XAAJO.COM

Qolyaha Canshuurada Federaalka oo dhib ku haya Ganacsatada Qoraxay iyo Shabeele

XOL:Wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in qolyaha loo yaqaano Finance-ga ee dawladda Fedraalku ay dhibaato ku hayaan ganacsatada deegaanka gaar ahaan kuwa gobolada Shabeele iyo Qoraxay iyagoo maalmahan baadha kadibna qaata badeecooyinka ay leeyihiin dadka ganacsatada ahi.

Ganacstada Deegaanka ayaa ka qaylisey qaabka ay ula dhaqmaan iyagoo inta jidka istaagaan istaajiya baabuurta wadda badeecooyinka.

Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda ka hor amray in qolyaha canshuuruhu ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan ganacsatada deegaanka taasoo dhibaato weyn ku ah shacabka.

“Amarkaas kadib mudo ayaa laga roonaa dhibaatadaas balse muddo kadib ayay dib ugu soo laabteen” ayuu ydihi mid kamid ah dadka deegaanka.

Qolayaha Canshuuraha ee loo yaqaano Finance ayaa ah kuwa aad looga cabsado waxeyna dhacaan hantida dadweynaha iyadoo aan la ogeyn in xukuumadda Deegaanku ogoshahay iyo inkale.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print