Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> Maqaal Details
Ogaysiis
 
    BBC SOMALI
 
 
CODEE / VOTE
Ururka ONLF ma ku saxan yahay inuu diido lakulanka Odoyada?

Maya, wuu ku qaldan yahay
Haa, wuu ku saxan yahay
Kama jawaabi karo


View Results

»Gardaro: Maanso ku saabsan Falastiin. WT Yuusuf X C/hi
Maansadan Gardarro bog oo aan tiriyey si aan ciilkayga ugu qaboojiyo, shucuurtaydana ugu sheego in aan awoodaydii qabtay ayaan ku gargaarayaa dadweyn-aha ku nool dhulka Falastiin Gaza iyo agagaarkee-da. Waxaan ku bilaabau Guulloow Eebbow gargaar. Waa Yuusuf X. Cabdullaahi Xasan (Sheekhulcasri)

Guulloow Eebboow gargaar
Dadkaa waxay galabsadeen iyo
Waxa ay geysteen la garan
Dadkaa la godoonshay ee
Gasiinkii laga hor joogo
Dadkaa lagu goodhi baadhi
Dadkaa loo wada guntaday
Sidii loo gumaadi laa
Guryihii laga wada gubee
Skoolladii lagu garaacay
Guulloow Eebboow Alloow
Waxay ku garaacayaan
Garnayllada miinada ah
Dunidu ay wada griiftay
Yuhuuddu gafkay waddiyo
Gabood falka loo badheedhay
Alloow gaalada hubkooda
Allow gabagaba ka yeel
Alloow gorgorka iyo haaddu
Markii ay guddoonsadeen
Inay diin gaasiraan
Gurada uga soo degaan
Dharaar qudha wada gurtaan
Gibilka adiiga ku daday
Guulloow Eebbow Allo
Aday tal kaa godaa
Aduunbaa gargaari kara
Adaa gacan siin karee
Guulloow Rabbiyoow gargaar
Dadkaa la gumaysto ee
Dhulkoodii lagu gubaayo
Dadkaa la gumaadayee
Gabood falka lagu hayee
Weliba loo goodiyaayo
Dadkaa nacabku u guddoontay
Guryihii taariikhad iyo
Guyaal waxay qabanayeen
Inay gasariir cidla ah iyo
Galgalin madhan uga hoydaan
Gardarro hooy garab ogbaa
Iyadoon geedba isku qarin
Waxay guurtidii u sheegtay
Inay guulaysanayso
Gar waa loo wada islaam
Garaad ruuxii lehee
Ilaahay garanayee
Xumaanta ka gubanayow
Haddaanad wax goyn karay
Gargaar Eebbe uga tuug
Geedkii ooyaa ku yidhi
Guduneey ima gooyn karteen
Haddaan gabalkay gargaar iyo
Ku siinayn gacan sokeeye
Carabi inay geed xun tahay
Gun iyo inay tahay gamboor
Xaqii inay gees mareen
Inuu cadow kala gatooy
Mid walba geed lagu xidhoo
Gunnimo ay guddoonsadeen
Geesiga Hugo chvez ee
Xidhiidhkii ka goostay ee
Gumaadka ka dhiidhiyaaya
Hadday garab siinayaan
Hadday u garaabayaan
Wax uunbaa garwaaqsan laa
Ubadka gabadanadu hayso
Haweenka cidlada ka gaydhan
Dhaawac nolol lagu gubaayo
Dadkii u gargaari laha
Kuwii u garaabi lahaa
Dadkii ka gilgilan lahaa
Galiilyoon lahaa maruun
Malaha garab siin lahaa
Gowskooday ka door bideen
Waxay garab siinayaan
Yuhuudda garaacaysee
Goolkooduba yahay Islaam
Inay wada gowracaan
Guulloow Eebbow Allow
Alloow u gargaar dadkaa
Allow goob kastoo uu joogo
Islaam wuu is garab maroo
Wax baa lagu kala gudboo
Xumaan baa kala gashee
Allow garmaqaatayaal baa
Talada u guddoomiyoo
Gadh wadeenno u noqdee
Allow garab sii Islaamka
Alloow garansii talada
Allow garashadood midee
Allo guushiyo gargaarku
Aday gacantaada iyo
Aday garabkaaga taal.

Print This Article

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 Next >>

 

 

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com