Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Mashruuca DDP waa mustaqbalka iyo rajada caruurta Dhanaan(Faallo)
Magaallada Dhanaan waa magaallo aad u fac weyn oo jirta mudo dhan hal qarni. Waxay ku taalaa deegaan ahaan gobolka Shabeelle, Ogadenya.
Magaaladu waxay u jirtaa magaallada Godey oo ah caasimadda gobolka Godey masaafo dhan 75 km. Sidaa owgeed shacabka magaalada Dhanaan waxay xiriir ganacsi iyo mid isu-gooshid ahba ay la leeyihiin magaalada Godey oo ah mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Ogadenya.


Dhibaatadan waxay kaliftay in qaar kamid ah shacabkii u dhashay magaalladan ay u haajiraan magaalooyin leh adeegga guud, isla markaana leh wax-barasho tayo leh. Magaalooyinka reer Dhanaanku ay u guureen waxaa kamid ah Godey, Qabri-daharre, Jig-jigga. Halka qaar kalena ay u guureen wadanka Soomaaliya.

Abaartii Dhanaan
Magaalada Dhanaan waxaa ku dhufatay abaar aad u daran sanadkii 2000 ee na soo dhaafay. Abaartaas oo dhamaan baabi,isay beerihii, isla markaana galaafatay xoolihii shacabka reer Dhanaan ay noloshoodu ku tiirsaneyd.
Taasna waxay kaliftay guuritaan iyo haajiris labaad oo shacabka reer Dhanaan ay la kulmaan masiibadaas dabiiciga ah daraadeed.

In kasta oo ay abaartan dhibaatooyin ba, an u geysatay shacabka iyo magaalada reer Dhanaan, haddana qaar kamid ah shacabka reer Dhanaan waxay dib ugu soo noqdeen magaaladoodii shantii sano ee ugu danbeysay.

The Denan Project
Mashruuca Dhanaan "The Denan Project" wuxuu ahaa mashruuc uu abuuray nin mareykan ah oo lagu magacaabo Dick oo uu la shaqey-nayay nin Irish ah. Nimankan oo safarro ku tagay gobolka Ogadenya xiligii abaarta ba'an ay ka jirtay gobalka Ogadenya oo ay saxafadda aduunka oo dhan ka hadashay, isla markaana dersayay nolosha gobolka ayaa arkey in magaallada Dhanaan aysan heysan adeegyadda aas-aaska u ah nolosha.

Sidaa owgeed waxay labadan nin abuureen mashruucan The Denan Project. Mr. Dick iyo shaqaalihiisu waxay waxyaabo badan ka qabteen xagga caafimaadka iyagoo hadda gacanta ku haya sidii ay magaalada biyo-gelin ugu sameyn lahaayeen.

Nimankan oo si bani,aadanimo ah wax ugu qabtay shacabka reer Dhanaan, waxay isbitaalka magaalada Dhanaan geeyeen qalabka adeegga caafimaadka sida Scan/ultrasound, waxayna magaallada keeneen iyagoo la kaashanaya OWDA dhakhtar deegaanka u dhashay oo cilmigga caafimaadka ku soo bartay wadanka Suudaan.

Mashruuca Dhanaan waxaa aad u soo dhoweeyay shacabka reer Dhanaan oo aan horey u heysanin qalab caafimaad oo casri ah.

Caruurta dugsigga hoose-dhexe ee Dhanaan oo aan u gudbi karin dugsi sare markey dhameeyaan dugsida dhexe.

Mashruuca Horu-marinta magaalada Dhanaan (DDP)
Shir ay isugu yimaadeen dhalinyaro, aqoon-yahanno iyo wax-garad ka soo jeeda magaalada Dhanaan ee ku nool wadanka England caasimadiisa London bishii May ee sanadkii 2006-dii oo looga wada hadlayay baahida ka jirta Dhanaan iyo raadkii ay kaga tagtay abaartii ku dhufatay magaalada sanadkii 2000 ayaa looga dhawaaqay mashruuc samafal ah oo madax banaan oo lagu horu-marinayo magaaladda Dhanaan.

Shirkaas waxaa lagu sameeyay guddi ku meel-gaar ah oo darasaad ka soo sameeya baahida magaalada ka jirta iyo sidey u kala muhiimsan yihiin. Sidaa owgeed wuxuu maamulka DDP oo saldhigiisu yahay wadanka England uu magaalada Dhanaan u diray mid kamid ah xubnaha guddiga DDP kaas oo booqday magaalada Dhanaan, Ogadenya.

Howl-wadeenkaas oo lagu magacaabo Mr. Yusuf Aden Jeerin wuxuu soo uruuriyay xog maqal iyo muuqaal ah oo ka tur-jumeysay baahida dhabta ah ee ka jirta magaalada Dhanaan. Mudane Jeerin xilligii uu joogay magaallada Dhanaan wuxuu aad toor-biinka u saaray baahida xagga wax-barashadda, wuxuuna dareemay inay tahay mid aad u culus.
Jeerin wuxuu soo ogaaday in magaaladu ay si aad ah ugu baahan tahay dugsi sare.

Mudane Jeerin xog-wareysi iyo la sheekeysi uu la sameeyay odayaasha iyo shacabka deegaanka Dhanaan ka dib, wuxuu helay in maadaama magaalada aysan laheyn dugsi sare ay ardeyda wax ka barata Dhanaan ay wax-barashadda uga haraan dugsigga dhexe halkaasna uu ku dhamaado mustaqbalkii ardeyga.

Waxaa kale oo uu Jeerin soo ogaaday in tiro aad u yar oo kamid ah ardeyda ka soo baxda dugsigga hoose-dhexe ee Dhanaan ay waalidkood ula guuraan magaalooyinka Godey iyo Qabri-daharre si ay wax-barasho sare ugu helaan caruurtooda.

Soo noqodkii Jeerin ee London ka dib, DDP waxay bilowday abaabul iyo iney xiriir la sameyso jaaliyaddaha reer Dhanaan ee ka jira wadamada Yurub, Waqooyigga Mareykanka, Australia iyo Afrika taas oo ay u soo gudbiyeen war-bixin maqal iyo muuqaal ah iyo fariimo ka yimid odayaasha dhaqanka iyo shacabka reer Dhanaan.

Wax-qabadka DDP
DDP oo ah mashruuc samafal ah oo madax banaan ilaa hada wuxuu qabtay howllo runtii aad loogu diirsaday. Waxaana si aad ah u soo dhoweeyay dhamaan jaaliyaddaha kala duwan ee ka soo jeeda magaallada Dhanaan oo ku kala nool wadamo kale duwan oo aduunka ah.

Waxyaabaha DDP ay qabatay ilaa iyo hadda waxaa kamid ah:
1. DDP wuxuu ku guuleystay kasbashada kalsoonida jaaliyaddaha reer Dhanaan ee ku kala nool wadamada Yurub, Waqooyigga America, Australiya iyo Africa.

Wuxuu hada DDP ka hawlgalaa wadamada kala ah England, Denmark, Finland, Norway, Canada, Sweden. Koonfur Afrika, Mareykanka, Kenya iyo Dhanaan-Ogadenya (Ethiopia)Wuxuuna sameeyay maamul fidsan oo u dhisan qaabkan

Axmed Xassan Khalif "England" (Gudoomiyaha DDP)
A/raxman Yusuf Raabi "Koonfur Afrika" (Gudoomiye ku xigeen)
Yusuf Aaden Jeerin "England" (Xog-haye guud)
Canab Khalif Cabdi-budul "U.S.A" (madaxa dhaqaalaha)
Cumar Cabdi Ibraahim "Sweden" (Wakiilka Yurub u fadhiya DDP)
Cumar Sheekh Muxumed "Canada" (Isku-xidhka jaaliyaddada reer Dhanaan)
Feysal Sirad "Danmark" (Abaabulka iyo arimaha bulshada)
Maxamed Cali Dubad "Gurey" "Finland" (Wakiilka Finland iyo la taliye)
Cabdulaahi Sh. Axmed Hiirmooge (Wakiilka USA)
Waxaa kale oo jira wakiilo iyo howl-wadeeno badan oo DDP u jooga wadamada aan kor ku xusay.

2. DDP waxay jaaliyaddaha reer Dhanaan ee qurbaha ku nool u soo gudbisay xog iyo war-bixin maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan nolosha iyo baahida ka jirta deegaankii ay u dhasheen.

3. Mudane Jeerin oo ah mas,uulka booqday Dhanaan, wuxuu ardeyda dugsiga hoose-dhexe ee Dhanaan u qeybiyay 950 buugaag iyo 950 qalin oo lacag la,aan ah.

4. DDP waxay qaban-qaabisay olole dhaqaalle uruurin ah oo lagu dhameys-tiray masaajidka weyn ee Dhanaan , kaas oo kharashkii lagu dhisay ay direen jaaliyaddaha reer Dhanaan ee qurbaha ku nool.

5. DDP waxay sameysay golle lagu magacaabo gollaha horu-marinta iyo wada-tashigga ee Dhanaan "Denan forum" kaas oo ilaa iyo hadda ay ku jiraan ilaa 70-qof. Gollahan waxaa looga doodaa habka iyo qaabka lagu horu-marin karo magaalada Dhanaan. DDP wuxuun qaban-qaabiyaa kulamo teleconference ah oo ay howl-wadeenada mashruuca ku kala akhbaar qaataan, isla markaana uga wada hadlaan fulinta howlaha.

6. DDP wuxuu dugsigga hoose-dhexe ee Dhanaan ka sameeyay bar-naamij dhireyn ah, wuxuuna salka u qotomiyay ilaa iyo 100 geed oo ay 70-geed ay hadda baxeen. Howshan oo ah dhowrida deegaanka waxaa sameeyay Mudane Jeerin.

7. Guddigga iyo xubnaha DDP ee England waxay qeyb lixaad leh ka qaateen qalabeyntii isbitaalka magaallada Dhanaan iyagoo lahaa isku duba-ridka iyo habeynta dirista qalabkii caafimaadka ee ka koobnaa boqol shey ayna kamid ahaayeen 25kii sariir oo ay gaarsiiyeen isbitaalka magaallada Dhanaan, kuwaasoo hada ay isticmaalaan bukaanka yaalla isbitaalka magaaladaDhanaan.

Bar-naamijka horu-marinta Dhanaan ee DDP wuxuu hadda gacanta ku hayaa mashruuc looga dhisayo magaalada Dhanaan dugsi sare oo lagu talo jiro in la dhameeyo sanadka 2009-ka insha-allah.

Waxaan u soo jeedinayaa shakhsi walba iyo jaaliyad walba oo reer Dhanaan ah meel walba oo ay joogaan inay taageeraan DDP, isla markaana ay ka geystaan talo-bixin iyo taageero dhaqaalle labadaba.
Qorshaha iyo hadafka DDP wuxuu yahay horu-marinta iyo kor u qaadista tacliinta iyo adeegyada kale ee magaalada Dhanaan. Qofkii raba inuu helo warbixin intaas ka badan oo ku saabsan mashruucan wuxuu la xiriiri karaa e-mail addresska maamulka DDP oo ah sidan maamulkaddp@googlemail.com

Sidoo kale DDP waxaa ka qeyb-qaadan kara qof walba oo qaab sadaqo ah ku taageeraya mashruucyada DDP uu ka fuliyo magaaladda Dhanaan, Ogadenya.

By Abdullahi Abdishukri Hussein
E-mail Address: buraale8@hotmail.com
Finland
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com