Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Xaajo Ma Waxey isu baddashey.....com? WQ Nasteex
Xaajo ma waxay isu badashay ??...

marka hore waxaan ka cudurdaaranayaa faaladan hadii ay dadka qaarkii
si kale u fahmaan,waayo waxaa laga yaabaa in dad badan oo akhristayaasha bogan xaajo ah, ay is waydiiyaan waa maxay sababta uu cinwaanka u qaaday (faallo qoruhu) laakiin markii aad nuxurka faalada u dhaadhacdid waxaa laga yaabaa inaan ku aragtid ama ka fahmamtid, wax taas ka duwan . faaladayda waxaan ku soo qaadanayaa 2 arimood oo kala ah1/ bogga xaajo 2/ halganka ogaadeenya.

1/boga xaajo waa bogaga, oogu macmiilka badan ee loogu booqasho
badanyahay, bogaga wax ka qora gobolka ogaadeenya, waa bogga kaliya ee sida tooska ah wax ooga soo gudbiya wadankeena ogaadeenya, iyadoo dhacdooyinka ay soo tabi yaan badankoodu ay xaqiiqo ku salaysantahay.laakiin waxaa is waydiin leh intii mudo ahayd ilaa isku dhacii jwxo iyo mjxsg (wadaada)in aysan ahayn sidii hore ee lagu yaqaanay,waxaad moodaa in wax badan iska badalay siyaasadii boggan,waxaadna moodaa inuu lamataanoobayo, bogga la yidhaahdo eegga.com ee ay leeyihiin cabdi ileey iyo daauud axmaar, waxaa kale oo xusuus mudan in shabakado kale oo caan ahaa oo ay ka mid ahaa yeen wabishabeele.com,qalaafe.com, oo markii hore loo aas aasay wax tarka ummada inay meesha kabaxeen kadib markii ay mulkiilayaashii lahaa shabakadahaasi, ay dawlada ethiopia iyo tan kililkuba, la xidhiidheen wax,na loo balanqaaday, siyaasadaas oo ay hada ethiopia is ticmaalayso ayaa waxaan is way diiyay xaajo.com ma la soo galay,oo ma dariiqaasay qaaday?,

mise milkiilayaasha ayaa
la dhacsan afkaarta mjxsg ay xanbaarsanyihiin kadibna xamaasad iyo
caadifo ay qaaday oo hawshii bogga ee ahayd dhexdhexaadnimada
garabmarisay?, waxaad arkaysaa xaajo oo onlf iyo madaxdeeda, maqaalo ama faalooyin wax lagaga sheegayo soo daabacaysa iyadoo xoriyada ra,yigu sax tahay hadana in ruux, ama dad, ama koox, waxaysan ahayn lagu sheego waa khalad, waxaa tusaale usoo qaadan karnaa bishab gudaheeda ayaad arkaysaa iyadoo si xoogleh oogu soo jeed satay saxaafadeediina ku wajahday halgamayaasha iyo hogaanka onlf

waxaana kamid faallo,ay ka qortay taas oo nuxurkeeda laga dareemayay (inay onlf raali ka ahayn in jaaliyadaha ogaadeen ee ku dhaqan dibada iyo muwaadiniinta u guntaday inay dadkooda waxtaraan iyo mashruucyada ay wadaanba khladnatahay)

waxaa kale oo kamid ah in markii ay isku dhaceen jwxo iyo mjxsg
(wadaadada) ay faallo soo qortay ay ciwaana ooga dhigtay, iyadoo (onlf oo qaadatay wadadii ashahaado la dirirka,)taasoo macnaheedu tahay, wadaadaduna(mjxsg) waa islaam, onlf ma aha, oo waa kuwa la diriraya, waa yaab ee labadooda mid koodee baan ashahaadanin? hadaan si kale u dhigo onlf ma ashahaataan miyaa?

waxaa lake oo kamid ah faaladan oogu danbaysay oo macnaheeda laga
dhadhansanayo (in ay onlf doonaynin xorimada ogaadeenya mar hadii ay rabaan in afti laga qaado shacankooda) iyo in ay heshiis lagalaan ethiopia wadan sadexaadna lagu qabto iyo dhexdhexaadiyayaal caalami ah ,kadibna lagudo galo aftida dadwaynaha ogaadeenya hadaba in shacabka loo noqdo ma waxay ka hor imaanaysaa xornimada ogaadeenya ? mise waa qeexitaan iyo garasho, la,aan hadafka onlf.

hadii aan ku horeeyo qodonka 1,aad onlf kama hor istaagin mana necba
hormarka ogaadeen iskabadaa dadka u dhashay ee is xilqaamay ee
sameeyay mashaariic ee xabashida wax tarka u leh sida macalimiinta,dhakhaatiirta, farsamo yaqaanada iyo waliba ganacsatada ethiopianka ah eejooga ama imaanaya ogaadeenya way soo dhaweeyaan .

tanlabaad ee ku saabsan onlf waa ashahaado ladirir, waxaan filyaa in
ay u egtahay afkii nimanka wadaadada ee mxjsg oo ninkii aan aydoloojiyadooda(fikirkooda) ku qanacsanayn u arkayay inuu tawxiidka garab marsanyahay, waxaa is waydiin leh yaa bilaabay xabada waxaa kale oo in la is waydiiyo ah, mjxsg tan iyo intii ay dagaalka bilaabeen 1994kii, iskaba daa onlf ee ay dadka shacabka ah wax yeelo badan u gaysanjireen haba u badnaadaan wadaadada ay iyagu ku tilamaamaan (khuraafaystayaan) ama dadku u yaqaano qaadiriyada ,waxaa inta adheer in wax yaabo badan oo u baahan in dadka si xikhmadaysan loogu sheego ay u adeegsanjireen si xoog iyo qasab ah marmarna dil gaadhi jiray, waxaa kaloo meesha aan ka maqnayn siyaasadda iyo tabaha ay u adeegsanayaan in ay ku gaadhaan hadafkooda oon ahayn mid soo jiidasho leh,kudanbeeya fashil. dadka aan iyaga ahayn ama taabacsanayn ayay u arkaan dad diinta ka leexday oon marmarna
ku tilmaamaan inay yihiin gaalo,taasi waxaa marag madoonto ah kalsooni darada ay kahaystaan ummadda ogaadeenya, aan is waydiino intaanba lagaadhin onlf dadka ogaadeenya taageero intee le,eg ayay u hayaan mjxsg ,taasi way iska cadahay waana la,ogaa xiliyadii biloowgii iyo nabadii ee sagaashamaadkii,waxaan leeyahay inta aan laga hadli onlf ashahaado la dirkooda, shacabka ogaadeenya oo dhani ma ashahaado la dirirbaa, mase is waydiiyeen mjxsg sababta ay u heli la,yihiin taageero dhab ah ee shacabka iyagoo haysta dhaqaale hub, saanad,iyo xoog, aysan haysanin onlf ayaa 3 dharaarood lagaga saaray wadanka meesha onlf oon lahayn intaa ay haysteen ay noolayd,nooshahayna,waxaad moodaa in aysan ka faaiidaysanin waayo aragnimadii hore waxaadna moodaa in aysan waxba iska badalin siyaasadoodii ahayd inay cadaw u arkan ummada si,lamid ah xabashida, inay onlf yeelato taageeraha oogu badan waxaa keentay bay a,da iyo
shacabka , iyo hidaha dhaqameedka iyo jugraafiga, iyo sooyaal taariikheedkii,iyo waliba siyaasada toosan ee ay qaadeen ama hayaan.

tan u danbaysa waxaan u arkayaa in uu nin aan aqoon iyo siyaasan u
dhuun duleeshaa ulahayn lana soconin isbadalada aduunka ka dhacaya, uu faalo iska soo qoro .taasoo ka tarjumaysa waxa uurkiisa iyo caadifadiisu tustay , faalada oogu dab baysa ee ku qoran bogan xaajo ayaa waxaad dareemaysaa in lagaga hadlayo barnaamijka layidhaahdo (kulanka maanta)ay tv ga aljazeera ka siidaysa axadii lasoo dhaafay ee ay la yeelatay gudoomiye ku xigeenka onlf isagoo gudoomiye ku xigeenku kajawaabayay dhawr su,aalood oo la waydiiyaya waxaa u muhiimsanayd su,aasha ah, maxaad u dagaalamaysaan oo hadafkiinu yahay?iyo diyaar ma u tihiin wada hadal? ,ayaa wuxuu g/k/x onlf ku jawaabay annagu waxaan u dagaalmaaynyaa aayo katashiga umadda reer
ogaadeenya iyo in shacabka lawaydiiyo waxa uu rabo afti madax banaana laga qaado. diyaarna waan u nahay heshiis hadii 3 shuruudood la helo
1/ in wadahadalku ku saabsanaado aayo katalinta ummda reer ogaadeenya
iyo sidii afti looga qaadi lahaa
2/in wadan sadexaad shirka lagu qabto
3,in goobjoogeyaal caalami ah ay joogaan madasgaas shirka, hadaba waxaa is waydiin leh ma waxaa khalad ah inuu yidhaahdo gudoomiye ku xigeenku xalka umdda ogaadeenya waxay ku jirtaa rabitaankiisa, ma waxaa sharaax u baahan, dad kanagu wuxuu doorto ayan ku go,naa
mar uu waydiiyay wariyuhu shacabka ogaadeenya unuu dawlad gooni ah
noqdo iyo inuu ethiopia sii ahaado iyo inuu soomaaliya ku biiro kee bay u badantahay? waxuu ku jawaabay hadii afti laga qaado shacabkanaga waxay u badantahay inay dowlad madax banaan dooranayaan .gabagabadii hogaanka onlf iyo cjwxo waxay u halgamayaan waa
doonitaanka iyo rabitaanka shcabkooda ma wataan wax gooni ah oon ka ahayn inay ka tarjumaan rabitaanka shcabka, hadafkoodu iyo ujeedooyinkoodana waxaa kamid ah sidoo loo heli lahaa ama lagu gaadhi lahaa, afti maxad banaan oo laga qaado shacanka ogaadeen ninkii taas wax kaduwan u halgamayana kama tarjumayo rabitaanka shacabka waana mid kamid ah siyaasadaha onlf, aduun waynahana oogu sharxaan in ay doonayaan afti madax banaan oo laga qaado shacabka ogaadeenya , hadaba ninkii moodaya inay onlf aanay ku gorgortamaynin, afti laga qaado ummadooda reer ogaadeenya ee kaliya ay doonayso madax banaani aan shuruud lahayn , waxaan u sheegayaa inay tahay raqiiga oogu horeeya ee ay onlf iyo cjwxo ay doonayaan in maxad banaani lagu gaadhsiiyo umadda reer ogaadeenya ee ay matalaan una dagaalamayaan, waayo markasta waxaa mudnaanta leh codka shacabka reer ogaadeen ,
onlf waxay matashaa reer ogaadeenya waxay iyagu doortaan ayayna onlf
ku qasbantahay taasina uuma baahna sharaxaad gudo balaadhan, oo nin
kasta oo siyaasada la halmaala wuu garan karaa ujeedadeeda iyo natiijada kama danbaysta ah ee kasoo bixi karta afti madax banaan oo laga qaado shacabka reer ogaadeenya

nasteex/ netherland
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com