Garnaqsi:ONLF digniin hoo, dadkeygowna dacwadan dhageyso. @ 25 August 2007 06:38 PM
Onlf digniin hoo, dadkeygowna dacwadan dhageyso !!
Horudhac
Qoraalkan kooban waxaan uga golleyahay inaan kusoo bandhigo dhawr meelood oo dadku arkeen inay ONLF dawgii halganka kaga weecatay, anigoo jecel in ummadda gobolka soomaali-galbeed kasoo jeedana ay noqdaan xeer-beegta iyo guurtida kago’aan gaadhikarta arrimahaas oo dhan.
Saddexdaas arrimood ayaa kala ah xadgudub siyaasadeed, mid bulsho iyo mid istiraatiijiyo halgan. Dhamaan qodobadaas waxaan u arkay inay yihiin kuwo u baahan in xilligan si degdeg ah oo cilmiyaysan wax looga qabto. Waa arrimood sii jiitankooda ay kadhalankarto cidhib-xumo dambe oo dhaqan, bulsho iyo siyaasadeedba.
Tan iyo kolkii gumeysigu soo cago-dhigay dhulka soomaali-galbeed waxay ummadda dhulkaas degani kala hortageen diidmo tabo badan lagu muujiyay. Waxaa diidmooyinkaas kamid ahaa in dagaal hubeysan lagala horyimaado gumeysiga, inay ummadda dhulkaasi diidaan inay is dhexdagaan iyaga iyo maatada gumeysigu, inay takooraan dhinacyo badan una diidaan inay layeeshaan xidhiidh ganacsi, dhaqan-dhaqaale iyo bulshaba.
Halgamadii iyo kacdoonadii lagala hortagay gumeysiga waxaa saldhig u ahaa in ummaddani katashato aayaheeda xorna u noqoto talada dhulkeeda iyo diinteedaba. Kacdoonadaasi waxaa kale oo ay lahaayeen hoose-yare ay wadaageen oo ahaa in midkii kolkaa cusub ee dardartiisa qababa uu qoriga dogobka ah saarto dhinbisha halgan ee kolkaa kasii bidhiiqaysa kii isaga kahoreeyay.
Waxuu halganka ummaddaasi soo hibitiqleeyaba waxaa lasoo gaadhay xilli ay goobta soo galaan laba urur-halgameed oo kasoo jeeda dhulka soomaali-galbeed. Labadaas urur waxay kala yihiin Midowga jabhadda xoreynta soomaali galbeed (MJXSG) iyo Jabhadda wadaniga xoreynta ogaadeenya (JWXO). Labadaas urur waxay leeyihiin (sida aan rajeynayo!) hal ujeedo, waxayse kukala duwanyihiin dhabaha loo marayo yoolka lawada hiigsanayo.
Bilowgii halganka hubaysan iyo heerarkiisii
Bilowgii sagaashameedyadii ayay ahayd kolkii ugu horeysay ee ay labada urur-halgameed xabad kala horyimaadaan gumeysiga wayaanaha. Taagta iyo cududdda labada urur ayaa kala duwanaa heerarka ay soo mareen. Waxaa la odhankaraa bilowgii halgankooda waxaa awood iyo car-car lasoo baxay MJXSG iyagoo xabad kuleylkooda laga dareemay saldhigyada wayaanaha iyo geeska afrika oo dhan. Halganka ururkaasi waxaa soo foodsaaray culeys siyaasadeed oo caalami ah kaas oo kadhashay waxa maanta loogu yeedho ladagaalanka argagixisada. Ururka ayaa qaatay inuu ummaddiisa u tudho, iskuna dayo inuu galo hogasho iyo yareyn dhaqdhaqaaqooda. Taasi waxay u golo-baneysay JWXO waxayna bilawday jabhaddaasi inay dhaqdhaqaaq muuqda kasameyso dhulka soomaali-galbeed.
JWXO ayaa isku dayday inay laba meeloodba dagaal si isku mid ah ugu qaado. Waa meesha horee waxay dagaal ku qaaday gumeysiga wayaanada, halka ay mid lamid ah kaas kaga qaaday ururka MJXSG. Waxay geysatay gacan kahadalo dhawr ah oo uu ugu dambeeyay midkii ay ku dileen mujaahid Axmed Deeq Geedi oo ay si ulakac ah ugu dileen aagga Awaare. Dilalkaas ayaa ahaa kuwo qorsheysan, si ogaal ahna jabhadda JWXO ay ufulisay. Waxaa hadaba isweydiin mudan haddii lagartay in jabhaddaasi loo abuuray sida laleeyahay inay ladagaalanto gumeysi haysta dhul iyo dad, maxaa keenay inay noqoto reeryadeed-cunto kusoo gurya noqota dadkeedii iyo raggii kale ee halganka dhinaca kale kaga jiray? Su’aashaas jawaabteedu uma baahna in laga baadho qaamuus kale. Waxaa haboon in la eego isbadalka siyaasad iyo dhaqdhaqaaq ee kuyimid jabhaddaas xilliyadii lasoo dhaafay.
Isbadalada siyaasadeed ee soo maray jabhadda ayaa waxaa kamid ah lasaanqaadka siyaasadda marin-habowsan ee lagu magacaabo la dagaalanka argagixisada iyo sida hagabsiga leh ee halgankii jabhaddaas oo dhan loogu dacay xidhay siyaasadaas qar iskatuurka ah. Si hadaba loo helo jawaabta iyo meesha arrini kacayn-wareegatay waxaan soo qaadanayaa siyaasad kamid ah siyaasadaha looxa loogusoo xardhay jabhadda si ay kolkaa uga fuliso dhulka iyo dadka ay isleedahay waan u halgamayaa.
Siyaasadda sifeynta ee dibedda laga keenay
Maamulka JWXO ayaa lasoo baxay tan iyo kolkii uu maamulkeeda qabtay Maxamed Cumar Cismaan xeelado kala duwan oo loogasoo yeedhiyay wadan shisheeye. Qawaaciddaas waxaa ugu horeeyay ayna siday ahayd u fulisay labadana arrimood ee kala ah:
dilka gaadmada ah ee kawaadirta iyo mujaahidiinta MJXSG &
dilalka iyo gacanta adag ee dhawaanahan loo geysto shacabka soomaali-galbeed.
Dhinaca kale sida ay tilmaamayaan ilo xogogaal ah waxay JWXO sameysay xafiis lamagac baxay xafiiska ladagaalanka argagixisada, kaas oo naqshadda lagu sameeyay iyo dadka sameeyayba ay lamid ahayd kuwii ay aasaaseen dagaal oogayaashii magaalada muqdisho. Sidaa awgeed waxaa soo baxday in dilka mujaahidiinta soomaali-galbeed uga diiwaan gashanyahay xafiiskaas sidii inay dileen nin argagixiso ah. Dhinaca kale waxay jabhaddu si aan loo miidaandeyin gacan adag saartay shacabka ay kasoo jeedo, shacabkaas oo noqday “hashii ninka gurran dheelmay”, shacabkaas oo maanta la,a ama waayay meel uu u ciirsado.
Intaas oo xadgudub ah kolkii aan arkay waxaan isweydiinta calaamadeeda saaray hadafka iyo ujeedada maanta ee JWXO. Waxaa wax lala yaabo ah caqli kasta oo fayowna uu diidayaa in nin walaalkaa ah oo sidaada oo kale kasoo cararay gumeysi una hilay-qaatay sidii uu isaga qaadilahaa heeryada nacabka aad wareento adigoo fulinaya siyaasad nin labadiinaba nacab idiin ah. Intaas waxaa dheer xishood-xumada iyo deel-qaafka aan lahayn siyaasad badhi-gantaasha taas oo aan anigu odhankaro waxay lamid tahay sidii macllinkii dhoodaan ahaa yidhi “shuqul-xumada hoosey kaga dareen shiiximahayaane”.
Dhinaca kale waxaan isweydiiyaa caqliga habowsan iyo ismoodsiiska ay jabhadaasi kusugantahay, kaas oo ah in ragga ay laynayaan uu la,ayahay wax kadhiciya ama u aara. Taas waxaan kaleeyahay “balaayo waa tii reer u weynaata” oo ah in ururka MJXSG uu maanta taaganyahay xaaladaas oo kale, waxaanse aad uga baqi in maalin maalmaha kamid ahi timaado “waayeel xanuunsaday xil ma garto” kolkaasna dubaha kubaraaqsada JWXO ay lasirirto.
Hadaba waxaan ugu holaday qormadan inaan dacwo gaadhsiiyo ummaddayda soomaali-galbeed, oo ay ugu horeeyaan odayaashayada, culimadayada, aqoonyahankayaga, dumarkayaga iyo dhallintayadaba, una sheego waxa ay wado JWXO wax maanta loo haynin wax lagu tilmaamo oo aan ahayn inay fulinayso siyaasad aysan ogeyn halka ay kufuri. Waxaan leeyahay siyaasadaas waxaa qaatay unaga talada jabhaddaas haya, halka wiilasha gudaha kujira ee ay majara-habaabiyeena ay fuliyaan siyaasadaas.
Dhinaca kale waxaan digniin adag usoo jeedinayaa inta siyaasadaas guracan soo qaadatay iyo inta fulinaysaba. Kuwa siyaasadda kasoo qaaday wadan aan danta soomaali-galbeed doonaynin waxaan leeyahay waad mala habowdeene, xalku waxaa uu kujiraa adigoo garabsada kadhalashada iyo xoreynta wadanka kula wadaaga ee kugu raacsan in gumeysiga dhulka laga xoreeyo. Nin xumaan magawsaday madhaxdeeduu maalaaye, mindidood xaluulisaa mawaadinkaagana magac kugaadhimaysid.
Dhallinyarada qoriga wadata ee loogu farfiiqayo walaalahoodna waxaan leeyahay garo walaalkaa gacal kadhigo, gumaad aad u geysataa geesiyadaadana guul kusoo hoyinmaysid, aakharana gunnimo iyo cadaabaa golaha kuu taalla, ee garwaaqso gafkaad maanta gashay, geeri horraanteed.
Isbahaysiga Axmaarada iyo Oromada
Arrinta labaad ee maanta mudan in si fiiro-dheer looga gaadho xal iyo turxaanbixin waa xidhiidhka JWXO layeelatay ururada axmaarada iyo oromada. Soomaalidu waxay tidhaah “Haani guntay katolontaa” waxaan arrintaas ulajeedaa kol haddii halgan ummadi gasho waxa inta badan ceeb ahayn inay sameysmaan ama halganka dadka wadaa yeeshaan wejiyo kala duwan oo ay halgankaas u wadaan, waxaase ceeb iyo siyaasad xumo ah kolka laamaha halganku kuguuldareystaan inay mideeyaan ama gaadhaan isafgarad guud oo ay si wadajir ah ugu galaan halganka. Intaas waxaa kasii ceeb iyo dadnimo-xunimo badan kolka urur kamid ah (JWXO) kuwaas halganka kujiray uu raggii dhalasho iyo ujeedo wadaageenna (MJXSG) u bir tunto, kuna fuliyo siyaasad loogasoo yeedhiyay meel kale, halka kuwo ummadda soomaali-galbeed cadawtinimo guun ah u hayana (axmaaro iyo oromo) oo aan ogolayn inay maanta soomaali-galbeed katashato aayaheeda lagalaan heeshiis iskaashi iyo wax-wadaqabsi.
Axmaaro iyo Oromo midna uguma jirto xeer-hoosaadkooda in maanta haddii ay tala Itoobiya qabtaan madax-banaani lasiiyo ummadda soomaali-galbeed, waxaa kale oo ay kasoo horjeedaan in ummaddaasi umadax-banaanaato kudhaqanka iyo haysashada mabaadi’deeda dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed. Waa ururo kusocda in itoobiya lakala jarjarin. Su’aasha meesha kujirta ayaa hadaba ah laynta iyo gumaadka halgamayaasha MJXSG iyo shacabkuba ma qayb kamid ahbaa fulinta siyaasadda axmaarada iyo oromada ? mise garashada JWXO ayaa sabooshay, walina aanan gaadhin inay illaa heerkaas rag wax laqaybsato kolkaana lagu sameeyay maskax-wareen iyo dacay-xidh aysan garanaynin ? mise waxaas oo dhan kabasoo tagoo ragga heshiiska lagalay nimankaas ayaa luqadda lagugalay heshiiska heer siyaasad lagaga hadlo aanan gaadhin ?
Miday doontaba ha ahaatee waxaan arkaa inay tahay fal aan loo miidaandeyin, kaas oo ay kamadhantahay hadaf lasaanqaadikara ujeedadii hore ee JWXO ugu sheekeysay ummaddeeda, kusii socodkiisuna dhalinkaro cidhib-xumo dambe oo halganka ummadda soo foodsaarta.
Askareynta gabdhaha soomaali-galbeed
Ummad walba waxay leedahay waxyaabo hab-dhaqankeeda bulsho uu kutaaganyahay. Ummadda soomaali-galbeed waxyaalaha tiir-dhexaadka u ah dhaqankeeda waxaa ugu horeeya diinteeda. Dhinaca kale waxay kucaan-baxday ummaddaasi xushmaynta iyo ilaalinta gabdhaheeda. Nin ladilay ummaddaasi way kamag-qaadataa, laga heshiiyaa, laakiin qadaf iyo af-xumo loo geystay gabadha ummaddaas kasoo jeeda waxaa kadhasha halaag iyo isku-riiqan laba ummaddood. Waxaa kale oo aad looga dhawraa ummaddas gabdhaheeda waddo walba oo u fududeynkarta inay xidhiidh aan haboonayn kula sameyso nin gayaankeed ah.
Intaas waxaa dheer in bulshada kunool dhulkaasi kala leedahay doorar kaladuwan oo ay kaciyaaraan dhameystirka nolosha deegaanka lagu noolyahay, barbaarta, odayaasha, ganboolayda, gashaantimahu iyo caruurtuba waxay kala leeyahiin kaalinkooda. Hadaba iyadoo laga horyimaado habdhaqankaas toosan ee ummaddu lahayd, loona keeno mabaadii’ wax u dhimaya diinteeda iyo dhaqankeeda bulshadeed waxay soo dedejinkartaa qaran-guur iyo dhalanrog kuyimaada bulshadaas, kaas oo cidhibtiisa lamahadinin.
Arartaas dheer waxaan usoo galay waa culeyska iyo muhimadda ay leedahay arrintu. Waxaa dhacday hadaba in JWXO katallabsatay ilaalinta rukumadaas tiir-dhexaadka u ahaa diinta iyo dhaqanka ummaddas. Waxay jabhaddaasi si indho la’ u bilowday xilli horeba inay gashaantimihii ummaddas intay huga lagu yaqaanay kadhigaan una galiyaan tar-gallo, tababaro milatari ugu diraan wadamo aan lagaranaynin. Gabdhahaasi waxay dib ugusoo noqdaan wadanka iyo meelaha deriska la ahba iyagoo wata aragtiyo guracan, waxayna kudhexnoolaadaan wiilasha jabhada ee meelahaas jooga. Aragtidaasi waa aragtidii loo baahnaa in ummadda lagala dagaalamo laguna tirtirsiiyo inay haystaan dhaqankood wanaagsan. Waa aragti mudan in si adag looga hortagaa loona joojiyaa, waana aragti sii socodkeedu farqaha kuwata dhalan-gadoon iyo moora-duug dhaqameed oo aan lahayn dawo dambe. Waxaa marnaba isqaadankarin inaynu nidhaahno waxaan u halgamaynaa in ummaddaasi xor u noqoto kudhaqanka diinteeda iyo dhaqankeeda toosan, kuwo inaga inaga mid ahna (JWXO) ay u tafa-xaytaan wiiqidda iyo nolol-xabaalka dhaqankaas suubanaa ee ummaddaasi kucaanbaxday.
Talo kooban ayaa iga ah in gabdhahaas loo sameeyo siminaaro iyo waxbarasho ku saabsan caafimaadka, maamulka iyo dejinta ummaddooda, lagana daayo inay galaan baadiyaha ay ku keenikaraan waxaan bulshada dhexdeeda laga jeclayn.
Gunaanad
Hadalkayga waxaan kusoo mayracayaa inaan shacabka soomaali-galbeed kacodsado inay indho feeyigan ku eegaan daw-darrada iyo il-duufka siyaasadeed ee ay JWXO kusocoto, ugana digaan inaysan meelna gaadhsiinayanin, dhibaato iyo utunna kukala beerayso ummadda latiicaysay hagardaamada cadawga wayaanaha. Waxaan dhinaca kale ee jabhadda uga digayaa inay kasoo celiyaan halka ay maanta siyaasadda halganka kufaruur-xidheen, kana waantoobaan u adeegidda siyaasad ku guul-dareysatay daafaha caalamka, xukuumadihii fuliyayna ka joogaan qoomamo iyo dibno-qaniin. Xafiiska ay usameysteen waxa loogu yeedho la dagaalanka argagixadana waxaa haboon oo dawgu yahay inay u bixiyaan xafiiska udagaalanka araxaka iyo ummadda.
Intaas waxaa dheer waa in JWXO ogaataa in ummaddani waxa loo gumaadayo uusan ahayn midab, ama dhalasho kale ee uu yahay diinta iyo dhaqankeeda hufan. Ogaanshaasi waa inuu kuxambaaraa inay kafogaato wax kasta oo wasakhaynkara ama wax u dhimikara diinteeda iyo dhaqankeedas. Waxaa dawgu ahaa inay yeelato jabhadu xafiis ummadda kuwacyigeliya haysashad diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan, halka ay gashaantimahayaga duurka wareejinayaa.
WQ: awcabdimuxumed@yahoo.co.uk
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com