dub ka siman nindoorkiyo danguhu, doorse kala roone
Da' ka siman libaax daafulliyo, xoor dibbiro weyne.
Darmaantuba dameerkaa shabbaha, daaqsin iyo jaade
War waa dulucda deelleyda shidan, daamanqodaxloowe.

Dhufsadkuba hadduu daar galoo, daakhilka u dhaafo
Dirham iyo hadduu maal xadoo, lana dawaareeyo
Markuu gorodda wiil kaga daguu, dibinta ruugaaye
War waa laba daqiiqood waxaad, dalagga fuuddaaye.

Damiin iyo daciif baa tihiyo, daallin iyo tuuge
Doofaar dameer baa tihiyo, dowdar nacaseede
Daafaane diiflaa tihiyo, luudi dabadheere
Aniguna darwiish baan ihiyo, udubka Daaroode.

Doondoon Yaxyiyo Moorif baad, diin ka dhigataaye
Shirki baad Ilaah daba waddaa, daa'in abidkaaye
Shareecadu midkey dili laheyd, doorkan baa tahaye
Ibliis kuma dukhuuleen haddaad, diinta dhugataaye.


Adigiyo wixii kula duxaan, maanso loo dirine
Danaag maleh qabyaaladi war waan, kaaga digayaaye
Ka da'weyn murtida teyda ihi, saad la dammacdeene
Dayuus ay qalbigu maal dagtoo, doorsammaa tahaye.

Maahmaah diliilaa jirtooy, daasad garaneyne
Halyeeygey dabbaal wada murmaan,wuu dibjirayaaye
Dabaqoodhigoo lala hadlaa, waa dambiyo ceebe
Sidaa iyo daraaddeed inaan, doodna ma aheyne.

Ma daneeya Soomaali oon, qoys la diriraaye
Waxaan ani ku duulaaba waa, dawlad cudud weyne
Adiguna waxaad doorbiddaa, dirir-sokeeyaade
Doxoryahow waxaad dabagurtaa, Diriyo Daaroode.

Doolleey dhufeys kaga jiraan, diricyadeydiiye
Dooyadu waxey heegan tahay, daanta Dhagaxbuure
Hawaash dacalladeedaan Tigree, kula dagaalaaye
Diyaaradaha cadawgaan sidii, dhibic u daadshaaye.

Diini iyo Talxiyo faanku been, doogsindhabadkaaye
Guuleedka Dooyada dagaa, kaga daryaansiine
Dooxada Buaalane naftaad, kala dayoowdeene
Car ku duul haddaad tahay dilaa, diidday rubaddaaye.


Anigoo Darwiishlaan dagiyo, darabka Buuhoodle
Anigoo u tolkeey dawlad yahay, labada daamoodba
Haddaad dabadhurwaaloow afxumo, darajo moodeysa
Adigaa daqiiqyahow u dhiman, lur iyo diihaale.

Hawiyaan dilaa baad na tidhi, oon la diriraaye
Dawladnimo haddeey libin tihiyo, diiri lagu faano
Adoo Kaare duud-weyn wateey, kaaga didiyeene
Daaroodka ceebtaad baddaa, laga duceystaaye.

Waa kaad hubkii daadiseen, wada dillaanteene
Waa kaad dareyskii furteen, dumar ku soorteene
Waa kuu Marxuumkii dardhaday, diirranaan jiraye
Waa kaan darxumadaad qabtaan, soo dagaal-galaye.

Waa kaad waxaad daar dhisteen, dibad ka aaddeene
Waa kaad na daayaay dhahdeen, daa'imoo kale'e
Waa kaad dagaag ceydh ah iyo, daadun noqoteene
Waa kuu digtoonoow ku yidhi, dooddankii Xamare.

Doqon iyo dangaa lagu ogaa, daadinta abaale
Haddaan anigu kuu diirnaxeyn, kuna difaaceynin
Wallaahaad waqaa daar dagteen, duubna xirateene
Markaad ila dagaashuu rag kale, kaa dulmeersadaye.

Daadunkiyo dadkaaga u firxaday, dagalka ciiddeyda
Dhadhaab dacalladeedaan sidii, dabax ku quudshaaye
Dalkeeygaad Sagaarada dabtaa, dooha leedahaye
Ma daadumo manaan dila gobbey, daahsankeed tahaye.

Adna dalandalkaad gawracdaa, duq iyo waayeele
Abwaankiyo ragdoorkaad dishaa, duhur-dharaareede
Dabcigaaga weeyaan inaad, ubadka dooxdaaye
Haddaad hilibka Daarood tihiin, dumar ma fuusheene.

Dariiq naago lagu toogta waa, daawashiyo liide
Inaad birimageydada daneyn, waa dadxumadaaye
Daarood xalaalaan aqbalin, ficilkan doofaare
Magacii duqaad naga disheen, daahirka ahaaye.

Dabargu'i haddaad reer-tolkaa, haatan dirirsiine
Kuu daran dagaalkiyo dhibkaad, daadah leedahaye
Kalluun dibadda yaallaad tohoo, haad dulmarayaaye
Daftac ay barwaaqadu dagtoo, dooqimaa tahaye.

Deelqaafki aad dhuustay iyo, daahu kala maane
Dalabkuba wakhtuu leeyahoon, laysu diideyne
Gabaygaan diraac hore tirsheen, kuu dibbaday heedhe
Dag-dag baan jawaab heli lahaa, door haddaad tahaye.

Ma dooneyn inaan dirir dhaxdhiga, Ururta Daaroode
Ma dooneyn dagaallada xigtada, oon dabhuriyaaye
Ma dooneyn dabuubteeyda oo, dhiig dildilisaaye
Hayeeshee adaa dixiriyahow, iga dalbaayaaye.




F.G: Eeg gabayga sakaraadka ah ee qabyaaladeystaha.

From: "calamin elmi"
To: c_elmi@hotmail.com
Subject: gabay jawaab
Date: Tue, 08 Jan 2008 22:13:18 +0300


gabaygan waxaa tiriyay caalamiin sh cilmi jaamac caalamiin gabaygan jawaabta ah waxaa uu utiriyay nin la yiraahdo max,ed c,qaadir daa uud waxaa jirtay in caalamiin tiriyay gabay mudo hore oo lagajoogo ilaa sanad iyo dhowr bilood gabay gaas oo uu u tiriyay abshir bacadle gabaygaas oo laf ahaan tiisu uu ahaa jawaab ku socotay abshir waagii ay jireen maxkamadihii islaamiga ahaa ee qabsaday koofurta markaa oo abshir sheegay in aan mareexaan waxba ku lahayn jubooyin,waxaa xusid mudan in uu caalamiin gabay gaas ku daray bayd uu ku lahaa doqon kaas ogaa deena eed dira diray nayso kal madaas ayaa wax ka raaceen nin la yiraah do max,ed c.qaadir waxaa uu tiriyay gabay uu ogu jawaabayay caalamiin laakiin nasiib daro caalamiin ma uusan helin gabay gaas ilaa laga soo gaaray 5,1,08 laakiin caalamiin waxa uu go,aan saday in uu ka jawaabo markasta waa kan gabaygi

wiilyahoow daloonbiyay mahelin dacawadaadiiye
dacar iyo waxaad qurun shubtee dunida qaad siisay
daraatiyo shalaa iigu hora,diririgtaadiiye

duub iyo nindoor kii hadlaa daxal ma fuusheene
dag dag baaba loo keeni laa dow wuxuu yiriye
doxor iyo dameer dhuusay baan,cidu danaynayn e

inkastoo dabinkiyo waqtigu,yaraha doorsoomay
halkay doodu noojoogtay baan,dabagalaayaaye
daliil baanba kaasiin waxaad,diiday oo idil e

duub ahaan mareexaan wuxuu dagay dhulkaagiiye
dakadii kismaanyiyo baduu daakhilkii yahay e
adiguna dadkaa hoose iyo,daaduf baatahay e

aarkii dilaa ihi dhulkuu dacal uqaadaaye
doolaalo anigoo ku imid,daginka reerkiina
oo doorki kaalaayay baan,dowlad kuu ahay e

darxumiyo adaa wiilyahow,ciilku daashaday e
dibiriyo xan ma oyee hadaan,danab laqaeadaynin
adoon daqayo wayn baa tahoon,dayr kumeersadaye

duunyadaydi baad ii ahayd,dabar ma diidaane
dareen iyo isqaan waa horaad,daysay hadalkoode
sida duurkujirahoo kalaad,daaq uxilataaye

daadxooryahay lama hadleen,adiyo duunkaaye
dixirigi amxaariyo kuwii durufka nookeenay
difaacaba waxaan ooga jiray,duulashii bariye

dad ahaan anoo kaayar dhinaca,daaroodka
sida dibida baaraha qodiyo,dacarihii awrka
wali geenba dacay iyo ulbaan,kugu dabaalaaye

dadkaagii waxay qaayibeen,darabti ceebeede
sida naag dalaaq lagu qaboo yaraha diidoy ah
adun baa dibadaha afxumo nooga soodiriye

marhadaan duqowdiini iyo diracyadii hayno
dumar iyo ragiiniba hadaan doni wada saaray
dalo malahan daayeer xunoo,dabar lagoostaaye

dayax baynu nahay oo majiro ducuf nagaaraaye
maalintaan dariiskiyo lahaa dowlad sharafteeda
daacida ogaadeen ninkii daabulaan ahay e

doqon baa abaal ruux ugalay,duxi karaacayn e
wali geed ninkii dilijiray daash ugogoshaaye
dayacaa uroon iyo inay dibada jiiftaaye

hawiyihi ku daan daamiyee,gooyay dabar kaaga
dur duradi shabeeliyo kuwii dakhaka kuu gooyay
damiir nool hadaad leedihiin,oma dalxiisteene

warnimaan dakanadiisa maqan,doonanayn abidki
dadkaleeto inuu caawiyaa waadaliil jabane
diiwaan bayba nagu soo baxsheen duugagii hore e

darki jabay qarankii dumiyo damaladii ciiray
doog bayba kiciyeen intay dir uhiloobeene
daarihi hargaysay dheheen dumi maraaxaane

dac wadooda ruuxii arkiyo gabayga deelay ah
dareen iyo islaanimo kalaa loo daniyayaaye
dubaakhana waxaa ooga jira duunyo dhaaf sade e

waa niman dulooboo hunguri,dowliskii go,ay e
dira dirada waxaa oogu wacan doono laba qayd e
maantana dilaalkii miyaa dooxeer idinkeenay

daan daansi waalagu yaqaan daris ogaadeene
dafir iyo afbay kuula iman digashu baanaade
dal awoowadood lagadhacay,duudi nabi aadan
diirhariyo maxaa gowlina dooda soo galiyay
anoo dalawadaan kaadhiciyo,duunyo badan haysto
diif iyo afmadow baan hadeer,doog kacunayaye

dagaankiyo dhulkaagii anaa doorkan maamula e
ka dareere nimankii bartire,dooyadii xagar e
daash iyo qaxootay muteen,dalagi cayreede

dagmadii bu,aaliyo intii wabiga diishii ah
doorkii talxiyo waxaa fadhiyo,diinigaan ahay e
cowl yahanki dooy buu ukacay daaqijiray waaye

daqar wuxuu kudhacay ree subeer duubab kii caliye
dabayshiyo colaadihi dhacay,kor udilaameene
duhda waamo kamasoo rogaan,dayrcadkii dhalay e
dibidiyo lo,dii aad ogayd waa daleel maran e
darka kama shubaan wiilashii,daadahayn jiray e
dagaagoodu wuxuu tuuran yahay,dayrka dhagax lay e

nin dayoobay baatoon ogayn duni waxaa yaale
duunkiyo raqdoodii inaad dooni ma oyaane
dabo kama dhaqno reerahaad duula leedahaye
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com