Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»DANLEY KIBIRTAY LABAGEEDI OO ABAAR AH BAA LA RARAA.
Walaalayaal waxaa baryahan socday cay, aflagaado iyo Qadaf ay soo gudbinayaan dad quluubtooda qabyaalad buuxisay, maskaxdana aan ka degeneyn ama qaba cudurka cusub ee buufiska, ururka ONLF iyo siyaasadiisana kafaalooda iyagoo shalay qabiil daraadii u soo galay aqoona aan u laheyn taariikhda, sharciga iyo habdhismeedka ONLF.

Hadaan ku horeeya arinta qabyaaladda iyo waalida isugu jirta ee shakhsiyaadkan ka imaneysa waxaad arkeysaa sida qaawan ee ay Dr. Doolaal, Xaajo iyo Somalitribune isugu xidhayaan ee iyagoon qoraaladooda ku salayneynin cilmibaadhis, statistics ama taariikh iyo waxyaabo cad cad oo la taaban karo oo khalad ah ay isaga caaya hayaan. Waxaa qoraalkan ugu dambeeyey ee Somalitribune loo diray ku qoran in ay sameeyaan wax islaamnimada kabaxsan.

Qoraalkii kan kahoreeyey oo ay xaajo soo qortayna wuxuu qoraagu ku bilaabay hadalkiisa, waan idin necbahay laakiinse waad ku mahadsantihiin qoraalkeygii hore ee aad soo deyseen. Waxay taasi muujinaysaa dulqaadka iyo khibradda warfidiyeenimo ee ay xaajo iyo Somalitribune leeyihiin. Kuwaas oo websiteyada XXXXXX XXXXXXXXX aan laga fileynin in ay sidaas dhexdhexaad u noqdaan, aqoontooduna ayna gaadhsiisneyn.

Hadaan siyaasadda ururka waxyar ka taabto. Wuxuu qoraagu si shakhsi ah u caayey Halgame Dr. Doolaal. Xataa wuxuu isticmaaley kalmadda Gacmo xume marar badan, laakiinse wuxuu iloobey in Naftii Hure Dr. Doolaal uu gacanta uga dhaawacmey halganka daraadii. Taas waxaan ku dhaafayaa in ninkii Waxaa qoray Taariikhda soo barto hadii kalena wax weydiiyo dadkii isaga ka soo horeeyey inta uusan ka faaloonin wax ayna aqoontiisu gaadhsiisneyn. Gadaal kagaadh waa guri dumis.

Mida kale waxaan umadda reer ogaadeeniya iyo qofka qoraalkan soo dirayba usheegayaa sidii ina cumar cismaan ku soo galay halganka xaq udirirka ee JWXO hormuudka katahay. Ina cumar cismaan sidaad wada ogsoontihiin wuxuu degenyahay dalka ingiriiska, UK. Halganka JWXO hogaamiso wuxuu kusoo biiray sanadkii 1997 isagoo shaqo waardiye ah (Securitas) loo diiday waayo waxaa lagu yidhi nin waayeel ah ayaad tahay kumana shaqaaleyn karno, dad dhalinyar ayaan ubaahanahey. Isagoo Germany gaadhay ayey jaaliyaddu la hadashay oo lagu qalqaaliyey inuu halganka ka qeybqaato. Anigu waxaan la kulmay 4tii nin ee maalintaa goobtaas fadhiday mid kamid ah oo hadda dalkan aan joogo nala jooga. Hadii loo baahdana magacyada ragaas aniga ayaa la iigu soo hagaagi.
Midda kale wuxuu ninka qoraalka soo diray ku beensheegay in Dr. Doolaal xildoon yahay, waayo tan iyo shirkii gari go’an ilaa maanta ONLF gacantiisa ayey ku jirtay, maalin kali ahna aan gudoomiye ka noqdo ma’uusan dhihin. Ilaa dantu ku qasabtay oo uu arkay in halgankii cadowgii umadda loola galay.

Waxaan akhristayaasha sharafta leh u sheegayaa in sababtii tuulada gunna gado degmada looga dhigay ay aheyd in Maxamed Cumar kililka loo dhiibo, tuuladaasna uu marka hore baarlamaanka kililka ka soo galo. Waxaad dhamaantiin xasuusataan in masuuliyiin Sar sare oo kililka ah ay cadeeyeen xidhiidhka ina cumar cismaan iyo Cadowga Etiopia ee tigreega. Waxaad wada ogsoontihiin inuu isku dayey in Jwxo lala mideeyo ururada Xabashida ee 2000 ee sano dhiiga caruurteena cabahayey.

Marabo inaan qoraalka ku dheeraado, laakiinse waxaan saadaal yar idinka ifinayaa siyaasadda ONLF iyo sida cad ee Hogaanka golaha sare uga dhabeeyey badbaadinta halganka xaq udirirka ah ee umadda reer ogaadeeniyo ugu jirto aayo ka tashigeeda.

Sidaan wada xasuusano waxaa dalka Mareykanka isugu tagay labo wafti oo midna uu hogaaminayo Nafti Hure DR. Maxamed Siraad Doolaal iyo koox ka daba tagtay oo ina cumar cismaan hor socday. Labada kooxood waxay ku tartameen lakulanka wasaaradda arimaha dibedda ee mareykanka, (The state department).Taas waxay guushu kuraacday Dr. Doolaal iyo waftigiisa oo lagu qaabilay in the State Department. Kooxdii kale sidii marti aan loo yeedhin ayey labo bilood ku ag wareegayeen wasaaradda arimaha dibedda waase la diiday oo waxaa lagu yidhi gudoomiyihii ONLF waanu la kulaney ee meesha iskagataga. Waxay markii dambe meel gobol ah kula kulmeen nin baarlamaanka mareykanka ku jira. Arintaasna siyaasadda dowladda shaqo kuma laha ee waa shakhsi, private.

Markii laga soo laabtay gulufkaas waxay ina cumar cismaan iyo kooxdiisu meel walba mariyeen Dr. Doolaal ayaa ururka dacyeeyey. Taasina waa calaacalka aqoon gaabka, waayo ninkii uusan af aqooninba wuxuu moodi in lagu dacweyn mar hadii qofku uusan fahmeynin luuqadda iyo afka lagu wada hadlahayo. Cadhadii waxay kula dhaceen niman wadaado ah oo Cadowga tigreega dagaal kula jiray waxayna tuulada yoocaale ku galaafteen nafo badan oo muslimiin walaalo ah iyagoo is leh mareykanku ha’idin qaabilo marka labaad oo yaan muslim la idiin maleynin. Taasna waxaad ka xasuusataan wareysigii ina cumar cismaan.

Dagaalkaas yoocaale wuxuu keeney in ONLF xubnaheeda laga ugaadhsado dhamaan gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo idil. Waxaa muqdishu lagu dilay ugu yaraan 4 n.hure oo JWXO ka tirsan. Waxaa dhawaan lagu dilay Kismaayo xubno Jwxo katirsan.

Naftii hure Dr. Doolaal wuxuu dadaal dheeraad ah ku bixiyey sidii uu uga dhaadhicin lahaa in ONLF ayna aheyn ashahaado ladirir, waxna uqabin walaalaheeda soomaaliyeed ee gumeysigu xasuuqayo. Halkaasna guushii labaad ayaa Dr.Doolaal ku raacday, waana arinta ninkii qoraalka cayda ah soo qoray uu wali garan la yahay meesha ay katimid. Middaas anigaa kuu fasiray ee qaado.

Maanta wuxuu Dr. Doolaal joogaa gudihii Ogadenia wuxuuna dagaal kula jiraa ciidankii Tigreega ee uu isaga laftiisi xabadii ugu horeysay ku riday. Dagaalkii BIRQOD Aniga laftayda ayaa Birqod kula kulmay Naftii hure Cabdiwali Xuseen Gaas oo ciidan buur dusheed kuhaysta calanka Ogaadeeniyana uga dulbabanayo.

Dadweynaha Soomaalida Ogaadeeniya iyo umadda Soomaaliyeedba waxaa waajib ku ah in ay garab istaagaan halganka lagula jiro cadowga tigreega/abbyssinia.

Maanta wuxuu Dr. Doolaal Hogaaminayaa ciidankii xooga dalka Ogadenia waana in dadka halganku dhabta ka yahay isgarabtaan. Inta dhibaatada wadana Allaha soo toosiyo.

Midnimo mintid iskutashi Guul

Ahmed Mahamed Abdi"
nasrudin68@hotmail.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com