Faallo: Haddaad ku wareertey meesha ONLF usocoto iyo waxey isku hayaan! Oohintu Orgiga ka weyn! @ 22 August 2007 10:20 AM
XOL: Haddii ujeedadu tahay, xornimo raadis, maxa hadafkii xaquuq kusoo xidhey. Haddey dantu aheyd dagaal iyo halgan maxaa keeney is qabqabsi iyo kursi jaceylka. Haddii hawshu aheyd Mintid iyo isku tashi, nin jecleyisgu maxuu yahey, maxaase ONLF ula heshiisay Oramada iyo Axmaarada isla markaana ururka Somalida ah ay askartooda ugu gumaadaa gudaha Ogadenya markey fursad ka helaan.?
Waxaa hubaal ah inaad muddooyin badan su aalahan isweydiisey lagana yaabo inaad iskaa uga jawaabtey ama aad isku qancisey waa khalad yar oo halganku leeyahay waana laga bixi. Haddii kalena waxaa laga yaabaa inaad adigu aaminsantahey in hawshu sidan sax ku tahay. Haddaba anigoo in badan hawlahan kusoo jirey qoraalo badanna ka sameeyey siyaasadda deegaanka iyo tan ONLF waxaan maanta iftiimineyaa meesha ay ONLF u bukto iyo sababaha dhaliyey in wax walba bil caksi u shaqeeyo.
Hadaad ogeyd ONLF waxey duurka u joogtaa iney Ogadenya xornimo gaadhsiiso oo ay calan ay leedahay u sudho, waxaan kuu sheegyaa inaad dib u fikirto. Inkastoo sanado kadib aad ogaan doonto arintan runteeda, haddana waxaa hubaal ah in ONLF ay iyaduna ogtahey iney doonayaan xaquuq inkastoo dadka loo sheego in hawshu ka gudo weyntahey Xaquuq.
ONLF waxey rabto waa in Ethiopia ogolaato wada hadal, isla markaana wada hadalkaas lagu qabto meel ka baxsan Ethiopia, isla markaana ay goob joog ahaadaan dawlado kale. Waxaan akhristaha udaynayaa inuu isagu ka jawaabo ama ka faaloodo saddexdaas qodob ee ONLF u dagaalameyso.
Ururka ONLF ma soo marin xilli ay ka xoog badan yihiin taariikhdooda, waxaase hubaal ah inay jiraan rag badan oo Tigreega la shaqeynaya isla markaana ku sugan gudaha iyo dibaddaba si loo hubiyo in hawshu kusoo dhamaato xaquuq raadis iyo heshiis dhexmara labada dhinac.
Markaad sii dhugato waxyaabaha dhacaya ayaad amakaagi. Tusaale ahaan waxaa dhacdey in madaxda ONLF ay galeen gudaha Ogadenya sanadkii lasoo dhaafey isla markaana ay cajalado badan kasoo duubeen gudaha Ogadenya. Cajaladahaas waxaa lasheegey inay daaawadaan uun xubnaha ururka. Cajaladahaas waxaa ku duuban wareysiyo ay ka qaadayaan reer baadiyaha geel jiraha haween iyo ragba iyagoo waydiinya iney ururka taageeraan iyo inkale iyao sida shacabku yoolaha u siiyaan ONLF. Caqligoodu ma siin in dadkaas wajigooda la qariyo iyo meelaha ay tagayaan magacyadooda.
Waxaan hubaa in cajaladaahi markiiba ay gaadheen ciidamada Tigreega loona gudbiyey taasoo keentey sanadkan in Tigreegu ay qaadaan gumaadkii ugu xumaa taariikhda iyo gubitaanka dhamaan tuulooyinkii laga soo dhaweeyay ONLF ama geelashii lo maleeyey iney ahaayeen kuwuu cajaladaha ka muuqdey. Sidaan ognahey geelashu sumad ayay leeyihiin Cajaladahana way ka muuqdaan. Dadkaas ayaa laayay. Tani micnaheedu ma ahan in Tigreegu ay daynayaan dadka kale balse waxey tahey anigoo walba kuu marmarsoonayay ayaad haddana waxan sameysey.
ONLF waxey Tigreega ku caawisey in dadka ree baadiyaha la gumaado sababihii awalba lagu laynayay. Caqliga saliimka ahi waxuu na farayaa in keydkaaga aadan cadawgaada barin ama tusin. Laakiin waan kula dagaalamayaa Keydkeyga iyo cidda wax isiisana waa kuwan, Maxaad u aragtaa?
Aniga imaqal, aniga la igama qaadi karo, iyo anna waa ikan, halganku ma ahan. Baryahan danbe waxaa ONLF kadhexsocota riwaayad aan laga sheekeyn karin middaasoo Tigreega iyo Zenaawi dan u ah, balse agoontii iyo raggii naftooda ku waayey halgankan lid ku ah. Waxaad arkeysaa in raggii ONLF meel ay ka gasho ay wedey haddana safka hore ka galaya. Waxaad mooddaa in muunadii iyo labeentii gabaabsidey sidaas darteed aysan jirin farqi weyn oo udhaxeeya jabhad iyo ku mucaarad.
Su aasha kale waxey tahey, waa maxey anigu aniga aniga. Meesha ma nacfi baa yaalla mise dhib iyo rafaad iyo dagaal. Maxaa keeney aniga iyo adiga ama innaga. Halkaas waxaa ka cad in hawluhu ay intaas ka gudo weynyihiin oo hawshu barbar cawro tahey. Dadka xilalka isku hayaayi miyeysan dareensaneyn in wiilal yaryari ay jiidda hore joogaan oo hooyooyin iyo aabayaal dhaleen. Waxey ahed in dantu ka weyntahey dhawrka nin ee sare mar haddii hawshu halgan iyo jidheer tahey. Balse nasiib darro waxaa muuqda ama aniga ama halagu kala tago.
Ama taageero ahaw ama kasoo horjeed ONLF balse haddii aad Somali tahay ama u dhalatey Ogadenya, waxaad isweydiisaa, caqliga odhanaya in ONLF ay heshiis la saxiixato ururada Axmaarada iyo Ormada oo aan iyagu wax dagaal ah oo hubeysan oo muuqda wadin, isla markaana iney gumaadaan ururka MJXSG oo ay is yaqaanaan waqti dheerna kasoo wada dagaalayeen gudaha.
Caqligaasi ma ahan mid Islaam ama mid Somaliyeed iyo mid siaasadeed. Tusaale ahaan dhacadadii ugu danbeysay ee ONLF ku dishey wiilka xaafidka ah gobolka Dhagaxbuur see loo arki karayaa. Haddii aad maqashay dilkaas, ogoow inuusan aheyn mid Kama ah ee uu ahaa mid ula kac ah. Wiilka oo kaligiis ah ayaa laga soo horbaxay, markii la warsadey oo uu sheegey inuu ururkaas yaheyna shan xabbo ayaa lagu dhuftey. Bal adigu micnee!
Haba dhacdee miyaad ONLF ka maqashay wax hadal ama Qoraal ah oo la xidhiidha dhacdadaas iyo kuwo hore oo la nooc ahaa. Haddana ha sugin maqli mayside, waayo waa go aan sare oo la isku ogyahay.
Waxaa kale oo iyana aan hagaagsaneyn in ONLF aysan waligeed sheegin ama magacaabin dagaalada ururkaasi galo iyagoo buunbuuniya kuwo aan naflaheyn oo ay Oromo ama Axmaaro ay qaaddo oo meelo aan deegaankaba aheyn ka dhaca. Toloow ma dhalashadey eedeen, mise booskey ku cidhiidhyeen. Haddiise ay hawli aheyd in Tigree lagumaado, sow cadawgaaga cadawgiisu ma ahan saaxiibkaa xitaa haddiiba diinta iyo dhalashada laga tago.!
Warkii oo kooban ONLF hadafkeedu waa heshiis iyo helidda xaquuq, si taas loo helana waxaa hadda lagama maarmaan u ah in ururka laga sifeeyo dad laga yaabo iney diidaan in ururku xaroowdo oo maamulka Kililka la wareego.
Ugu danbeyntii hadda waxey mareysaa, Tafaraaruq iyo Kala Tashi.
Al-Haji
ogadenya@hotmail.com
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com