Raga la dhiibayo rag baa u maqan WQ C M Dhagax @ 21 January 2007 12:02 PM
Waxaa jiray markii aay Maxkamaduhu dalka nabad ka dhigeen in dad badan
oo Soomaaliyeed oo dibadaha ku dhaqan aay dalkii dib ugu laabteen
ayagoo u bogay kana faa’iideeysanayo nabada dalkii ka dilaacday.

Hadaba markii Maxkamadaha meesha laga saaray waxaa dhacday in dadka
qaarkiis eey u carareen Kenya si halkaa aay uga ambabaxaan uguna laabtaan halkii markii hore aay ka yimaadeen.

Intii aan weerarka lagu qaadin Maxkamadaha maraykanka, amxaarada iyo
daba dhilifkoodu waxey faafiyeen warar been abuur ah oo ah in 8000 oo
ajnabi ah iyo 2000 eratareeyaan ah aay ka barbar dagaalamayaan ciidamada Maxkamadaha.

Hadaba markii ciidamada gumeeysiga itoobiya aay qabsadeen dalka intiisa
badan, waxaa la waayay beentii aay buunbuuninayeen oo ahayd in ajaanib
la dagaalamaysay.

Mujrimiintu waxay isla garteen in been abuur la sameeyo oo dad aan
waxba galabsan la qabqabto laguna sheego in aay yihiin xoogagii shisheeye
ee Soomaaliya ka dagaalamayay. Is la markiiba C/llaahi yuusuf wuxuu u
baryo tagay Kenya, Mombasa kula kulmay hogaamiyaha wadankaas una jilba jabsaday in dadka soo galayo Kenya wax un dib soomaaliya lagu soo celiyo si loogu tilmaamo in aay yihiin kuwii la baadi goobayay.

Hadaba shalay ayey Kenya dib ugu celisay Soomaaliya dad ilaa iyo dhowr
iyo sodon ah, dadkaa waxa ku jira dad u dhashay Soomaalida Ogaadeenya
laguna tilmaamay in aay ka tirsan yihiin Jabhada Xoreeynta Wadaniga
Ogaadeenya « JWXO » lana rabo in laga iibiyo tikreega.

Taariikhdu waa ma guuraan dadkan loo gacan gelinayo cadawgooda ma ahan looma ooyaan oo dad iyo dalba weey leeyihiin, arintan oo kale horay
ayaa waxaa ugu kacay kuwa sheegta in aay maamulaan W/Galbeed Soomaaliya cashar adag markii loo dhigay ka dib weey ka waantoobeen.

Arintani waxay tusaale u tahay cid kasta oo is ku dayda in aay dhibaatayso ummadda reer Ogaadeenya iyaga oo is ku dayaya in aay ka faa’iideestaan waqtiga adag ee la marayo.

Raga ragan dhiibayoow berito adinka ayaa u maqan, hadii ragaasi cadowgooda loo gacan geliyo oo la dhibaateeyo waxaad ogaataan « Adhi laaye Adhi la laayo ayuu leeyahay » .U ooyi meeynee waan u aaraynaa.

Cali Maxamed Dhagax

Dhaga01@hotmail.com
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com