Bridging the gap!

 

 

   Home | Forum |Subax wanaagsan | Dhacdooyin | Waraysiyo | Contact Us
 
Xaajo.com: Somaligalbeed news provider in the net
Main Menu
You're here >> News Details
Maqaal
 
    BBC SOMALI
 


»Beenin: Hadalku runta Kama raysto, Nacab iyo Nasteexna kala baxe!
XOL:Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalooyinka, Dhanaan, Qabridahare, Jijiga iyo Addisababa waxey qirayaan markale in Dr Maxamed Siraad uusan dhiman wax meyd ah oo la arkeyna aysan jirin walina uusan warku dhaafin hadalkii Cabdi Illeey. Bogga Xaajo oo aad uga barateen xaqiiqadu waxuu umadda Ogaadeenya(Somaliglabeed) meelkasta oo ay joogtaba u sheegayaa markale nin malaggiis galay maalintiisa ma dhaafo, nin nolol u laabantahayna habaar iyo hadal laguma dilo. Goormey Noqotey In Cabdi Illeey warkiisa la qaato lana rumeeyo!

Waxaa TV-ga waddanka Ethiopia laga daawadey Boorso, Camero iyo waraaqo la yidhi waxaa iska lahaa Dr Doolaal waxuuna warkii oo dhan isugu tagay intaas mana jirto wax ka baxsan oo la hayo haddii Dr Maxamed Siraad Doolaal meydkiisu jirana Ethiopia diyaarad khaas ah ayay u diri lahayd dadkana tusi lahayd.

Waxaase umadda Ogaadeenya hadda usoo kala baxey xaqiiqada iyo runtu meeshey jirto iyo waliba beenta iyo dacaayaddu halkey taallo. Waxaad boggan Xaajo in badan ka akhrisateen in Dr Doolaal uu joogo gudaha uuna la joogo ciidamadiisa isla markaana xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo ururka MJXSG. Waxaa dhanka kalena laguu sheegey in Doolaal uu Dhoobley joogo ama Nairobi joogo amaba uu Sheekh Xasan Turki la joogo.

Dr Doolaal waxuu afkiisa ka sheegey iney jiraan shirqoolo loo maleegayo iyo in Tigreega lagu soo gadhqaaday oo uu meeshuu tagaba la daba taagnaa, waxaa kale oo muddadii yareyd ee Doolaal gudaha joogay dhacay dagaalo badan oo isaga lagu hujuumey laguna rabey in lagu dilo.

Dr Doolaal oo arimahan ka hadlaya maxuu isaga laftiisu yidhi? DHAGEYSO!


Waxay Xaajo kuu sheegtey inuu jiro Khilaaf ONLF u dhaxeeya oo gaadhey in Golaha dhexe ee ONLF garabka Maxamed Cumar uu gaadhey go aan ah in Dr Maxamaed Siraad la dilo meeshii lagu arkaba.

Waxaad ogtahay in madaxda ONLF xiligey doonaan ay gudaha galaan kana soo baxaan iyagoo wata Telefoonada Thurayada loo yaqaano haddana ay joogaan. Waxaa isweydiin leh maxaa Dr Doolaal Thurayadiisa ka dhigey Koor kuwa kalen ka dhigey kuwaan dan laga lahayn. Maxaa Dr Doolaal intuu galay dagaalka isku daba joogga ah ee diyaaraduhu wehelinayaan loogu qaadey iyadoo ciidamada kalena ay iska jiifaan ama ay sheedda ka daawanayaan.

Muddo laga joogo todobaad ciidamada ONLF garabka Maxamed Cumar Cismaan waxaa lagu amrey iney dhamaantood damiyaan Telefoonadooda iyagoo usheegey inuu jiro hawlgal milatari oo balaadhan, taasoo ahayd midda Dr Doolaal lagu weeraray. Xog hoose oo aan ka helney garabka Maxamed Cumar ayaa markii la weydiiyey waxa arintaas ka jira ayay ku faaneen in iyagu ay dawlad yihiin isla markaana ay ogaadeen iney ogaadeen iyagu in qalabka Telfoonada lagu dhageysto ama lagu helo ay Ethiopianku soo qaateen sidaasna ay u amreen iney ciidamadoodu damiyaan! Adigaan kuu daynaynaa inaad maskaxdaada u micneyso!

Waxaa intaas sii dheer hamuunta loo qabo geerida Dr Doolaal in dhakhsadiiba la qorey Tacsi aan sal iyo raadtoona lahayn iyadoo ay kuwii shalay lahaa waa Tuug maanta dhahaan waa halyey naftii hura ah. Maxaa xitaa keeney inaan la hubsan oo loogu dagdagay waxaan sal iyo raadtoona lahayn. Goormaase Cabdi Illeey warka in laga qaato ay noqotey sawkii Jaajuuska ahaa!

Haddii aad wareysiyadii ugu danbeeyey iyo qoraaladii ugu danbeeyey ee aad dib u dhugatana wali way qoyan yihiin in Doolaal ahaa Halyey iyo Naftii hure iyo inkalena adigaan kuu dayneynaa! Illaahaybaa Xaqa soora beentuna marka u danbeysa lug lasoo qabto ayay leedahay!

Ugu danbeyn waxaan leenahay Dr Maxamed Siraad waa hal ruux oo kaliya ee ma ahan dhawr ruux ismana baddalin ee waa isla isagii uun. Hadduu shalay joogey Dhoobley maanta ma joogo Ogaadeenya, haddii uu shaley Jaajuus ahaana maanta halyey iyo Naftii hura ma ahan. Haddii uu dagaal ku dhinto waxuu lamid noqonayaa raggii ka horeeyay ee dagaalka ku dhintey waana geeri loo dhashey, haddii uu noolaadana waa la arki doonaa!.

Isku soo duuboo Dr Maxamed Siraad Doolaal ma dhimanin idamka illaahay haddii ay tiisii timaaddana cidna lagala tashan maayo geeriduna waa Xaq!

Talada aan usoo jeedineyno umadda Ogaadeenya waxey tahay in marwalba fikirka iyo talada iyo caqligaba lagu kala duwan yahay balse aysan taasi horseedin is dil iyo burburin maaddaama oo shacabku xal u baahanyahay dacaayadduna aysan dan u ahayn waxgaradka iyo umadda guud ahaan.

Xaajo.com

Print This Article comments (0)

Home | Dhacdooyin | Waraysiyo | Subax wanaagsan | Contact us

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 Next >>

 

 

<< Previous 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 Next >>

 


 
   

Copyright ©2006 Xaajo.com Designed by Somalitech.com