Ciidanka Ethiopia oo dad shacab ah oo badan ku laayey gobolka Nogbeed. @ 29 June 2006 07:04 AM
XOL:Wararka naga soo gaadhaya gobolka NOgbeed ee deegaanka Somaligalbed ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo mushaaxaya deegaanka Nogbeed ay todobaad yadii lasoo dhaafey gumaadeen dad shacab oo badan oo aan illaa iyo hadda tiradooda laheynin taasoo micnaheedu noqonayo uun lama canaantaan baa caanihii daadiyey wax kahadli karaana jirin.

Falalkan dilka ah oo ay ciidamadu labeegsadeen dad shacab oo xoolo dhaqata ah ayaa waxey ka dhaceen goobaha kala ah Cusbaleeyaha, Xidhamroodiile, Waranle iyo Ceelweyne oo dhamaantood ku yaallla dhul ay ah oo wax baabuur ah ysan galin isla markaana ay adagtahay in wax tafaasiil ah laga helo inta dhibku yahey iyo sida ay ciidamadu wax u geysteen.

Ciidamada dawladda oo mushaaxaya baadiyaha dhulkaas ayaa ku dhaqaaqa ficil kasta oo ay doonaan iyagoo aan ka cabsaneynin in dib loo weydiin doono waxey sameeyaan. Dadka shacabbka ee la laayeye ee ay ciidamadu laayaan ayaa loogu marmarsaadaa iney taageeraan ururada macaaradka ah.

ISku soo duuboo, ma ah dil kaliya dhibka ay ciidamada dawladdu ku hayaan shacabka Ogadenya waxey sidoo kale mararka qaar qaataan waxii hanti ah ee ay kahelaan meelaha baadiyaha ay mushaaxayaan. Umadda Ogadenya miyi iyo magaalaba gobol waxaa ka dhaca falal uusan shacabku raali ka ahayn cid aan illaay aheyn oo umaqanna ma jirto.

Xaajo.com
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com