XAAJO.COM

Salku Waa Jijiga:Fanaan C/khaaliq X.Siraad oo ka dagay Jijiga(SAWIRO)

XOL: Fanaanka da’da yar Cabdixaaliq Xaaji Siraad oo ah qurba joog ah kana tagay waddanka Ingiriiska ayaa gaadhay magaalada Jijiga iyadoo si heersare loogu soo dhaweeyey magaalada iyadoo ay masuuliyiin heer Kilil ah iyo fanaaniin badani ay soo dhaweeyeen. Masuuliyiin kasocota xafiiska Qurba joogta iyo kooxda fanka ee deegaanka Soomaalida ayaa kusoo dhaweeyey heeso iyo mashxarad.

C/Khaaliq ayaa kamid noqonaya fanaaniinta kasoo jeeda Deegaanka oo Jijiga booqda markii ugu horeysay waxuuna raacayaa fanaaniintii ka horeysey ee soo baaqay Jijiga.

Waxaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda kasameeyo Bandhig faneed lagu qabto Hoolka Wayn ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Caasimadda Jijiga ayaa noqotey hoyga fanaaniinta iyo hal abuurka iyadoo ay sanadihii ugu danbeeyey gaadheen fanaaniin badan ayna dhamaanteed kusoo jileen heeso iyo dhaantooyin xiiso badan u yeeshay dadka afka Soomaaliga ku hadla.Fanaanka oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey inuu aad ugu hanweyn yahay imaatinkiisa isagoo u mahadceliyey xukuumadda deegaanka Soomaalida.

 

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print