XOL: War dagdag ah oo Naga soo gaadhay ayaa sheegay inuu dagaal culus kadhacaya magaalada gobol ka Fiiq ka tirsan ee xuduuda kutaal ee Burqaa-Tirtira dagaal kaasi oo udhexeeya shacabka somalida iyo oromada.
Inkastoo aysan jirin wax faahfaahin ah oo ka waramaya khasaaraha ka dhashey dagaalkan labada dhinacba haddana dagaalkaasi oo ahaa dagaal culus ayaa lasheegayaa in la isu hub uruursan hayo .
Dagaalka ayaa hadda wixii kadanbeeyana laga yaabo unuu dagaalku sii fido isaga oo lasheegayo dhimashada ay mareyso labo iyo saddex dhaawac aha oo labada dhinac ah somalida iyo oromada sida ay sheegayaan warar hor dhac ah.
Qawmiyadda Soomaalida oo ah qawmiyadda labaad dhanka baaxadda dhulka marka laga reebo Oromada ayaa waxay khilaaf dhanka xadka kala dhexeeyaa Oromada iyo Anfarta iyadoo qawmiyada Oromadu ay horey u qaadatay dhul Soomaaliyeed oo aaan ka fogeyn caasimadda Jijiga.
Dagaalkan ayaa la ogeyn sababta uu ka kacay balse loo badinayaa iney la xidhiidho dhanka daaqa iyo soohdinta dhulka.
Waxii kasoo baxa kala soco Xaajo.com
Abdinur Ibrahim Cabdulaahi