XAAJO.COM

Maxamed Cumar Cismaan oo ka hadley dagaalada aagga Gaashaamo

XOL:Waxaa markii ugu horeysey ka hadley dagaalada ka socda aagga Gaashaamo guddoomiyaha Kooxda Asmara Admiral Maxamed Cumar Cismaan kaasoo uu ku weeraray kuna eedeeyey xukumadda Deegaanka Soomaalida iyo ciidamada Liyuu Booliska isagoo fursaddan uga faaiideystey.

Guddoomiyaha Kooxda Asmara ayaa eedda dusha ka saarey ciidamada Liyuu Booliska isagoo ku doodey iney ciidamadani wadaan xasuuq ka dhan ah dadka daga aagga Gaashaamo iyadoo dhankalena muddo aan fogeyn ciidamo ka amarqaata Admiralka oo ka tirsan kooxda Asmara ay dad ku laayeen isla aaggaas.

Illaa iyo hadda ma jirto cid u hadashey xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo faahfaahin ka bixisey dagaalada kasocda aaggaas iyadoo waxgaradka deegaanku ay ku baaqayaan in la joojiyo lana soo afjaro dagaaladaas.

Xukuumadda DDS ayaa aaminsan iney dagaaladani ka jiraan gudaha deegaanka ay maamusho ayna tahay in xalinteeda iyaga loo danbeeyo oo aan arimahan la siyaasadeyn meesha dhanka Somaliland looga arko iney xukuumadda Deegaanka Soomaalidu si gaar ah ula dagaaleyso beel kamid ah beelaha daga xadka.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa codsi dheer u diray xukuumadda Federalku iney soo faragaliso arinkan meesha Admiral Maxamed Cusmaan oo isagu leeyahay Ethiopia halala dagaalamo .

 

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print