Kulan balaadhan oo ay horkacayeen Masuuliyiinta ugu sareysa labada hay’adood ee Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta Degaanka Soomaalida Itoopiya(SAAD iyo Hay’adda Horumarinta Haweenka Soomaalida Itoopiya ee Qurba joogta(SEWD) ayaa ka dhacay Xafiiska SAAD ee Magaalada Jigjiga.
Shirkan ayay labadan hay’adood kaga wada hadleen sidii iskaashi iyo xidhiidh dhanka waxqabadka ah ay uyeelan lahaayeen labadan Hay’adood maadaama ay u taaganyihiin horumarinta iyo gar-gaarka bulshada degaanka.
Gudoomiyaha SAAD Sh.Axmed Nashaad iyo madax kale oo kan tirsan SAAD ayaa gabdhahan kusoo dhaweeyey Xafiiska warbixin kooban oo gudoomiyuhu siiyay waftigan soo booqatay Xafiiska ayuu kaga warbixyay wixii u qabsoomay tan iyo markii la aasaasay Hay’adda SAAD sanadkii 2010 ka, sidoo kale ayaa gudoomiyuhu wuxuu aad u amaanay dadaalka ay wado hay’adda SEWD wuxuuna ku tilmaamay inay kasoo baxeen kaalintii looga baahnaa walina ay u taaganyihiin wax u qabadka bulshada degaanka.
Dhanka kale Gudoomiyaha Hay’adda SEWD Marwo Fowsiya Sh.Cabdullaahi Cali ayaa dhankeeda u mahadcelisay Masuuliyiinta Hay’adda SAAD dadaalka ay ugu jiraan horumarka degaanka iyo haqabtirka bulshada iyadoo bogaadisay waxqabadkii hay’adda mudadii yareyd ee ay jirtay , sidoo kale ayay sheegtay in hay’adoodu ay u taagantahay horumarinta DDS ayna Safar dheer usoo galeen arrintaas.
Mar ay ka hadlaysay dhanka xidhiidhka labada hay’adood ayay sheegtay in ay tahay wax lagu farxo ayna dhankooda diyaar u yihiin in iskaashi iyo xidhiidh wanaagsan uu dhex maro iyaga iyo Hay’adda SAAD maadaama ay yihiin laba hay’adood oo DDS kawada shaqeeya.
Ugu dambaystii ayaa hay’adda SAAD waxay marti qaad u fidisay gabdhaha Hay’adda SEWD halkaas oo si wada jir ah loogu wada qadeeyey.
Xaajo.com