Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Khatarta Taagan iyo Khilaafka ONLF: WQ M Baddel
Waxaa maal mahan danbe isasoo taraya, walaaca iyo wal bahaar ka, dad ka daneeya ama ay danqayso dhibaatada haysa bulsha soomaalida Ogadenia, taa soo ka imaanaysay dhanka Cadaw ga ayhogaa miso Ururka, Marxist Leninist League of Tigray (MLLT) ama TPLF, laakiin hada waxaa kudar samay qaylo dhaan ta horta leh ee ka imaanaysa dhan ka Madax da sarsare ee ONLF, kaas oo loo tur jumay weerar hubaysan oo lais ku qaado, naf iyo maalbana ku baxo.

Hadaba ururka ONLF oo halgan ka hubaysan ee uu hogaaminayay 15 jirsaday, lana islahaa hada wuu qaan-gaadhay oo khibrad ku filan ,ayuu u yeeshay maaraynta, iyo kabaaraan daga, wax kas ta oo keeni kara bur-bur iyo cimri dadajin, ayaad moodaa in ay mali hii sidaas ahaa mugdi galay, waxay madax diisu ku guul daraysatay inay khilaaf ka soo gunaanadaan mudo kabadan 3 sano, waxay ilatahay hadii uu ku saab sanaan lahaa danaha urur ka inay sahlanaan lahayd wax ka qabashadiisu, laakiin umuuq da mid kusaab san shakhsiyaad is aragsan iyo ku tagri fal awoodeed iyo aniga iyo adiga.

Halgan waa weedh wanaahsan, waa iray tilmaamaya, cadaalad doonid, cabudhis ka cararid, ciil-kaanbi diidis, cuud xalaal ah raadin, dad kaaga , dalkaaga iyo diin taadaba ceeb udiidis, waa weedha cid kas ta oo maqashaayi u soo istaagayso, waa mida dad badani u taageer san yihiin ONLF kadib mar kay iraygaas lasoo shirtageen,
Hadaba intee in le eg ayay iskudhaca hubaysan ee dhacay Wiigan kudihiisa, tashwiish iyo ashaashiraw galin karaa, taageerayaasha, xubnaha ururka, naftood hurayaasha hada lajaah wareeriyay iyo dhamaanba bulsho wayn ta reer Ogadeniya?

Hadaan sidagdag khilaafkan gaadhay gacan kahadalka loo soo gabagabaynin, waxay dhaxalsiini, dhiig taata oo kabiloow da kuwii shalay, iska garab dirirayay oo iskujeedsada(ilaahaw yaynan dhicinee), cimrigii Ururka oo soo dagdaga, Cadawga oo kafaaiidaysta, cabudhinta iyo cidhiidhigii uu ku hayay shacabkan mayeedhaan ka ah oo afar laabma iyo jiritaan hubaysan oo danbe oo shaki lagalin karo,

Waxay ilatahay dadku umasidee waxay mas uu liyada ugu horaysaa saran tahay 51 xubnood ee golahadhexe ee JWXO inay iskudayaan si aynan ku jirin nin jeclaysi, ee ururka dan tiisa iyo ta dad kuba kujirto, inay u xaliyaan dhibaatadan kaimaanaysa dhanka maamulkooda, haday ku fashilmaan halakaashadaan Stakeholders ka kale sida dad ka wax garadka ah ree ogadenia ee kale,

Ha xusuus naadaan dadka ay isku dul-laynayaan, waa mid ka cadawgu ONLF, aawadeed lacagaha baadda ah ugu xukumayo, naftoona iyo maal koo diina, meel ay lagalaan la’
Ha xuusnaadaan ragii boqolaalan ka ahaa ee dhiigooda uhuray dad ka iyo dalka iyo diinta, kumanaan ka caruurta ah ee ku aabo waayay halkan ka, haween ka ku ragwaayay, waal iyo wiilba waayay,
Ha xusuus taan ilaahay iyo diintiisa ay sheeganayaan, ugu danbayn tii ha u turaan lafahooda iyo jiritaan kooda, dad nimo,

Gabagabadii, waa xil dahmaan teen inoo yaala wax kaqabad ka inaan mar dan be weeraro hubaysan kadhicin jabhadaha ka dagaalama gayigeena Cadaw gu waa mid ee labo ma nin walaal kii cadaw kadhigtayna ma cimri dheeraado.

W/Qoray M Badel Waxaa laga heli karaa E mail Daacad_31@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com