Hay’adda SAAD iyo hay’ad caalamiga ah oo lagu magaaco PACT World oo xarunteedu tahay Maraykanka ayaa heshiis kukala saxiixday magaalada Addiss Ababa . heshiiskan ayaa ku saabsan inay hay’adda SAAD fuliso mashruuca ay PACT maalgaliso oo ku saabsan daryeelka caruurta danyarta ah iyo kuwa tabarta daran. Mashruucan oo socon doona 5 sanno ayaa sannadkiiba waxaa ka faa’iidaysan doona caruur gaadhaysa ilaa 6000 ilmood.
Degmooyinka mashruucan laga fulin doono wajiga koowaad ayaa waxay kala yihiin:
1- Awbare
2- Xarshin
3- Gode
4- Fiiq
5- Dh.buur
6- Qabridahare
Mashruucan ayaa caruurta ka faa’iidaysanaysa wuxuu ka kaalmeyn doonaa dhinacyaha: Waxbarasha, Caafimaadka, Cuntada iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee qoysaskooda.
Mashruucan oo laguda galay ayaa waxaa ay hay’adu ka furatay lixdaa degmo Xafiisyo u quma howshaas oo taya leh iyo shaqaale karti u leh shaqadaas.
SAAD ayaa maalmahan ku mashquulsanayd kormeerka degmooyinkan iyo isku dubaridka hawlaha mashruucan si loo xaqiijiyo fulintiisa si habsami ah.
Mashruucan daryeelka caruurta ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ay ka faa’iidaystaan tira caruur ah oo gaadhaysa 6000 sanandkiiba iyadoo laga yaabo inay kordhaan tirada sanadkii ka faa’iidaysanaysa sanadaha soo socda.
Mashaariicda SAAD iyo wax qabadkeeda ayaa soo jiitay hay’addo caalami ah waxaana bilowday inay SAAD la saxiixato heshiisyo wadashaqayn ah qaar ka mid ah hay’adahaas caalamiga ah sida Hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta, waxaa sidoo kale la filayaa in todobaadyada soo socda ay heshiis wada shaqayn ah kala saxiixdaan SAAD iyo hay’adda OXFAM GB oo ah hay’ad ingiriis ah.
SAAD Office Addis Ababa