XAAJO.COM

SAAD oo mashruuc indha fiiqid ah ka fulisay Isbitaalka Kaaramardha ee Magaalada jigjiga ( Sawiro)

Mashruuc wayn oo ah dhanka indha fiiqida ayay Hay’adu ka qayb qaadatay fududeyntiisa  kaas oo loogu tala galay in dad kor u dhaafaya 7500 oo qof loo sameeyo adeeg Caafimaad oo kala ah indha fiiqid iyo daweyn.

Hay’ada oo ka duulaysa in Caafimaadka wax wayn lagu kordhiyo ayay waxay degaanka keentay Hay’ada Caalami ah oo ka shaqaysa Caafimaadka indhaha oo loo yaqaano Al-basar international Foundation oo fadhigeedu yahay Wadanka Sacuudi Carabiya.

Hay’addan oo taageera ka helaysa Bisha Cas ee Wadanka Qatar ayaa degaanka soo gaadhay todobaadkii hore iyagoo bulshada u fidiyay adeeg Caafimaad oo ay ka faa’ideysteen dad ka kala yimid qaar kamid ah degmooyinka degaanka.

dhakhaatiir gaadhay 18 dhakhtar oo ku takhasusay indhaha ayaa si habsami leh uga howl galayay Isbitaalka wayn ee Kaaraamardha ee magaalada jigjiga kuwaas oo dadka u sameeynayay indha fiiqid iyo daweyn.

mashruucan oo ay fududeeyeen Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo Hay’adda SAAD ayaa u dhacay sidii loogu tala galay.

Xaajo.com

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print