Walaaca Zenaawi iyo Wayraxa ree Muqdisho. WQ Al-Haji @ 24 March 2007 09:06 PM
Tan iyo maalinkii ay jamhuuriyaddii Somaliya qaadatey xornimadii 1960kii dawladihii Ethiopia ee kala horeeyey waxey ka mideysnaayeen iney dabin u qoolaan shacabka Somaliyed kuwa Ogadenya iyo kuwa Jamhuuriyadda Somaliyedba. Waxey taariikhdu soo gadgadoontaba maanta waxey Zenaawi u mareysaa meel aan horey loo saadaalin oo aan aad looga fiirsan. Qormadan waxaan ku eegi doonaa xaaladaha kasoo cusboonaadey Muqdisho iyo walbahaarka Zenaawi.

Tan iyo dabayaaqadii bishii Dec 2006 ee ay ciidamo gaadhaya 60,000 oo aad uqalabeysan ay waddanka Somaliya galeen dagaalo badanna ay la galeen ciidamadii Maxaakiimta Somaliyed waxaa Zenaawi marwalba usii iftiimayay rajo ah inuu wali ku taaganyahey guul. Ciidamada Ethiopia ee ku dhinta meelaga kala duwan ee gudaha Somaliya ayaa waxay yihiin kuwa looma ooyaan ah maaddaama Tigreegu yihiin qabiilka ugu yar Ethiopia waxuu Zenaawi ku reyn lahaa in Ethiopia oo dhan ay iyaga la ekaadaan. Ciidamada ugu badan ee jooga gudaha Somaliya waa Oromo iyo qawmiyadaha kale ee kuma jiraan wax Tigree ah.

Haddaba xaaladda Xamar ee maalmahan sawirka kale yeelatay ayaa Zenaawi ku keentey inuu walbahaaro isagoon aad ugaran karin natiijada kasoo bixi karta taasoo haddii wax is baddalaan oo ciidamadiisu jabaan kuna guuldareystaan iney si xoog ah hubka ku dhigaan ay tahey maalintii ugu danbeysey xukunkiisa.

Haddaba maanta waxaa lagu kala kacay kulankiii ugu danbeeyey ee odayada beesha Hawiye iyo Saraakiisha Tigreega u dhaxeeyey iyadoo ciidamada Tigreegu ay go aansadeen una sheegeen iney xoog isticmaali doonaan ayna gali doonaan guri walba oo ay ka shakiyaan.

Beesha Hawiye oo Xamar dagan ayaa iyagu arinkan aad uga soo horjeeda isla markaana go aansadey iney iska difaacayaan ciidamada Tigreega iyagoo ku eedeeyey iney ka hiilinayaan beesha iyagoo garab siinaya Cabdullahi Yusuf oo sida beeshani sheegtey raba inuu beesha ka aargoosto isla markaana uu xasuuqo.

Haddaba xaaladda Muqdisho maalmaha soo socda waxey noqon doontaa saddex xaaladood midkood.
Midda hore in ciidamada Tigreega iyo kuwa dawladdu ay si xoog ah wax ku maquuniyaan ciidanbadanna ka dhinto balse ay isku balaadhiyaan dhamaan meelaha ay rabaan iney tagaan taasoo shacab badanna ku waxyeeloobi doonaan. Tani waxey sii kordhineysaa nacaybka Somalidu u qabto Cabdullahi Yusuf iyo ciidamada Tigreega waxaana marwalba socon doona qaraxyo afduub iyo dilal magacyo badan..Marwalba oo ayciidamada Tigreegu ka baxaannna waxaa jiri doona dhaqdhaqaaqyo badan oo ka dhan ah dawladda isla markaana dhibaatooyin badan geysta.

Midda labaad. Waa in dagaalku dabo dheeraado dad badanna ay dhintaan. Kolba dhinac la isku caydhsado maxaabiis badanna lakala hantiyo. Muqdishona laga qaxo oo ay noqoto bahallo galeen iyo meel laga guuro. Middaasna uma wanaagsana Tigree iyo Cabdullahi Yusuf.

Midda ugu daran ee saddexaad waxey tahey in sutida loo qabto ciidamada Tigreega ee mooraalkoodu liito aqoonna aan u laheyn magaalada iyo luuqaqeeda. Waxaa dhici karta in maxaabiis badan iyo gaadiid laga qabsado ciidamada Tigreega isla markaana gaadiid laga furto iyo waliba xeryo badan. taasoo markaaba ku fidi karta magaalada oo dhan iyo waliba wadanka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, todobaadyada soo aaddan ayaa dhafoorka Zenaawi iyo midka Muslimiinta Somaliyed lakala eegi doonaa iyadoon aan laga fursan doonin in labada dhinac ay isfara saaraan. Illaaheyga Raxmaanka ahna Muslimiinta ha u gargaaro.

Alhaji.
ogadenya@hotmail.com
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com