Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Gabay Cusub oo ka hadlaya xaaladda Ogaadeenya. WT Cabdi A Wali
Gabay cusub oo kahadlaya dhibaatada haysata shacabka ree ogaadeeniya.
dhamaantii waxa uukusuganyahay iyo siyaasad xumada iyo maamul xumada madax kusheega ONLF ay kuhayaan shacabka reer ogaadeeniya.
akhriso gabaygan si aad ufahanto waxa laga hadlayo.

inaan gabay tirshaa maxamadoow uma gudboonayne
iimana go'nayn inaan markale gaasas soo dumae
gabi oogadaydaa dhamaan gaadhay uumiguye.
geedkii an beereen lahayn goosta midhihiisa.
markuu ubuxu gaasheeyay ee manwada gaadhay
geeriyo wadmooyee markaan goosasho umuhunay.
gudun iyo ragbaa faas watoo goyn diyaar u ahe.

goonyahana dugaag guuxayoo goomanbaa tubane.
garaaciyo waxay sugahayaan gowda oo qudhae.
gabagabada waxa saanabaday waa gadhqaad xuma'e.
golaheena sare iyo kuwaa guusha laga dhawri.
gudoonkii iyo xoghayntii hadhkii geedka lagu doortay.
garashadoodu waa niman qabiil ay ugaartahay.
waa niman wixii gini lahelo geeya meelkala'e.
waa niman nin aan ehel ugalin gaynin meel sare.
waa niman go'aan qaadashadu dhawr ugaartahaye.

waa niman ninkii garashadheer gaar usiinecebe.
waa niman garta iyo dawga neceb goob lajoogaba'e.
gujo iyo ninkay feedh ahayd gabi ciqaabtiisu
waa iyaga kuxidhay geedka ee gawracaa yidhiye.

ragii nacabka kala gaabiyee geed hadh leh udiiday .
gafkii aybadeen baa badhkood gaala raacyahaye.
gidigeen dadkeenana xumaan baa ugooni ahe.

kuwaa gaajo dubatoo aan helin goor waxuu cuna'e.
kuwaa godod dhexjiifoo tukuhu gabas dhabaayaaye.
kuwaa cudurku googooyay oon goob daryeel heline.
kuwaa gumaca tuuroon ogayn gees wax loowada'e.
kuwaa gabi katagay oo ruqsado gaara soodiraye.
kuwana waygandoodaan sidii neef lagawracaye.

waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan kusoogooyay ,
gaalkaa nahaystiyo ninkii googgo nagu raadin
gidigood ciqaab adag alaw guudka kagadaadi
guushana Allahayoo nasii gooman baanahaye.


aamiin aamiin
Email: hayaan@yahoo.com
Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com