XOL:Wararka aan ka heleyno magaalada London ayaa sheegaya in dhawrka nin ee ugu sareysa kooxda Asmara ay kusugan yihiin magaalada London iyagoo aan ka qaybgalin shirka kooxda uga socda dalka Canada. Maxamed Ismaciil, Maxamed Cumar Cismaan iyo Genaral Cabdullahi Mukhtaar ayaa kusugan magaalada London meesha ay dhamaantood ka baaqdeen shirweyn oo kooxda uga socda dalka Canada.
Masuuliyiinta oo aan shaacinin kulankooda iyo sababta ay uga baaqdeen kulanka ka dhacaya Canada ayaa loo badinayaa iney u yimaadeen dano la xiriira dardar galinta sidii ay taageero uga heli lahaayeen jaaliyaadka Soomaaliyeed. Diirane ayaa isagu noqdey shakhsiga ugu sareeya ee tagay shirkii Canada waxaana loo badinayaa inuu jiro Khilaaf udhaxeeya kooxda oo keeney ineysan tagin shirka Canada.
Dadka siyaasadda kooxda raacraaca oo soo xiganaya ilo ku dhawdhaw ayaa sheegay iney jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in masuuliyiintani ay u yimaaddeen iney jid ubixiyaan dabqaadkii iyo jidkii ay heshiis kula gali lahaayeen dawladda Ethiopia uu baryahan danbe u muuqda mid hawada ka baxay. Wararkan ayaa tibaaxaya iney masuuliyiintani doonayaan iney kulan la yeesheen jaaliyadda Turkiga ee ku nool magaalada London oo lasheegayo iney weydiistaan iney Ethiopia ukala dabqaadaan maaddaama oo dawladdu Turkiga.
Socdaalkan ayaa kusoo aadey xilli wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo kusugan yahay dalka Australiya isagoo shirar kula leh jaaliyadda DDS ee ku dhaqan dalkaas.
Xaaladda siyaasadeed ee kooxda Asmara ayaa ah mid sii libdhaysa oo aan lahayn jid cad oo ay kusii socoto kadib markii jaaliyaadkii DDS ay joojiyeen taageeradii ay siin jireen kooxda.
Xaajo.com