Talo wax ku ool ah:ONLF ma khaldana ee Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed ha isdifaacdo ama wadanka ha kabaxdo" @ 5 September 2007 03:49 PM
XOL: Jabhadda Wadiniga Xoraynta Ogadenia waxay madaxdeedu in badan meelo fagaaro ah kagaga hadleen inay ladagaalamayaan, ugudanbaystana ay wadanka kasaarayaan Xubanaha ama Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed. Haddaladaas waxaa intooda badan kuhadlay masuulka labaad ee JWXO, Mohamed Cismaan, waxaana arintaa aad ubuunbuuniyey in badana soogaaday Websiteka ee kuhadla afka Jabahadda.

Garabka ciidanka ee Jabahadda ayaaa bilahan danbe yool ka dhigtay ladagaalkanka ururka Somaligalbeed, waxayna dileen tiro badan mudo gaaban oo aan kala fogayn. Waxaa intaa kasiidaran wax fasiraad ah oo arintaa kukalifay oo lagahayo majiraan oo aan ahayn "waa inay wadanka kabaxaan"

Sidaa owgeed waxaa la odhan karaa Dagaalkani waa mid siyaasadeed, oo kudhisan qorshe codowtino oo ay Jabahaddu qaadatay, Waxaana la odhan karaa qorshaahi waa mid ka kaliya ee ay Jabhadda ONLF kumidaysan tahay maanta.

Dhinaca kale ee Midowga Jabahdda Xoraynta soomaligalbeed waxay in badan saxaafadda usoogudbiyeen calaacal iyo cabasho kusaabsan dilalka iyo waxyeelooyinka kasoogaaraya dhinaca ONLf, waxay kaloo in badan kucelceliyeen erayadda Dulqaadka, xilkasnimadda iyo inaan lagaleexanin dantii guud ee hubka loo qaaday.Waxaad moodaa in madaxda ururkani ay weli kahadlayaan meel iyo xilli mar hore lasoodhaafay.

Hadaba arintu waxa weeye, siyaasad qorshaysan oo dil iyo cadowtino xanbaarsan iyo niyadwanaag maslaxo guud kudhisan meel mawadagaalaan, waxaana sidaa dhibaato ugu sugan tahay dhallinyaradda Mujaahidiinta ah ee Ururuka Somaligalbeed oo maalin walba mid xaafid quraan ah ama hogaamiye ah meel lagudilayaa ama lagudhaawacayaa!!

Hadaba waxaan usoojeedinayaa Madaxda ururkan inay Wadanka kabaxaaan sida ay rabto ONLF ama ay dadka ay madaxda kayihiin kasaaraan Jahawreerka kahaysta Falalka Ururkan uu wadanku kadhaxeeyo, haddii aanay saa dhicin waxaan qabaa in shacaka Somaligalbeed kaxisaabtami doono dayacaad kasta oo kutimaada Halyeeyaddooda sida xun loogumaadayo, loona qabsandoono madaxda uruka ay katirsan yihiin.

dhinaca ONLF waxaan odhan lahaa "maxuma inaad qaadateen siyaasad aad kuladagaalamaysaan urukan iyo xubnihiisaba meel kasta oo ay joogaan, laakin waxaan idinka codsanayaa inaad ogolaatqaan inaad idinku sabab utihiin wixii kayimaada colaadan aad huriseen oo wanaag iyo xumaan ah labadaba xataa Mustaqbalka fog".

Waxaa marag maddoonta ah in maanta ay caddaatey in ONLF ay qaadatey qorshihii Ashahaada la Dirirka ee Muuse Yalaxoow iyo Qanyare.Waxeyna u taaallaa shacabka Somalmigalbeed ee awalba dhibaateysnaa waxa ay ka yeeli doonaa falalkan naxdinta leh ee soo noqnoqanaya.

Xaajo.com
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com