XOL: Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya caasimadda dalka malaawi ee Lilange, waxaa xerro qaxooti oo u jirta caasimadda 100km ku geeriyooday alle ha unaxariistee Xaddiis Cali Axmed Iinacali dheere ) oo ahaa muwaadin kasoo jeeda gobolka Godey gaar ahaan magaaladda Dhanaan.
Geerida marxuumka ayaa lagu sheegay inay laxidhiidho cudurka Malaariyada oo hayay in muddo ah ba. Marxuumku waxuu ka mid ahaa muwaadiniin deegaanka u dhalatay oo kusoo wajahnaa dalkani koonfur Afrika isla marakaasina muddo ku xidhnaa jeel ku yaalla waddanka Malaawi.
Marxuumka ayaa lagu aasey isla magaaladii uu ku dhintey.Jaaliyadda Deegaanka guud ahaan gaar ahaana kuwa magaalada Dhanaan kasoo jeeda ayaa waxey tacsi u dirayaan qoyskii uu ka baxay marxuumkaasi waxeyna illaahay uga baryayaan inuu janadii geeyo.
Ali jawhar, South Afrika
Xaajo.com