Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Jawaab: Ururka ONLF ma xaquuq doonbaa mise?
12/3 Dhamaan waxaan idin ku salaamay salaan ta muslinka acw.
Salaan kadib waxaan rabaa inaan waxyar ka idhaahdo qoraal uu sooqoray
nin la dhaho saahid.Qoraalkaasi hadalada ku qoran ma ahayn wax cusub waa hadalo gaboobay oo iyadoo la is horfadhiyo la isku yidhi.
dhaliilaha aad sheegtay waxaa kamid ahaa ONLF madaxdooda oo europe iyo america ay joogaan taasi waa run weey joogaan mar marna waxay tagaan gudaha.

laakiin shaqada madaxdaasi ay hayaan waa shaqo culus mid siyaasadeed
mid arimo bulsho inataba waxaana kuu cadaynaysa inay hawl adag hayaan ufiirso bulshada reer ogadeenya ee qurbaha joogta dabaqoodhiga dibada jooga ayaa cadawga ugalin lahayd tankale wadamada dibada inay hadba xafiis galaan kana dhaadhiciyaan qadiyadooda waa shaqo culus gudahana masuuliyiin kale ayaa hawsha kawada oo si toos ah hawlahood ugudanayaa wax baylahayna majiro waana urur qaybsaday shaqadiisa.
Waxaan rabaa inaan kajawaabo arinta ah su,aasha laweeydiiyay madaxda
ONLF ee ay kaga jawaabeen dadka afti haa laga qaado taasi macnaheedu waa dadka xor haa laga dhigo xitaa hadii ethopia dhulka xoog lagag saaro waa qasab in dadka afti laga qaado waana xeer caalami ah marka
jawaabtaasi waa jawaab sax ah.

Waxaad kahadashay qaaraanka qoraalkaaga nuxurkiisuna ahaa xaga
dhaqaalaha.Waxaa lafahmayaa markaas jinaxa aad ka soo jeedo oo ah al itixaad sabatoo ah iyaga ayaa halgan adag ugala dhaqaalo khaas ah.
waxaakale oo sheegtay inay madaxda ONLF ay dano khaas ah wataan
laakiin miday tahay danaahaasi madan soo sheegin markaa iyadana waxaan uqadanayaa hadal aan laga fiirsanin. Run ahaantii markaan aqriyey qoraalka waan qoslay waxaanan ku qoslay sidaad ONLF inaad wax uga sheegto ujeceshahay iyo sidaad dhaliil aad qorto u,weeyday.
ama sal iyo raad leh hadalkuna kaga soo xidhmay.Hadaan kahadlo tan aad leedahay jahaaadayaal ma aha waxaan kuu sheegayaa ruuxa dadkiisa raba inuu dulmi kaqaado waa sida ONLF oo kale laakiin ma aha dalkayaga inay yimaadaan dad shisheeye ah oo udagalamaya mabaa dii kale intay magac diin kusoo dhuuntaa inay dalkanaga ka abuuraan qas oo lakala garan waayo cida dagaalamaysa iyo meesheey kayimaadeen waxaan leenahay kuwaas yaan loo gacan haadinin abaabulka noo caas ah na haa laga fiirsado ONLF ujeedadeedu ma aha inay disho dadka aan islaanka ahayn xitaa kuwa islaanka sheeganaya ee gardarada kusocda weey kahortagi intii karaan keeda ah.


Laakiin waxaan dareemayaa baroortu orgiga ka weeyn nin isku dayay in
wuu wax mal maluuqo ooy usuuro gali weeyday lana yaaban sida ONLF ay wax oogu sooro galeen ayeey dabeecadiisu tahay inuu hadba meel malo awaalo, maah maah ayaa ahayd,FUUNDI FARSAMO XUN FARGAASKIISUU WAX KASHEEGAA.Cidii rabta inay dalka wax uqabato wakaas dalkii lahaysto, wakaas dadkii dhibaataysan, wakaas cadawgi xalada aduunkana waad aragtaa caqlina waa lagama maar maan marka intaad ilahay talo sarato dadkaagana la tashato kudhaqaaq.Hadaad xaq tahay alle wuu ku guuleeyn kana fogoow xaasidnimada.ONLF anigu umahayo dhaliilo badan inay aduunka sharkiisa kagabatana uma arko talo xun sababtoo ah hawlaha aywadato uma suuragalaayo hadaysan aduunka la xidhiidhin ooysan usheegin waxa ay rabaan. mise waxaad rabtaa in la ugaadhsodo sida kuwa hada europe ku xidh xidhan runtii waxaan jec laa inaan kadoodo wax lataban karo hadaad sooqorto ama aad talo keento laakiin hada mmagaranaayo intaas wax kabadan. Waxaanse ku xasuusinayaa waxwaliba waxbuu kunool yahay tusaale ahaan damiirku wuxuu quutaa ama kunoolyahay caqliga fiican hadaba waa inaan nooleeyno damiirkeena ama aan naaxino si aan taam unoqono markaas ayuu fikirkeeno tayyo yeelanayaa.waxaan ka cudur daranyaa hadaan kafay . ha la iga raali ahado allana aan cafis weeydiisano ilahayna ha inagu hagaajiyo jidka toosan.

guled2@msn.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com