XAAJO.COM

Roobkii Dayrta oo si wanaagsan uga curtay Deegaanka

Wararka naga soo gaadhaya gobolada shabeele iyo qoraxay ee DDS ayaa sheegaya in uu halkaasi ka da’ay roob mahiigaan ah isla markaasina ay dadku iyo waliba duunyadu ay si wayn ugu diirsadeen . Mar aan xalay khadka telefoonka mobile-ka kula xidhiidhay Maxamed Cadde Macalin¬† oo kusugan magaalada Godey ee xarunta gobolka shabeelle ayaa sheegay baaxadda uu roobkan leeyahay gaadhsiisan yahayna dhammaan degmooyinka hoos taga gobolka Shabeele.

Dhanka kale gobolka Qoraxay ayaa isaguna laga soo sheegayaa inuu ka da’ay roob culus oo aad loogu diirsaday aadana loogu riyaaqay. Roobabkan ka da’ay gobolada shabeele iyo qoraxay ayaa imaan haya iyadoo kuleel badani ka jiray halkaasi dadka iyo duunyaduna ay aad ugu ildarnaayeen raxmadda Rabbi.
Calijawhar xaajicabdi.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print