Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Lamood Maxamed C. Cismaan Noqonsewaa. WQ Maxamed K Daahir
Waxaa aad u soo batay sanadahan dambe isku dhicii ama sii kalatagii halgamayaashii reer Ogaadeenya waqti loobaahnaa in loo midoobo gumaysiga reer Ogadeenya, khilaafka joogtada ah ee ka dhexeeya golaha dhexe ee JWXO, dhibaatooyinka joogtada ah ee laga dhex abuurayo CWXO iyo shacabka, iyo taageeradii dhamaan shacabka soomaaaliyeed uhayeen ama u hanwaynaanti ONLF in ay noqondoonto tii Soomaaliyoodhan ka xoreeyn lahayn gumaysiga gabi’ahaanteeda qabsaday oo xus lala galay lagana dhigay mid taladeeda in uu lee yahay M. C. Cismaan oo kaliya.

Tan iyo maalintii naftood hurayaashu u doorteen Maxamed C. Cismaan hogaanka sare ee ONLF tobansano kahor waxaa halganka reer Ogaadeenya ka dhaqaaqay in kabadan inta manta golaha dhexe yahay ( ugu yaraan 45 xubnood ), qaar alaha unaxariisto way shahiideen qaarna maamul xumo daraadeed ama hogaan ku shaqeeya hadii aadan sacabka ii tumin ama sida dhagaxii aadan noqonin dareenlaawe waxaad tahay nin ushaqaynaya cadowga ama waad luudaysaa marka waa in lagu badalaa. Qaar badani danahoodii ayey dib ugu laabteen madaama ay diidanaayeen habayaraatee wax qilaaf ah in uu soo dhex galo halganka si cadowgu uu san uga faa idaysanin. Waxaa batay niyad jabkii kaadirkii halganka usoo kacayey maadaama aan lagu dhaqmin fikrad midaysan iyo maamul hufantoona jahwareer awgoodna ninba maalin sanadkii al’arko , iska daa in kaadir cusub labuuro. Waa sida uu rabo Maxamed C. Cismaan. Waxay ahayd afartii sanaba in mar ladoorto gudoomiyaha ururka waa sida sharcigu dhigayo, way jiri kartaa xaalad degdeg ah ama colaadeed oo lookordhiyo gudoomiyaha mudada waqtiga doorashdana dibloo dhigo. Haddaba afarjeer ayaa loo saarey doorashada gudoomiyaha ururka gudi soo qabanqaabiya doorashada, go’aamadii gudigaas sicad ayuu Maxamed C. Cisman udiiday ama uyiraahddaa gudaha halagu qabto doorashada isagoon habayaraatee u dhaqaaqaynin gudaha, markii ay intanba ka tabardareydba laqabaye, (1998 oo ahayd doorashadiisii iyo 2005 kaliya ayuu sidiisaba gudaha arkay taariikhdiisaba marka laga reebo dhalashadiisii).

Maraan la kulmay intii uu noolaa alaha unaxariistee halgame Sheekh Ibraahim Cabdala waxaan waydiiyey Maxaan halgame kaa dhaxalnaa ? wuxuu Yiri “ Sharci iyo Nidaam ”. Xeerka jabhada ma’ahaha mid hada laqoray ee waa mid soo jireen ah ama hala cusboonaysiiyo ama wax halagu kordhiyee, Madhici kartaa in shaqsi ku badalo mid uu jeebka kala soobaxay maxaa yelay golaha dhexe ee jabhadu waa hay’adii ugu sareysay ururka maxa kalifay in habayaraatee in ay waxba kala socodsiin la’yihiin wax go’aan ah oo manta ay leeyihiina uusan jirin magac uyaal mooyee. Waxaa kasii darantaa in labadii xubin ee isku qabsata fikir ama shaqo in loo kala aamuso si iyaga dhexdooda loogu abuuro cadaawo si khaladaadka hogaan xumida Maxamed C. Cismaan marna aan looga hadlin. Waxaa jira hay’ado iyo hogaano laga dhigay habayaraate magac uyaal maxaa yeelay shaqadooda oo ahayd tii kala hufi lahayd habsami usocodka halganka ayaan ladoonaynin; sida Hayada hanti dhowrka, Gudiga Agoonta iyo Maxaabiista, Hogaanka arimaha jabhada, hogaanka arimaha gudaha iyo amniga, H. cilmi baarista iyo qorsheynta, H. abaabulka bulshada, Hogaanka garsoorka ( sida uu udhanyahay waxaa laga dhigay wax hadda la’ abuuray ), Maxkada sare way jirtaa markaliya ayaa lamaqlay waa markii Dr. Maxamed Siraad Dolaal loo adeegsanayey, iyo waliba kuwo kale, taasi waxay kaliftay in maalin walba xubini ka dhaqaaqdo halgankii hooyo badani ay ku gablantantay.

Sidaan horey usoo sheegay waxaa ka xiran jabhadda xubno aad utiro badan dhamaantoodna Maxamed C. Cismaan waxaa hadalkooda ama wax uqabashadooda ugu dambeysay maalintii ay cadowga ugacangaleen, iska ilow caruurtoodii ama kuwii shahiiday caruurtoodii ama qowsaskodaba. Maxamed C. Ciaman wuxuu yiraahdaa waxaan ku darnay liiska agoonta halganka taas xaq bay uleeyihiin ee amaha mid magac laga dhigto. Ciidanka wadaniga xoreynta Ogaadenya wuxuu hido ulahaa taageerida shacbiga taas oo siisay kalsoonida dhamaan shacbiga ( xataa waxaraha yaryari way taageeraan CWXO ), maxaa kalifay maanta in shacbigoodii cadow looga dhigo ? nidaam qarsoodi ah ama xeer iyo garsoor aan hufnayd haddii aan lagula dhaqmin lana kala qoqobo waxay u dhigantaa ninkii yiri laanta aan ku fadhiga waxaan dooni in aan xaabo ka dhigo.

Shaqsi walba wuxuu layimaadaa nidaamka uu jecel yahay in uu wax ku maamulo, waxaa bilaabantay in si qarsoodi ah ula kac ah loodilo odayaal 80 ilaa 90 sano jira, ugaasyo, suldaamo, garaadyo, ganacsato, dhamaantood ahaa halbowlaha halganka reer Ogadenya is kaba daa dhalinyarada ama meel dhexaadka leh waxaan uga soo cararey gurigaygii Ciidanka Maxamed C. Cismaan maxaa yeelay lamaba joogo isagu ee siduu dooni in uu ku xukumo dilalkan qarsoodiga ah ama ku maamulo dhulkooda. Waxaa cadaatay inta wax garad ah ama odayaasha degaanka ee tobonaanka kun ah ee ku noolaa gumaysiga qarniyaal iyo waliba kuwa qurbaha ku nool in hal shaqsi alaha ka dhigee uu san maanta Maxamed C. Cismaan la’lahayn xiriir wada shaqayn ah. Odayaashaa sida ula kacda ah loo laayey ee wii lashoodii iyo maalkoodiiba ku dhamaaday halganka shaqsi xeerka lama soo taagin mid islaam iyo mid ururkaba. M. C. Cismaan ayaana mas’uul ka ah.
Ujeedadu waxa weeyaan aan iyaga iyo shacbigooda iska horkeeno maxaa yeelay wiilna kagama dhimanayo waxarina kagama lumayso ileyn waligiiga marna kuma dhexnoolaanin. Aqoon yahankaan arko ama ha ahaado sarkaal (Generalo, korneylo, ganacsato ) waxaan ugu yeeraa halganka in uu qaytiisa ka qaato kuwo badani waxay ogolaadeen in ay usoo dhardhigtaan halganka, makii aan lasocodsiiyo Maxamed CumarCismaan wuxuu yiraahdaa “ halkooday ku fiicanyihiine halkaa haka shaqeeyaan” ujeedadu maxay tahay?. Dhamaan shacabka reer soomaliya ee taageera halganka waxaa loo diiday ama loo tusay halganka mid reer uqaas ah taana waxaa mas’uul ka ah Siyaasada iska hor keenida ah ee Maxamed C. Cismaan.
Hanganka Ogaadeenya wuu ka kulul yahay kii Soomaaliya maxaa yeelay wuu qarni dhaafay, wuu ka qoto dheer yahay siyaasadii ahayd isku jabi lafo adag ee looga soo dhaqmi jiray Soomaaliya maxaa yeelay daacad nimaan u hayn isagaa daaqada kabixi, sharaftiisaa aad usaraysoo waa loo dhintaa, dhibtoodaa ee wadamo kale lagama maamulikaro saa ethiopia ayaa ka mamuli wayday Adisababa. Waa halgan cadaalad ku socdoo marna ma dhic karto 10 sano oo doorasho la’aan ah iyo dabin umaleega shacbiga iyo halgamayaasha dhexdooda. Shacbiga reer oagaadeenya nina umadhisna aqal muraayad ah, haddaadan laseexan buul cawska ama aadan laqaybsan karin dhibkooda waxba kuu tarimayso dabin umaleegooda iyo dilalkoodu mana suurto galinayso danahaaga gaar ka ah Maxamed C. C ismaanow. Aqal ku yaala Eretria kaama celinayo wadka.

Gunaanad: waxaa ila quman.
1. In sida ugu dhaqsaha badan Maxamed C. Cismaan Ugu wareejiyo madaxa ururka Ku/Xigeenka. 1aad Mudane. Maxamed Ismaaciil si doorasho loogu diyaariyo ururka loona helo gudoomiye dhexjooga dadka uu u halgamayo.
2. In sida ugu dhaqsaha badan loosoo taago maxkamad Maxamed C. Cismaan. Dilkii odayadii halbowlaha u ahaa shacbiga iyo halgankaba .
3. In shaqsiyaadka ama ururada kale ee doonaya in ay ka qaybqaataan halganka Ogadenya oof wareenka laga daayo ama lamideeyo.

Qore. Maxamed Kaahin Daahir
Daahir03@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com