XOL: Alle haunaxariistee Cabdiqaaddir Xiis Cabdullaahi oo da’diisa lagu qiyaasay 25l jir ayaa caawa lagu dilay duleedka magaalada Capetown ee gobolka Westerncape ee dalka koonfurAfrika.
Dilka marxuumka ayaa ka dambeeysay kaddib markii ay dukaankii uu ka shaqeynayay ay soo weerareen tuugo madaw oo South African ah isla markaasina ay qaateen wax alaale waxii yaallay ee lacag ahaa. Marxuumka ayaa kasoo jeeday Deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Qoraxey, magaalada Qabridahare ee xarunta gobolkaasi.
Dilka marxuumka ayaa kusoo beegmaya maalin uun ka hor markii lagu diley isla gobolkaasi saddex ruux oo soomaali ah, kuwaasi oo u dhashay dalka Soomaaliya. Dalkani koonfur Afrika ayaa noqday dal lagu laayo dadka soomaalida ah mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay xaga dowladda dalkani oo kusaabasan dilalka noocan ah iyo sidii looga hortagi lahaa ama lagu yareyn lahaa. Allaah haunaxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan hakasiiyo aamiin,aamiin,aamiin.
Calijawhar.
Xaajo.com