XOL: Waxaa shir heer sare ah isugu imaaday jaaliyada soomalida itoobiya ee sweden gaar ahaan caasimada labaad ee dalka sweden Gothenburg waxgarad keeda dhamaan qeybaheeda kala duwan aqoonyahano iyo culimaaudiin iyo Qunsulka dawlada federaalka itoobiya u fadhiya dalka sweden Mudane Xussen . Shirkan ayaa waxaa uu qunsulku ooga warbixiyay jaaliyada xaalada guud ee Dalkeena Ethiopia isagoona sidoo kale usoo bandhigey qurbo jogta inay ka qayb qaataan Biyo xidheenka webiga Abaay.
Qunsulka iyo jaaliyada ayaa kala qaatay warbixino aad u muhiim ah oo uu qunsulkuna aad ugu qancay sida abaabulan ee ay uga soo qayb galeen bulsho weynta soomaliyeed iyo kuwa udhashay deegaanka soomalidaba sidoo kale jaaliyada DDSi ayaa iyaguna aad ugu qanacsanaa la kulanka qunsulka oo ah somali kulana sheekaysanayeen afka soomaaliga taas oo muujinaysa xuquuqda ethiopianimo inay cadahay .
waa markii ugu horeysay ee qunsul soomaali ah oo kasocda saafarada sweden ay la kulman taasina waxay ahayd waxyaabihii aad usoo jiitey qurbo joogta dalka sweden gaar ahaan magaalada Göteborg.
Kulankan oo aad u xiiso iyo xamaasad badnaa ayaa waxaa la isla af gartay in laga qayb qaato horumarka iyo dib u curashada ka bilaabatay Guud ahaan dalka Ethiopia gaar ahaana Deegaanka Soomaalida Ethiopia . waxaa sido kale aad loo amaanay looguna riyaaqay horumarka uu ku guulaystay xisbiga Dimuqraadiga shacbiga soomaalida ethiopia X. D. SH. S. I iyo Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mudane Abdi Mahamud Omar kaas oo loogu hanbalyeeyay wax qabadka muuqda ee mudada yar lagu qabtay iyagoona sido kale muujiyay Taagero hiil iyo hooba ah .
Isku soo wada duuboo Shirkan uu kasoo qayb galay Qunsulka Dawlada Federaalka Ethiopia u fadhiya Dalka Sweden ayaa wuxuu kusoo dhamaaday waji farxad iyo rayn rayn ah kaasoo qanciyay dhamaan kasoo qayb galayaasha shirka iyadoona la filahayo in shirar kale la qabandoono bisha oktoobar ee fooda inusooheysa 27/10/2012
qaban qaabiyaasha shirka:
1. Maxamuud dayib gudoomiye
2. Mohamed hassan muhumed [huways] xogahaye
3. Nuur Cabdi Colaad
4. Bashiir Abshir Gaas
5. Mahamed Cabdi Sahal
Xaajo.com