XAAJO.COM

Maxaad ka ogtahay waxii kala diray wadahadalkii?

XOL: Waxaa maalin dhaweyd lagu kala kacay wada hadal iyo dabqaadkii muddo socdey oo udhaxeeyay dawladda Ethiopia iyo garabka Maxamed Cumar Cismaan kaasoo ku dhamaadey guuldaro. Haddaba daafaha caalamka gaar ahaan bulshada daneysa in xal nabad oo waara loo helo gobolkaas oo saameyn weyn ku leh geeska Afrika ayaa aad uga xumaadey inaan lagu guuleysan wadahalkan oo uusan ku dhamaan sidii la qorsheeyey.

Haddaba su aalo badan ayaa nala soo weydiiyey oo kusaabsan arimahan waxaana laga maarmaan noqotey inaan baadhitaan badan ka dib soo bandhigno warbixin dhameystiran oo la xiriirta qaabkii loo wadahadley iyo dalabaadkii labada dhinacba yaallay.

Bilawgii Wadahadalka
Ugu horeyn dawladda Kenya ayaa qayb libaax ka qaadatey in heshiiskan iyo dabqaadkani bilawdo sababo la xiriira xiriirka labada waddan iyo joogitaanka kooxdan ee waddanka Kenya taasoo dawladda Ethiopia aysan ku faraxsanayn. Dawladda Kenya uma dulqaadan kareyso in dalka Ethiopia uu hubeeyo ama taageero jabhad kasoo horjeedda Kenya sidaas darteed dawladda Kenya waxaa ku khasab noqotey siyaasiyan in xal buuxa loo helo kooxdan oo ay joojiyaan dagaalka.

Masuuliyiin Soomaali ah kasoo Kenyan ah ayaa hawshan dhabarka saartey iskuna dayay iney Kooxda Asmara ku qanciyaan iney soo fadhiistaan wadahadal ayna dawlada Ethiopia la heshiiyaan.

Wajityadii Shirka
Muddo badan oo sii socod iyo soo socod ahaa kadib waxaa la isugu yimid wajigii 1aad ee shirka wadahalka waxaana lagu baraarugey warbixino ay labada dhinacba kusoo saareen saxaafadda. Dhanka dawladda Ethiopia waxay sheegeen in wadahal dhacay dhexmaray labada dhinac iyagoo sababta uga dhigey iney kooxda Asmara dalbadeen nabad iyo iney dastuurka Ethiopia aqbalaan.

Dhanka Kooxdan Admiralku iyagu saxaafaddooda waxey ku sheegeen iney wada hadleen oo aysan wax shardi ah ku xirin wada hadalka. Ogoow marka Simon Berekey leeyahay dastuurka ayay qaateen ama ku qanceen iney qaataan, dhanka kale wax diidmo ah ama kasoo horjeeda kama aysan dhihin waxeyna aad ufaafiyeen warkaas ah iney wada hadlayaan aadna ugu faraxsanaayeen.

Dad ku dhawdhaw wadahadalkan ayaa noo sheegey in labada dhinacba ay dhawr arimood isku afgarteen ayna u baahnaayeen wajiga labaad iney sii falanqeeyaan waxaana kamid ahaa

1- In Ethiopia ay ogolaatey in dal saddexaad lagu qabto ayna dawladda 1aad goobjoog ka ahaato.

2- In Kooxda Asmara ay heli doonto xilal ay ka hesho dawladda dhexe iyagoo dalbadey ama inshaaray in madaxweynaha Deegaanka Cabdi Maxamuud iyo Ciidamada Liyuu Booliskaba wax laga baddalo.

3- In Kooxda Asmara loo ogolaado dib udajin iyo in maxaabiista magaca siyaasadda u xidhan loo sii daayo.

Haddaba iyadoo wajigii 1aad lagu tala galay sidaas loona balansanaa wajiga danbe ayaa waxaa kusoo biiray qaybtan danbe laba qaybood.

Dhanka Ethiopia waxaa kusoo biiray xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo dastuuriyan ku dooddey in waxaysan ogeyn aan heshiis laga gali karin sidaas darteed waxey xukuumadda DDS ku soo darsatey wadahadalka masuul ka tirsan maamulka oo ah Mawliid Haayir horeyna u ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Jijiga(Faafan).

Dhanka Kooxdana waxaa kusoo biiray culeys kaga yimid dhanka dawladda Caasmaraoo aad uga xumaatey in tabacoodii ku dhamaado dastuurka Ethiopia waxeyna talo ku bixiyeen iney heshiiskaan ka laabtaan iyagoo cuskanaya ineysan Dastuurka Ethiopia ogolaaneynin.

Haddaba arimaha iska soo horjeeda ee ubaahan in dadku ogaadaan ee beenta laga sheegayo waxaa kamid ah.

1- Xilal iyo xaquuqna baan rabnaa dastuurka Ethiopiyana ma ogoli

2- Dawladda Deegaanka Soomaalida iyo ciidamada Liyuu Booliska meesha halaga qaado, Dastuurka Ethiopiana ma ogoli

3- Ethiopia ha ila hadasho hana ii ogolaato xaquuq, dastuurkana ma ogoli.

Markii shirkii wajigii 2aad la isugu yimid ayaa waxaa dhacdey in qolo waliba lasoo baxday Kaarkii ugu danbeeyey. Ugu horeyn Mawliid Haayir markii la arkeyba waxey noqotey in dib la isku eegey oo la yidhi ” Warwaa nimankii aan la dagaashaneyn” iyaguna markaas ayay lasoo baxeen kaarkii ahaa Dastuurka ma ogolin. Halkaasna ayaana sheeko ku burburtey haddii la isku soo noqdana waa miduun; In Dastuurka Ethiopia lagu wada hadlo haddii kale waa lakala maqnaan.

Ugu danbayn waa hubaal in dalku u baahan yahay xal waara oo xabbad la aana waxaana hubaal ah inuu waqti badan ka sii lumayo kana lumay wiilal badan oo noloshooda maareyn lahaa dadkoodana anfici lahaa. Waa hubaal in raggan heshiiska diidey midkoodna ilmo kiis ah iyo wiilkiisa uusan meeshaas ku dhimanaynin ama uusan dagaal kaga jirin. Haddaba taladu ayay la jirtaa?

Taladu waxey la taallaa waa marka hore dadka uu xanuunkani taabanayo xilli xaalka geeska Afrika yahay mid ka baddalan sidii hore. Marka labaadna waxey talo utaallaa waxgaradka iyo aqoonyahanka daawanaya muddo badan in dalka iyo dadku aysan u dabranaanin shan ruux oo hees iyo wareeg mooyee aan caqli kale haynin. Dalka iyo dadku waxey u baahan yihiin dib udhis iyo hormar.  Eegga uma baahna qalalaaso iyo qaylo beeen ah.

Waxaan kusoo xdhaynaa Kolley sheekadani waa gabaabsi oo iskeed ayay udhamaane, intey goori goor tahay ninwalbawba Garaadkaa!

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print