Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Dabinka Cadawga, Caadifadda aan Cilmiyeysnay & Danta Umadda! WQ W, Ilyare
Waxaa jira nidaam rabbaani ah oo jidhka nooluhu kaga gaashaanto ama isaga caabiyo cudurada qalaad ee dibadda kaga yimaad. muddadaa uu socodo loolanka dhex maraya difaaca jidhkeena & weerarka cudurada (antigen antibody reaction) ayaa inta badan waxaa oogada noolaha ka muuqda sifooyin ay ka mid yihiin xumad & isbeddelo kale oo aadamaha ku yimaad sida inflammation waxa afka qalaad lagu yidhaa.).

Habsami-u socodka falgalka dhex mara cadawga jidhka soo weeraray & iska caabinta ay sameeyaan unugyada difaaca ee jidhkeena ayaa ku xidhan hadba sida uu jidhkeenu u fahmo ulana jaan-qaado nooca, heerka & xajmiga cadawga soo weeraray, haddii haddaba unugyada difaaceenu ay gartaan nooca cudurka, waxay la yimaaddaan tallaabada ku haboon, waxaana dhacda in cudurku meeshaa ku burburo, haddiise ay ka gabi-dhacleeyaan waxay isu beddeshaa sifo afka qalaad lagu yidhaa Septecimia oo jidhka dili karta unugyadeenana burburin karta.

Sifada la ydhaa caadifadda (emotion) ayaa iyana ah mid aaladda uu aadamuhu wax ku fahmo (Human brain) la soo darista kolka dhib ama dheef midkood ku yimaad, ciladda ay wadato ayaase ah inay sidii xuubka caarada isku dahaarto meesha uu insaanku wax ka fahmo, sidaa awgeed ayuu rasuulku (scw) isaga oo talooyinkeena ka ilaalinaya gabi-dhaclayn, caadifad & malo-hanbaybna ayuu yidhi ** qaaddigu yuusan go’aan qaadan isagoo cadhaysan** sababta uu suubanuhu (scw) sidaa u yidhina waxay tahay inuu umaddiisa ka ilaaliyo qoomamo & tallaabo aan loo indho badin cidhibteeda danbena la mahadin ay meeshaa ka timaaddo.

Caadifaddan uu rasuulku (scw) noo tilmaamayo ayaa waxay qalbiga aadanaha galin kartaa laba sifo oo iyaga laftooda la inooga digay, midi waa sifada ah is mahadin, isla wayni, qab kibir iwm. Midda kalena waa middaa cagsigeed sida niyad jab, qalbi dumay quusasho iwm. Sidaa darted ayaa haddaad daraasaad cilmiyeysay ku samayso guushii u horaysay ee ka soo hoyatay hawlgalkii Badar, kolkii hoggaamiye-yaashii quraysh oo idil haadda loo wadhay, saxaabaduna is mahadiyeen, ayaad arki kartaa in aayadaha soo degay ay u badnaayeen kuwo gooddin ah, heer waliba uu eebe (sw) yidhaa cadaabkii eebe ayaa xaggan idiin soo istaagay, waxaa taa cagsigeeda ah hawlgalkii uxud, jabkii, niyad-jabkii, wareerkii ka dhacay iyo weedhii ahayd rasuulkiiba la dil kolkay rag ka mid ah saxaabadu seefahaba dhigeen, si hamigooda kor loogu qaado qalbigoodana cudurada quusashada (Ya’si) looga ilaaliyo ayaa loo soo dejiyey aayado ay ugu horeeyeen ** ha walwalina, ha murugoonina, idinkaa cid walba ka sareeya, eebaa idinla jira, hadduu jab idin gaadhay iyagaba gaadh, waxaad rajaynaysaan iyaguna ma rajaynayaan, walaalahiin ma aysan dhimane agtaydaan keenay, anigaa ku arzuqaya iwm) ilaa waliba caalimka la yidhaa Ibnu qayim al jawzi oo buugag dhan ka qoray hawlgalkaa ku tilmaamay guul aad u weyn! Waxaa xigay hawlgalkii Xunayn oo rag ka mid ah saxaabadu ku indho-sircaadeen tirada ciidanka, ka dibna jugtii u horaysaybala kala firxaday. Aayadaha soo degayna ay ahaayeen kuwo diidaya xoog iyo xajmigaaga ood mahadiso ama talo saraato. Waxay sidookale taariikhda islaamku na baraysaa in goortuu rasuulku (scw) la wareegay makkah ee cadawgiisana eebe cagtiisa hoos keenay uu ahaa rasuulku (scw) mid wajigiisu fooraro aadna uga fog kibir & is mahadin waayo wuxuu yaqiinsana inay guushani tahay mid eebe u keenay. walaalka soomaaliga ahow ha iloobin Tusaalooyinkan & tilmaamahan aan ka soo guurinay rasuulkeenana (scw) waa duruuse ma aha taxane taariikheedoo lagu sheekaysto uun!

Umadda soomaaliyeed oo ah hal qoys oo diin,dhaqan & luqadba wada wadaaga ayaa waxay soo martay tajarubaad kala duwan, waxay ku horaysay cahdi isticmaar reer galbeed, waxaa xigay kacdoon xoriyad raadin ah, waxaa saddexeeyey tawrad kacaana milatari ah, waxaa lagu sii tolay jabhado qabaa’ilo & beelaysi ku salaysan kuwaasoo saaxada haystay muddo dhawr iyo toban sano ah, waxaa noo beddelay kacdoon loo wada yaqaan xilligii maxaakimta kuwaas oo keenay waxaynu dhawr iyo toban sano ku keeni waynay balse aan waqti ku filan la siin, wuxuu tadawurkeennu ku soo gabagaboobay nidaam cusub oo isticmaari ah garwadeenna ay u tahay xukuumad diin ahaan & qawmiyad ahaanba aan aqlabiyad ku haysan waddankeeda--dawladda Ethiopia. nidaamkan isticmaari ayaa ah qayb ka mid ah aragtida maanta loo yaqaan nidaamka cusub ee caalamka (The new world order), xukuumadda Ethiopia oo haddaba safka hore kagala jirta maamulka madaxweyne Bush hawlgalka ay ugu yeedheen la dagaalanka argagixiso ayaa ka faa’iidaysatay barnaamijkan, awoodna u yeelatay inay umad ay qarni ku dhawaad kala dagaalamaysay xag diin iyo xag dhaqanba ay maanta, qori ama qalin, dab ama `diplomaasi, midkay dooniba ha isticmaashee soomaali maxamed shaqsigay ka maagtaba ay meeshay dooni ka soo qabsato looguna soo xero galiyo jeelasha aadamaha lagu ridqee ku yaal caasimadda Addis abeba.

Waxaynu la wada soconaa in dhacdooyin is daba joog ahi maalmihii na soo dhaafay ka dhaceen qaybo ka mid ah is maamul goboleedka Puntland, & midka ina riyaale ee Hargaysa, taas oo sida la sheegayo,ahayd in dad isugu jira hawl-wadeeno jabhadeed & bulsho rayid ahba loo soo gacan galiyey xukuumadda Ethiopia, waxaa judhiiba kor u kacday caadifadda bulsho badan, waxaa shabakadaha warbaahinta isku shareeray maqaalo xanbaarsan dhiilo, gabayo & taariikh hore, waxaan sidoo kale dhagaysanay waraysiyo kala duwan oo ka yimid hoggaamada jabhadda & kuwa is mamaul goboleedyadaba.. sidoo kale,haddaad eegto maqaaxiyaha shaaha ee soomaalida waqooyiga maraykan ku sugan iyo kuwa qaaradda yurubba oo markii horeba ahayd barxadda fadhi-ku dirirka, waxaa si toos ah dhagahaaga ugu soo dhacaya weedho aan loo miidaan dayin, ereyo xanbaarsan caadifad reereed iwm. Walaalka soomaaliga ahow, ma is waydiinaa qodobadan hoose?

1- Ma markii u horaysay ee wiilal soomaaliyeed cadaw loo gacan galiyaa?mase ahaan doontaa markii u danbaysay? Maamulka hargaysa ayey ahaayeen raggii caadada ka dhigtay inay ka baayac-mushtaraan wiilal & gabdho deegaan ahaan ka soo jeeda soomalai-galbeed. Maamulka ka dhisan soomaali-galbeed ee isir ahaan & deegaan ahaanba la wadaaga wiilasha la soo gudbiyey weeye ragga codsaday in loo soo gudbiyo wiilashaa . sidoo kale xasuuqa & gumaadka ka jira maanta magaalada muqdisho waxa hor kacaya sow rag soomalaiyeed oo dawladnimo sheeganaya ma aha? idaacadaha caalamkanakana ka yidhi dhib kama jiro muqdisho. Xuduudda Kenya wiilashii kal hore laga soo qabtay ee loo gacan galiyey Ethiopia waxaa ka qayb qaatay ee haddana wiilashaa ku eedeeyey inay gacansaar la leeyihiin ururada dagaalama yay ahaayeen? saraakiisha isa soo dhoobtay xuduudda Kenya ee tidhi firxadka maxaakiimtaan hor istaagaynaa badhkood soomaali rag sheegtay ahaayeen. Maxaa haddaba dhibkii umadda ku soo koobay caado-qaate Cadde Muuse??

2- Jaaliyadaha reer Ogadenia ee qaylada kala soo gurmaday daafaha caalamka dhaliilayana falka qalaad ee lala beegsaday wiilashaa & warsaxaafadeedyada ka yimid qaybaha kala duwan ee beesha harti ee sida aan kala hadhka lahayn u wada dhaliilay falkaa gurracan waxay wada mudan yihiin boogaadin. Waxaase ii daba taala maxaa keenay inay ka aamusaan gawraca,gummaadka,xasuuqa,kufsiga iyo bahdilka ka jira magaalada muqdisho? Maxaa caano daatay ka dhigay culimada lagala soo wada baxay masaajidda ee biraynta loogu daray car waa ninka aasa?? Burburka & bara kaca la biday gabdhaha soomaaliyeedee maanta wada daadsan duleedka muqdisho miyeysan diin iyo ehelnimo nala wadaagin? Miyeynaan ka damqanayn dhaxanta , tol la’aanta, dabaysha qabow iyo gaajada beerqaadaysa ilmaha soomaaliyeedee kala garan la’ hooyadii meeshay joogto iyo rootiguu cuni lahaa? Miyeynu ka aamusnay Duqaynta dhuusomareeb iyo xaaqidda aan kala go’a lahayn ee gobolada koonfureed ay ka wadaan xoogagga milatari ee Ethiopia & walaalahooda la magac baxay TFG? Ma cid buu caad ka saran yahay in waxa lala dagaalamayaayi yahay manhajka khaaliqa?? Maxayse noqon jawaabta aynu u dhiganay eebe hortii bari kolka la kala hoydee la isa su’aalo??

3- Khiddada la yidhaa Strategies for animal survival waa farsamo uu xayawaanku kaga xidaaraysto duruuf goobeedyada qallafsan ee kala soo gudboonaada bay’adda ku xeeran, waayo ahmiyadda nooluhu waa siduu u badbaadi lahaa, sidaa awgeed hoggaanka ONLF si uu uga uga xidaaraysto dhaliisha uga timid aqalka cad ee maraykanka, si uu ugu hoggaansamo nidaamka cusub ee caalamka ee diin la dirirka ah, wuxuu u tafa-xaytay inuu dhaqangaliyo siyaasadda fashilantay e madaxweyne Bush, wuxuuna hoggaanku judhiiba ikhtiyaal & weeraro is dabajoog ah ku bilaabay culimadii & wiilashii hawlgalka dhankooda kaga jirtay, waxaana meeshaa ku agoomoobay caruurtii culimada, waxaa saygaydii ku wayday walaashii xijaabnayd, waxa sidaa loo galayana waa rag shalay goortay JWXO dawladda wax kaga jirtay hawlgalo milatari kula jiray gumaysiga, diyaarado lagula dagaalamayey inaguna aynu ku eegaynay sidii in la ina dayn !!sidii iyada oonay taasi qancinayn maamulka Bushna wuxuu hoggaamiyaha jabhaddu si aan gabasho lahayn laanta af-soomaaliga uga yidhi **urur diin & manhaj islaami wata ma oggoli!!, waxayna ku qoran tahay qawaacidda u dejisan ONLF** waxay waxgarad faro ku tiris ah oo ka tirsan jabhaddu sheegeen inuu hadalkaasu danbi ahaa, waxaanse u sheegaynaa danbi ma ahayne, hadal xerada islaanimo looga baxuu ahaa!!! waxay wagaradka umaddu calaamad su’aasha saareen cawaaqibxumada eebe agtiisa uga iman karta urur hoggaankiisu si cad u diiday diin & cid wadata, weeraro lixaad lehna la beegsaday culimadii gobolka,,,,,, waliba ku faanay inay meel ka dhac ku tahay mabaad’iida ururka ONLF!! Su’aashaa jawaabteedana waxaa laga rabaa waxgaradka tawxiidka fahansane uma taalo wiil ama gabadh gar & gardaro tolkii la garab taagan!

Shaqsiga ku abtirsada habdhaqanka islaamka waa inuu kol walba yeesho marjic uu u noqdo, waa inuusan noqon dameeri dhaan raacday, waa inuu qeexidda & qawaacidda nolosha kol walba kala yimaad kitaabka alle & sunnada rasuulka (scw), waa inuu noqdaa waaqici had iyo goor u toog haya loolanka ka dhex aloosan nidaamka cusub ee caalamka & halganka hal-ku dhaggiisu yahay kor yeelidda kalimadda alle! Walaalka/walaasha soomaaliyeedeey, yaynana kolna u dabranaan hoggaamiye hammigiisu yahay haybad uu reer galbeed kala yimaad, hub uu manjahka eebe kula diriro iyo dhaqan-galinta xeerhoosaad loo sameeyey burburinta risaalada rasuulku (scw), yaynaan awrteenna ku daba xidhan ugaas qabiili ah ood moodi in loo unkay kala qooqoobidda umadda, yaynaan is hoos dhigin maamul hadafkiisu yahay ka hiilinta xaqa & u hiilinta baadilka! Kolna ha ka dhicin fahanka ujeeddada lala damacsan yahay dunida muslinka guud ahaan, gaar ahaana jamhuuriyaddii soomaaliyeed.

Gabagabo waxaan leenahay waxaa luntay walaalnimadii & midnimadii soomalaiyeed, sidaa awgeed bulshadii soomalaiyeed waxay noqotay mid cidlo u bantaala waabayda & sunta kaga imanaysay cadaw qarni ku dhawaad kala dagaalamayey xag diin,xag dhaqan & xag dhaqaale intaba, idan ilaa dib loo baadigoobo walaalnimo soomaaliyeed middaas oonan kolna ku iman Karin xeerinta manhaj aadamuhu malmaluuqay, waxa kaliya ee keeni karaana ay tahay manhajka khaaliqa, umadda soomaaliyeed ka bixi mayso hagardaamo,dibindaabyo iyo hambalaalaqsani dhinac kasta ah. Haddii maanta wiilasheena la dhiibayana bari gabdhaheena & gayigeennaba waa la dhiibi!

Canaad & caadifad marna ha u daba taagnaan cidna, ee xaqa raadi adaa garan cidda maceeda ahe!

Wacays Il yare
risaala@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com