XOL:Waxaa lagu war galinayaa dhammaan qurba joogta degmada Dhanaan meel kasta oo ay kajoogaan adduunka daafihiisa in uu ka biloowday mashruucii dhaqaalle aruurinta ee biyo galinta magaaladda Dhanaan,iyadoo la tix raacayo qodabaddii kasoo baxay shirkii ka dhacay waddanka koonfurAfrika taariikhdumarka ay aheyd 14-kii bisha March ee isla sanadkan.
Qodobadii kasoo baxay shirkaas oo saxaafadda lagu daabacay ayaa waxeey u qornayeen sidan
1- in biya galinta magaaladu ay noqoto mid lagga soo jiido wabiga shabeele
2- in iskaashiga bulshada kasoo jeeda magaalada dhanaan ay saldhig unoqoto biyagelinta magaalada
3- In wixii ka baxsan awooda Bulshada ree dhanaan lala kaashado DDS iyo Hay’addaha ka howlgala deegaanka sida SAAD.
4- si arrintaas loo meel mariyo waa in la isku xidhaa dhamaan qurba joogta degmada dhanaan
5- magacaabis gudi ka kooban qurba joogta iyo gudaha degmada dhanaan. 6-abuuris sanduuq dhaqaale uruurin dibadda iyn gudaha ah
7- xalinta waxii khilaaf ah ee u dhaxeeya jaaliyaadka degmada .
8-is cafis iyo wadda shaqeen guud.
Haddaba waxaa lagu borinayaa dadka kasoo jeeda magaalada Dhanaan in ay ka qeyb qaatan hadii alle idmo.. Xaajo.com