Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»General Mohammed Omar Osman(ONLF) oo ku socda Jidkii General Ferdinand Marcos(Philipine)
General Marcos(Dictatorkii Philipine) ayaa xal u arkay in uu ka takhaluso Beningo Aquino oo mucaaradkiisa ahaa dabayaaqadi siddetamaadkii, si uu u sugo sii jiritaanka xukunkiisa. Wuxuu u xilsaaray ciidankiisa khaaska ah in ay dilaan marka uu Manila airport ka soo dego, wayna fuliyeen amarkiisi,maydkii aquino-na waxaa laga qaaday Gegigada dayuuradahaWaxaase dhacay cagsiga wixii uu filayey Marcos, oo kacdoon shacbi oo uusan filaynin ayaa gilgilay dhammaan dalka Philipine.

Xalkii wuxuu noqday dhammaadkii xukunkisa, diyaaradna uu uga raacay Hawaii, halkaas uu ku geeriyooday.Karaamayntii Beningo Aquino, wuxuu shacabkii Philipine uu doortay Corozan Aquino oo afadiisi ahey in ay noqoto madaxweynihii Marcos beddelay. Dr. Mohammed Sirad Dolaal oo ahaa ninkii Khadka soo geliyey Generaalka, una sahlay in uu kala wareego xilka Marxuum Sh. Ibrahim Cabdalla oo si sharaf leh, Dastuurina ah ku wareejiyey xilka. Taas waxay ku timid markii ay ONLF isku jabisay Maamulkii deegaanka soomaalida oo iyada keli u ahaa, ayna rideen Marxuum Madaxweyne Cabdulaahi M. Sacdi. Hase yeeshee markii ay rideen Cabdulahi M. Sacdi,tala farhooda way ka baxday dibna maamulak uguma soo noqonin, waxayna keentay in ay dhammaan hoggaankii ONLF ay duurka galaanHaddaba Generalka markii ay u dhammaatay muddadii xilka, wuxuucodsaday in loo kordhiyo, lagana yeelay. Ugu dambeyntii waxaa caddaatay in uusan dooneynin in uu ka dago xilka, sameeyana wax kasta oo lagu baajinayo shirweynihii ONLF ee lagu doornan jiray maamulka.

Generalka oo Dhowr iyo labaatan sano hoos joogay Madaxwene Maxamed Siyaad Barre ayaa khibrad fiican u leh sida loo dheereysto muddada; Wuxuuna aaminsahay sidiisi ama in uu isagu joogo ama in ayna ka dambeynin ONLF. Waxay markaa noqotay "Jinni ninkii keena ayaa bixiya" ee Dr. Dolaal, adigaa keenay e adaa yaqaanna sida aad u bixin.Waxaa ka dhexeeya loollan xoog leh Gen. Mohamed Omar Osman iyo Dr. Mohammed Sirad Dolaal oo ku saabsan Cidda sharciga ah ee gacanta ku haysa ONLF. Dagaal siyaasadeed oo khadhaadh oo cidiyaha lagu dagaalamay ayaa ka dhexeeyey.

Dalka maraykanka ayey isla tageen oo Dr. Dolaal iyo Ergediisi laga soo dhaweeyey, meesha General Osman iyo ergediisi codsigoodi la kulanka arrimaha dibedda ay Jendya Frazier si dadban saxaafadda u sii marisay Jawaabtooda oo aheyd"Ma suurtoobeyso in ay dad rayad ah layntooda la yidhaahdo Xuquuq baan doonayna" taas oo ay u danlaheyd dadkii shacabka iyo shiinays-kii ay ONLF ku laysay Cobole ayna sheegteen ONLF(Garabka- Generaalka), kuna hadlay afkooda Cabdiraxman Maadey. Waxaa haysta generaalka cadaadis badan oo siyaasadeed, ONLF-na waxay wayday taageero badan intii ay iska horyimaadeen Dr. Dolaal.Isku daygii ugu horreeyey ee General Maxamed Cumar Cusman in uu dil kaga takhaluso Ninka mucaaradkiisa ah ee Dr. Maxamed Siraad dolaal wuxuu ka dhacay Gabagabo oo ka tirsan Gobolka Qorraxey bishii November 2008 ee ina dhaaftay,wuuna fashilmay ee ma ku guuleysan doonaa isku daygiisa labaad? Miyey dhici ragga ku hareereysan in ay sii ag joogi marka ay maqalaan geeridisa. Miyuu gaadhi ujeeddadisa ah in uu sugo xukunkiisa mise middii Marcos ayaa sugeysa oo ah bilawgii dhammaadkiisa gacanta ku haynta ONLF.

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com