XAAJO.COM

Jabhad cusub oo dagaal doon ah oo Muqdisho looga dhawaaqay

XOL: Qaar ka tirsan warbaahinta Soomaaliyeed ee ka hawlgasha magaalada Muqdisho ayaa lagu daabacay laguna sheegey urur cusub oo lagu sheegey JABHADDA BADBAADINTA SHACBIGA OGADENYA . Qoraalkan oo kusoo baxay Warbaahinta Shabelle Network Media ayaa lagu xusey ujeedooyinka ururkan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa balse waxaa loo badin karaa iney iska tahay mid aan sal iyo raad lahayn ama laga leeyahay ujeeddo kale oo aan wali soo bixin dibse laga ogaandoono.

Ujeedooyinka ururka looga dhawaaqey Xamar ayaa lagu sheegey iney yihiin sidan:

1)    In halganku noqdo mid laga maamulo gudaha dalka , dhamaan xubnaha golaha dhexe , gudiga fulinta iyo hogaaminta ciidanka ayaa noqon doona kuwa jooga gudaha dalka .

2)     In xuquuqdayada aayo ka talinteeda buuxdo ku raadino hab nabadgalyo iyo halgan gobonimodoon ah.

3)    Inaan raadino , baadigoobna u galno cid kasto oo saluugtay ururadii dagaalamay hada ka hor, ama kuwa kale ee hada halgankey wadeen gabaabsiga yahay , kuna soo dhaweeno gacmo furan dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ogaadenya.

4)    Inaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeedba la yeelano dhamaan ururada kale ee la dagaalamaya cadawga.

Inkastoo aan la ogeyn dadka ay yihiin iyo ujeedada dhabta ah ee ururkan is magacaabay balse waxaa la odhan karaa Odhaahdii ahayd ” Timirtii horeba dab loo waa!” Qoraalkan iyo shaacitaanka ururkan ayaa kusoo aadaya xilli kuwii dagaalka doorka mooday ay qaarna heshiis galeen qaarna dantu ku qasabtey iney danahooda kala raacaan.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print