TACSI: Cabdi Sooraan illaahey ha unaxariisto. @ 16 February 2009 11:28 AM
Innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaan anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan jaaliyadda reer dhanaaan ee wadanka jermany halkan tacsi uga dirayaa dhamaan bulshada soomali galbeed gaar ahaan bulshada reer dhanaan, qaraabadiisa iyo qoyskii uu kabaxay marxuumka cabdi sooraan oo an filayo in bulshada dhanaan ayna marna heli doonin cid u badasha booskii uu kabaxay ee uu u hayay bulshada reer dhanaan.anigoo filaya in gacanta kagardaran ee dishayna ay aakhiro iyo aduunba mutaysan doonaan ciqaab,wax faaíida ah oo habayaraatee ay kugaadhi doonaan dilka marxuumkana uusan jiraynin.

Waxan markale leeyahay Ilaahay jannadii hakawaraabiyo cabdi sooraan, intii uu katagayna jannadii hakawaraabiyo. Aamiin

Mohamed Hassan Dubad
Frankfurt
Germany
Xaajo online http://www.xaajo.com Email: maamulka@xaajo.com